Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

BEESHA MAKAAHIIL DHEERE OO SHEEGTAY INAY QAADICI DOONAAN DIIWAANGALINTA HADDII AAN WAX LAGA QABAN SIDA LOO QAYBIYAY GUDIYADA DIIWAANGALINTA IYO KOMISHANKA OO CADAALADA KA FOG.

           (Updated:-(Mon.25.Feb..2008)
 

Boorama(Bnn)Wax garadka dhalinyarada beesha Makaahiil dheere[samaroon] ayaa si adag gaashaanka ugu dhuftay habka loo maamulay gudiyadii gobolka Awdal ee loo xulay diiwaangalinta iyo xafiisyada komishanka gobolka oo ay sheegeen inuu ahaa cadaalad daro loogu sadburiyay beesha Madaxweyne Rayaale, halka beeshoodana aanu qof kaliyi kaga jirin 4o xubnood oo gudiyadaasi ka kooban yihiin.

Waxgaradkan Beesha Makaahiil dheere bayaan ay arintaa kaga hadlayaan oo ay soo gaadhsiiyeen wariyahayaga Jamhuuriya ee Awdal C/raxmaan Maxamed Habane isaga oo faah faahsan waxa uu u dhignaa sidan"wakhtigan maanta oo la moodo inay wax wanaagsani soo urayaan caalamkuna u soo jeestay somaliland waliba dawladihii ugu waaweynaa caalamka
indhahooduna ina soo eegayo imtixaana la inaga qaadayo oo haddii maanta doorashooyinka iyo diiwaangalintaas ay si fiican inoogu dhacaan oo khayrku ku jiro waxa cadaanaysa wixii aynu ku faani jirnay ee ahayd dimuqraadiyada, kala dambaynta, dhawrista sharciga, nabadgalyada iyo waxyaabo kale oo badan. Si aynu hadaba himiladeenaa kor ku xusan uga guul gaadhno waxa inagu waajib ah in la dhawro lana ilaaliyo axdiga midnimada, cadaalada iyo wax wada lahaanshaha, arimahaas oo hadii la waayo dhaawac ku keeni kara ujeedooyinkeena iyo himilada shacbiga waayo maanta waxa aynu galnay bog cusub oo aynu galayno doorashooyinkii labaad ee aynu ku adkaynayno dimuqraadiayada aan qaadanay iyo diiwaangalinta xafiisyadeedii la furayo.
Hadaba waxa jirta oo ay cabashadayadu ku saabsan tahay beelihii gobolka wada daganaa oo qaarkoodna loo sad buriyay, qaarna sadkoodii laga qadiyay, waxaana hada cadaatay in aanu beeshayada qof kaliyi kaga jirin 40 ka xubnood ee G/awdal loo xulay gudiyada diiwaangalinta iyo komishanka taasina waa xaq daro,

Waxaa la ogyahay soomaaliland dimuqraadiyadeedu wali inaanay sal dhigin oo aynu ku shaqayno iswaafajinta dhaqankeenii beelaha iyo dimuqraadiyada aynu qaadanay, taas oo keentay in beelkastaa saamigeeda qaadato cidkastaana iska dhex aragto kana muuqato muraayada saamiwadaaga dalka iyo wax kasta oo soo kordha, sidaa awgeed waxaanu u aragnaa talaabo meel ka dhac ah in beelo wada dega qaarna loo sadburiyo qaarna aan laba soo hadal qaadin.

Sidaas darteed Beesha Makaahiil dheere shir ay shalay yeesheen waxa ay ku go,aansadeen in aanay ka qaybgalin diiwaangalin iyo doorashaba, ilaa inta wax laga qabanayo cadaalada daradaa badheedhka ah, midna waa in la ogaado hadii aan wax laga qaban oo ay doorashadu sidaa ku dhacdo iyada oo aanay ka qaybgalin beelo reer somaliland ahi waxay fool xumo ku tahay dimuqraadiyadii ay soomaaliland ku faani jirtay.

Hadaba beelaha reer Awdal kuwa xaqooda la maroorsaday ee aanu qofna kaga jirin xubnahaa 40 ka ee la sheegay waxaa ka mid ah 1-Makaahiil dheere, 2- Cabdalle makaahiil. 3-Celli makaahiil.4-Ciye Makaahiil, 5- Jibriil, 6- Basanayo. 7- Bahabar xasan iyo beelaha laga tirada badan yahay.
Kuwa xubno laga siiyay balse aan ku qanacsanayn ee ka cabanaya 1.Beesha Ciise. 2.Maxamedcase. 3.Habarcafaan.
Intaas marka aan ka tagno beesha u badan Makaahiil waxay tahay Muuse Makaahiil wuxuuna u kala baxaa 1.Makaahiildheere Muuse iyo 2-Yoonis Muuse.

Yoonis Muuse waa beesha uu ka soo jeedo Madaxwaynaha, wasiirka macdanta iyo biyaha, wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo agaasimayaasha guud oo dhan iyo gudoomiyaha G/awdal dhamaantood waa Yoonis Muuse.
Makaahiildheere Muuse waa beesha cabanaysa oo ah beeshii ay ka soo jeedeen Ugaasyadii Samaroon ee boqolaalka sanadood soo jireenka ahaa.Waxyaabaha aani in badan la aamusnayn waxa ka mid ah doorashadii Dawladaha Hoose oo aan wakhtigaa liisna lagu darin qof beesha ka tirsan, anaga oo sidaa uga maqan oo aanu maalinwalba arkayno xilal la bixinayo oo ay beeshaas Yoonis Muuse ee aanu walaalaha nahay ay sadbursanayeen hadana waxa aanu ku joognay dulqaad anaga oo tabashadayada marwalba u qarsanaynay anaga oo ah saldanadii Samaroon, dulmigaas hore isaga oo jira ayaa maantana waxaa dhacday 40 ka xubnood ee gudiyada diiwaangalinta iyo komishanka inaan qof kaliya nalagaga soo darin meeshaasna waxaa ka cad in Beesha Madaxwaynaha ee Yoonis Muuse ay kaligood waxwalba isku koobeen taasina xeer iyo dhaqan midna noqon mayso.
Hadaba dadka soomaaliland waxaan u sheegaynaa in aanay fursad iska lumin waxkastana ay ka daba tagaan inta ay dhaw yihiin ee ay waxka qabashada leeyihiin hore ayaa loo yidhi"caano daatay dabadood la qabay", komishankana waxaanu leenahay waxkasta oo la dhisayo hoosta ayaa laga hagaajaa ee inta ay fududahay wax ka qabta diiwaangalintana dhaawac bay u keenaysaa in beelo somaliland ahi ka maqnaadaan".
Xubnaha bayaankan soo saaray ee waxgaradka Makaahiildheere.
1-Ismaaciil Xasan Mataan.
2-Sacad Sh C/raxmaan Qaadi.
3-C/risaaq Abaadir.
4-Aadan Axmed Faarax.
5-Maxamed Carab.
6-Xasan Faarax Kooreeye
7-Bashiir Ducaale.
8-Cali Axmed Xaashi.

Dhinaca kale Axmed Xaddi Sidci oo isna ka mid ah qurba jooga Makaahiildheere isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka Udub UK oo dalka ku yimid safar gaaban oo mid shhaqo iyo maalgalin isugu jira isaga oo ka mid ah xubnaha Rerre Awdal ee dalka maalgashi ku samaysay ayaa isna soo dhaweeyay cabashadan waxgaradka dhalinyarada beesha isaga oo sheegay inay tahay mid ay xaq u leeyihiin waxaana hadal uu Jmahuuriya siiyay ka mid ahaa"Hadii aan ka hadlo aragtidayda cabashada waxgaradka dhalinyarada Makaahiil dheere waan ku ixtiraamayaa xaqna way u leeyihiin inay soo bandhigaan fikradooda iyo cadaalad darada ay tirsanayaan iyo ka maqnaanshaha laga reebay gudiyadii diiwaangalinta iyo komishanka Awdal mana haboona in beeldhan laga tago maxaa yeelay waxa ay la gudboonyihiin Makaahiildheere Muuse Beesha Yoonis Muuse sida ay u sheegeen, cida ay khusaysana waxaan leeyahay dib ugu noqda oo wax ka qabta waayo qof kasta oo wadani ahi wuxuu u baahan yahay inuu xuquuqdiisa helo".

Mr Sidci waxa kale oo uu ka waramay xaalada dalka oo uu sheegay inay meel wanaagsan maray, gaar ahaan dhinaca arimhaha dibada oo uu madaxwaynaha ku amaanay dadaaladiisa uu ugu jiro ictiraafka dalka, waxa kale oo uu sheegay in qurba joogu kaalin weyn ka qaateen horumarka dalka iyo bilicda magaalooyinka waaweyn ee somaliland oo ay hantidooda ku maalgaliyeen, iyada oo xiligan qurba jooga wadcigoodu sare u kacay oo ay dalka wax badan kala socdaan danta guudna ka midoobeen, waxa uu dhinaca kale qiray in qurba jooga Awdal lagaga horeeyo dhinaca maalgalinta warshadaha fudud oo shaqo la,aanta wax weyn ka tari lahayd inkasta oo uuu sheegay inaan dadaalkoodu yaray.

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye