|
|
|
|
|
|
|
Askar ka mid ah cidamada DF
oo howlgalo ka sameeyey
deegaano fara badan, ka dib
markii qaraxyo qasaare
geystay xalay lala beegsaday |
|
|
|
(Updated:-(Mon.25.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Mogadishu(Bnn)Aroornimadii saaka ayaa
ciidamo ka tirsan dowladda federaalka
Kumeelgaadhka Ee Soomaaliya oo ku hubeysanaa
noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka
waxay ku soo faafeen Suuqa xafada Buulo
xuubay iyo xaafadaha ku xeeran oo ka tirsan
degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ka dib
markii fiidnimadii xalay kooxo hubeysan ay
bam gacmeed ku weerareen gaari ay wateen
ciidamo ka tirsan DF oo halkaasi marayey.
Ciidamadan ayaa lagu soo waramayaa iney
galeen xaafadaha ku xeeran Suuqa Buulo
xuubey iyagoo ka baadi goobaya sida la
qiyaasay kooxihii xalay bam gacmeedka ku soo
weerararay oo aan la ogeyn qaabla ay ku
aqoonsan karaan lamana oga illaa hadda iney
halkaasi dad ka qabnqabteen iyo in kale,
iyadoo uu guud ahaana xiran yahay
dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo isu socodkii dadka
iyo gaadiidka ee suuqa Buulo Xuubey.sida ay
saxaafadu sheegtay
Weerarkii bam ee xalay lagula beegsaday
Suuqa Buulo Xuubey gaariga ay saarnaayeen
ciidamada DF ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa
afar ruux oo mid ka mid ah uu ahaa ciidamada
dowladda Soomaaliya halka saddexda kale ay
ka ahaayaeen dad rayid ah oo goobta ka ag
dhowaa, waxaana qaar ka mid ah dadkaasi ay
ku dhaawacmeen rasaas ay qaraxa ka daba
fureen ciidamada, waxaana dhaawacooda la
dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada
Muqdish halkaasoo imika lagu daweynayo.
Boramanewsnetwork
Abdoulkarim Qamaan Ali"Fiiri"
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|