Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Fadeexadii ka dhacday Isbitaalka guud ee Boorama

           (Updated:-(Mon.25.Feb..2008)
 

Boorama(Bnn)waxa ka dhacday sabtidii todobaadkan cuisbitaalka guud ee Boorama dhacdo fadeexad ah oo kashiftay maamul xumada iyo adeeg la,aan la hadal hayay inay mudooyinkii u dambeeyay la soo daristay isbitaalka iyo adeegyada uu bulshada u fidin jiray.

Waxaa dhacday abaaro 9.00 subaxnimo ee maalintii sabtidii ee taariikhdu ku beegnay 23.Febraury. in Isbitaalka la keenay bukaan xaaladiisu liidato oo laga keenay deegaanka Ruqi ee degmada Baki ee G/awdal, iyada oo wakhtigana ay isbitaalka soo gaadheen bukaano tirao badan oo isaga yimid gobolada dalka iyo meelo kaleba kuwaas oo u yimid dhakhaatiirta samafalka indhaha ee Kikuyu Eye Unit Nairobi Kenya kuwaas oo sanadkasta dhawr jeer isbitaalka Guud ee Boorama ka fuliya qaliin samafal ah.

Sanad kasta marka xiligan oo kale la gaadho waxa u caado ah maamulka Isbitaalka Boorama inay dhamaan bukaanada isbitaalka ku jira dibada dhigaan dadkoodana ku amraan inay guryohooda gaystaan iyaga oo waadhadhka u faaruqiya bukaanada mashruucan indhaha u yimaada.

Hadaba maalinta sabtida ah waxa la keennay isbitaalka bukaankan  xaaladiisu liidato ee baadiyaha laga keenay oo uu waday nin isna reer miyi ah oo qaraabadiisa ah, waxaana la sheegay inuu ka codsaday dhakhaatiirtii  iyo kalkaaliyayaalkii caafimaad ee isbitaalka ku sugnaa  in bukaankan uu wado ee xaaladiisu liidato la dhigo waadhka gar gaar caafimaadna la siiyo, balse waxa la sheegay inay u diideen una sheegeen inuu horta soo goosto juwan lacag ah oo uu goosto qofka doonaya in bukaan loo jiifiyo waadhadhka waxa la sheegay ninka bukaanka waday oo reer miyi ahaa awgeed inay ku qaadatay mudo dheer sidii uu u heli lahaa meesha laga goosto iyo cid u goysa, markii uu ku guulaystay ee is lahaa hawshii way kaa dhamaatay ee uu u yimid kooxdii ku qornayd waadhkii loo ogolaaday ayaa sida ay dadkii goob jooga haa sheegeen waa ay u diideen iyaga oo waliba ugu jawaabay hadalo qalafsan ilaa uu ka baryay wakhti dheer balse dhag jalaq looma siin, bukaankana xaaladiisu way sii xumaatay ilaa ay naftu ka baxday oo uu ku qudh baxay goobtii waadhka hortiisa ee loo diiday in gudaha loo dhaafiyo gar gaar uu helo iska daaye. qof haween ah oo goob joog ahayd codsatayna inaan magaceeda la sheegin ayaa sheegtay inay ka argagax day qaabkii ay ula dhaqmeen hawlwadeenada caafimaadka ee cisbitaalku bukaankii xaaladiisu liidatay iyo ninkii reer miyiga ahaa ee la socday"waligay ma arag dad bani aadam ah oo sidaa u dhaqma,

miyaanay ka baqayn inay cuqubo ku dhacdo, waan xasuustaa ilaa 9 subaxnimo ayuu hortaagnaa wax ay u qabtaan iska daaye way aflagaadaynayeen ma halkan ayuu qof dambe isku soo aamini doonaa, waxa kale oo damiirkaygu qaadan kari waayay markii uu ninkii bukaanka ahaa dhintay xataa may gayn qolkii maydka oo may asturen waxaan ka tagay 12.00 duhurnimo isaga wali yaala waadhka hortiisii,iyada oo xiligii ay naftu ka baxday ay saacadu ahayd 10.00 kii iyo woxoogaa mudada intaa leegna meeshii uun buu horyaalay"

Waa arin murugo leh dhacdadan fadeexada ah ee ka dhacday Cisbitaalka guud ee Boorama oo mudooyinkanba laga dayrinayay adeegiisa, iyada oo xaaladiisana ay sii xumaysay wada shaqayn la,aan la sheegay inay ka dhex jirto dhakhaatiirta iyo maamulka caafimaadka, mudo dhaweydna waxa ay wararku sheegayeen in cisbitaalka ay soo food saartay dawo la,aan oo loo waayay qof bukaan ah xabad baaraasitimool ah oo xumada lagaga dajiyo in xal loo helay iyo in kalena war sugan lagama hayo, waxaanan eegi doonaa bal waxa uu ku dambeeyo Cisbitaalka Boorama.

Cabdiraxmaan Maxamad Habane
(Bnn)Borama News Network
Boramanews.com

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye