Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Koofi Anaan oo dadaalkiisii Nabadeynta Kenya walaac ka muujiyey

           (Updated:-(Tue.26.Feb..2008)
 

Nairobi(Bnn)Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Koofi Anaan oo mudo ku dhaw bil ku hawlanaa dhexdhexaadinta dhinacyada siyaasadeed ee isku haya wadanka Kenya ayaa markii ugu horeysay muujiyeyu sida uu uga niyad jabsan yahay hawshii nabadeynta ee uu wadey waxaana uu sheegay in Madaxweyne Kibaki iyo Raila Odinga ay ku guuldareysteen inay gaaraan hanaan ay ku xalili karaan waxyaabaha u dhaxeeya.

Koofi Anaan wuxuu sheegay in hadii sida wax ku sii socdaan in xaaladu ay noqon doonto mid halis ah wuxuuna tilmaamay in arimaha ugu adag ee la isku mari waayey ay tahay jagada Ra’islawasaaraha ee la doonayo in la sameeyo iyo awooda uu yeelanayo Ra’isalwasaarahaasi.

War laga soo xigtey Kofi Anaan oo aan si buuxda saxaafada loogu baahin ayaa wuxuu tilmaamay in Koofi Anaan uu u muuqdey in uu ka daalaya dadaalkiisii dhexdhexaadinta, isla markaana uu sheegay in uu hada keeni Karin nabada oo ay nabadu ku jirto gacmaha hogaamiyeyaasha Kenya, waxaana uu tilmaamay in uu isago hada u yahay nabada la hayste oo uusan ka bixi Karin Kenya.

Mr. Anaan wuxuu tibaaxay in inkastoo la gaaray heshiis qabyo ah oo ku aadan in la sameeyo jagada Ra’isalwasaaraha hadana in la isku mari waayey awooda Ra’isalwasaaraha iyo habka loo qaybsanayuo awooda gaar ahaan wasiirada iyo xubnaha kale ee maamulka.

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye