Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Mudanayaal Ganacsato Soomaaliya oo lagu eedeyay inay maalgeliyaan kooxaha rabshadaha Kenya.

           (Updated:-(Tue.26.Feb..2008)
 

Nairobi(Bnn)Sirdoonka Geeska Afrika Saraakiil ka tirsan ayaa sheegay in ganacsato waaweyn oo u dhashay Soomaali kana ganacsada Kenya iyo dalalka la deriskaa ay dhaqaale adag ku bixinayaan sidii Xisbigga uu hogaamiya Raila Odinga ee ODM ku qaadici lahaayeen wada xaajoodyada ay dowladaha reer galbeedka ka dhex wadaan Mucaaradka iyo Xukumadda Mwai Kibaki.

Ila wareedyadda u waramay saxafa oo xiganas warka Saraakiisha Sirdoonka geeska Afrika waxay sheegeen inay ganacsatadaas dhaqaale gaaraya labo Milyan oo dollar ku bixiyeen rabshadaha ay wadaan taageerayaasha ODM ee ka gadoodsan doorashadii Madaxtooyada ee loo dhaariyay Mwai Kibaki.

Saraakiisha waxay warbixintooda ku sheegeen mid ay dabagal dheer ku sameeyeen waxayna tibaaxeen in ganacsatada u dhashay Soomaalida ay yihiin rag siyaasad ahaan taabacsan Urur diimeedyada ka jira Soomaaliya kuwaas oo ka careeysan qaabkii dowlada Kenya ee Mwai Kibaki ula dhaqantay masuuliyiintii iyo dagaalyahanadii Maxaakiimta oo ay u gacan gelisay Itoobiya iyo Xukumadda Washington.

Saraakiisha nabadsugida Kenya oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday sida ay u arkaan eedeynta la xiriirta inay ganacsato Soomaaliyeed maalgeliyaan rabshadaha ka socda Kenya hasse yeeshee warar madaxbanaan ayaa sheegaya inay jiraan qorshe lagu Maxkamadeeynayo ganacsatadaas oo liiskooda loo gudbiyay laanta Sirdoonka Kenya.

Eedeynta la xiriirta inay colaadaha Kenya ka socda ku lug leeyihiin maalqabeena xag jira oo u dhashay Soomaaliya waxay noqon karaan kuwa halisa oo aan la dhayalsan Karin maadama ganacsiga ugu badan ee Soomaalida uu yahay Kenya iyo Emirate-ka .

Diblomaasiyiin reer Galbeeda ayaa wado qorshe la xiriira inuu Madaxweyne Kibaki Ra’isulwasaarre u magacaabo hogaamiyaha ODM Mr Raila Odinga si xaaladaha colaadeed loo soo afjaro laakiin waxaa la isku mari la yahay awooda uu yeelanayo.

Ra’isulwasaaraha iyo sida laga yeelayo dastuurka oo noqonayo in wax laga bedelo ama la wada bedelo guud ahaan.

Abdoulkarim Qamaan Ali "Fiiri"
(BNN) Borama News Network

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye