|
|
|
|
|
|
|
Ciidanka Somaliland oo La
wareegay Badhan kuna Sii
Jeeda Dhahar |
|
|
|
(Updated:-(Tue.26.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Badhan(Bnn) Ciidanka Qaranka Somaliland
ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta
Magaalada Badhan oo ah Magaalada ugu weyn
Bariga sanaag.
Ciidanka Oo ku gaashaman Gawaadhida dagaalka
ayaa shalay si buuxda ula wareegay Badhan
iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin,
ciidankii Puntlanda ay iskaga baxayn.
Ciidanka la wareegay Dhahar waxa
hogaaminayey Talyiha Saldhiga seddexaad ee
ciidanka Qaranka JSL Md. Muuse Jaamac Delaf
iyo Wasiirka Kaluumaysiga JSL Md. Cali
Maxamed Qoorseef.
Ka hor intaanay Ciidanka Somaliland la
wareegin Dhahar waxa jidka u galay
Maleeshiyo Beleed uu hogaaminayo nin la
yidhaahdo C/laahi Cumar Cashuur oo kasoo
jeeda Deegaanka dhahar isagoo watay
Maleeshiyo beleedyo ay isku heeb yihiin.
Markii Ciidanka iyo Waftiga wasiirku
ogaadayn in Jidka loogu jiro waxay ka
leexdayn wadadii ay haystayn iyagoo qaaday
wado kale oo tagta Badhan.
Ciidanka Qaranka ayaa hareereyey Maleeshiyo
Beleedka, Balse odayaasha Deegaanka ayaa ka
codsaday ciidanka Somaliland inaanay dagaal
ku qaadin maleeshiyada, iyagoo odoyaashu ku
guulaystay inay kala furfuran maleeshiyada.
Sidaana ciidanka Somaliland iyo waftigii
wasiirku ay ku galayn badhan iyagoo nabad
qaba.
Sida wararka nagu soo gaadhayan ninka la
yidhaahdo Cashuur ee watay Maleeshiyada waxa
kulan la yeshay wasiirka Kaluumaysiga Md
qoorseef magaalada Badhan dhexdeeda.
Ciidanka qaranka Somaliland ayaa la sheegay
inay hada qarka u saran yihin magaalada
Dhahar oo ay sanadkii hore ku dagaaalamayn
ciidamada Somaliland iyo Puntland.
Wararka saaka kasoo baxaya Magaalada Badhan
ayaa cadeenaya in xalay uu magaalada u
hoyday Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland oo
layidhaahdo Axmed Cali Xaashi, iyadoo la
sheegay in odayaasha deegaanku ay ku
qanciyeen Gudoomiyaha inuu ka baxo Badhan
madaama ay dadka deegaanku ay taageersan
yihin Somaliland.
Wararka ka imanaya dhinaca Puntland ayaa
xaqiijinaya in Ciidan Puntland ahi ay kasoo
ambo baxayn magaalada Bosaaso iyagoo kusoo
jeeda Deegaanka Dhahar.
Si kastaba ha ahaate waxay u muuqata in
Somaliland iyo Puntland ay markale isku faro
saarayaan deegaana bariga Sanaag iyadoo
dowlada Somaliland sheegtay inay ka go’an
tahay inay gaadho xuduudkeeda.
Borama News Network
Hargeysa Office
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|