|
|
|
|
|
|
|
Khilaaf Balaadhan oo ka
Aloosmay Jaamacadda Hargeisa
iyo Guddi Cusub oo loo
Magacaabay & Hormoodadii
Kuliyadaha Sharciga iyo
Sayniska oo Shaqadii laga
Joojiyey. |
|
|
|
(Updated:-(Tue.26.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Hargeisa(Bnn). Jaamacadda Hargeisa ayaa
la sheegayaa in uu ka taagan yahay khilaaf
balaadhan oo huursan, kaasi oo soo shaac
baxay maalmihii la soo dhaafay, kadib markii
la sheegay in Guddi cusub oo ka kooban Lix
Xubnood loo magacaabay inay noqdaan Guddida
Sare ee Jaamacadda Hargeysa, kuwaasi oo uu
soo magacaabay Madaxweyne Xigeenka
Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin.
Haddaba Guddidani ayaa la sheegay inay
Maamulka Jaamacadda kala hadleen sidii loo
xisaabin lahaa Jaamacadda iyo Dhaqaalaheeda,
waxaana la sheegay in ay taasi ka dhalatay
khilaaf kala qaybiyey Maamulka Jaamacadda
gudihiisa ee kala haga Kuliyadaha kala duwan
ee Jaamacadda.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska
Waaheen ka helay Jaamacadda Hargeysa, ayaa
sheegaya in Madaxweyne Xigeenka Somaliland
uu Khamiistii toddobaadkii la soo dhaafay
Jaamacadda Hargeysa tagay, kulana halkaasi
kula yeeshay Maamulka Jaamacadda, balse
wararkaasi ma xaqiijin Qodobada ugu waaweyn
ee laga wada hadlay.
Golaha sare cusub ee Jaamacada Hargeisa ayaa
la sheegaya inay ka mid yihiin.
Guddomiyaha Hayada shaqalaha C/raxmaan
Xuseen Ismaciil, Wasiirka Hawada iyo Dulista
Cali Maxamed Warancade, Wasiirkii hore
Waxbarshada Cismaan Xassan mire,Wasiirkii
hore Arimaha Dibada Adna Aadan Ismaciil, iyo
Dr xildhibaan cali yuusuf.
Hadaba golahani cusub ayaa la sheegay inay
doonayaan in Maamulka Jaamacada Hargeisa
kala xajodaan sidii loo sii wadi lahaa
hawlha Jaamacada iyadoo si nadiifa la iskula
meel dhigayo qaabka loo wada shaqaynayo ama
Maamulka jamacdu hawshiisa u gudanayo oo cad
wax mad madaw ahina aanu ku jirin.
Khilaafka Jaamacadda ayaa waxa uu noqday mid
saamayn badan ku yeeshay hormoodyada
Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, iyada
oo ay Maamulka Jaamacaddu baahiyeen inay
bannaan tahay Shaqada Hormoodka Kuliyadda
Sayniska, isaga oo hawlihiisa shaqo wata
Hormoodka Shaqadiisa la baahinayay, taasina
ay noqotay mid fajac badan ku keentay
Ardayda iyo Masuuliyiinta Jaamacadda qaar ka
mid ah.
Waxa kale oo warar lagu karlsoon yahay ay
sheegayaan in shalay laga joojiyey shaqadii
Hormoodka Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda
Hargeysa Maxamuud Xuseen Faarax, kaasi oo
aan la shaacin sababta shaqo ka joojintiisa,
balse mar Wargeyska Waaheen khadka
Tilifoonka kula xidhiidhay Hormoodka
Kuliyadda Sharciga, ayaa waxa uu ka
gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo
sababta keentay shaqo ka joojintiisa, balse
waxa uu qiray in uu khilaaf jiro oo keliya.
Waxaana wararkani u dhuun daloola Jaamacada
Hargeisa ay tibaxayaan in aanu khilaafku ku
koobanayn labadaasi kuliyadood o kaliya
balse uu samyna ku leeyahay kuliyada
tiknoolajiyada casriga ah ee ITda iyo
culuumta warbaahinta.
Dhinaca kale, Maamulka Jaamacadda ayaa
muddooyinka u dambeeyey lagu eedaynayey
Musuqmaasuq iyo Jaamacaddii oo aanay
adeegyadii ay Ardaydu u baahnaayeen u qaban,
iyagoo dadka qaarna u arka inay Jaamacaddu
fadhiid tahay.
Mid ka mid ah Ardayda Jaamacadda Hargeysa,
isla markaana codsaday in aan magaciisa la
shaacin ayaa yidhi; "Waxaan arkay Maamulka
Jaamacadda iyo kuliyadaha oo aanay wada
shaqayni ka dhaxaynin, waxaan arkay Maamul
qayb qaybin wada, waxaan arkay Maamul
shaqaalihii kala qoqobaya, waxaan arkay
shaqaale is xininaya, waxaan arkay ardaydii
oo la koox kooxeeyey, waxaan is weydiiyay
sababaha keenay anigoo mid mid u qaadaa
dhigi doona waxaan ka wadi waayay sababahan:
- Maamul xumo
- Golihii Sare ee Jaamacadda ee la
xisaabtami lahaa Maamulka oo aan jirin.
- Sharci iyo nidaamkii Jaamacadu lahayd oo
aan lagu dhaqmayn.
- Cid Maamulka la xisaabtanta oo aan jirin
- Ururkii ardayda ee Jaamacadda Dhisan lahaa
oo la baa'biyay si loo qariyo Maamul xumada
Jaamacadda ka jirta.
- Ururkii macalimiinta Jaamacadda oo la
baabiyiyay si loo wiiqo awoodooda."
Balse khilaafka ugu badan ee ka tagan
Jaamacada Hargeisa ayaa waxa la sheegayaa
inuu saamaynta ugu badan ku leeyahay dhicana
dhaqaalaha oo lagu eedaynayo in Maamulka
Jaamacddu ay lunsadaan lacagaha laga qaado
Aradayada iyo inay cidii runta ka sheegata
Maamulkooda iyo qaabka ay u wadaan hawlaha u
isticmalaan awodooda oo xataa qaar shaqada
laga fadhiisiiyo.
Ardayda wax ka dhigata Jaamacada Hargeisa
ayaa Imtaxaanadkii ugu danbeeyay ee ay
ardaydu gashay waxay cabasho xoog leh kasoo
jeedinayeen qaabkii loola dhaqamay markay
imtaxaanka galayeen gaar ahaana dhinac
lacagta laga qaadayo, iyagoo qar badan oo ka
mid ahina eeda Jaamacada dusha uga tuureen
masuuliyiinta Jaamacadu inay doonayaan oo
kaliya inay sida ay jecelyihin u Maamulaam
ardayada iyo hannaanka Jaamacada, kuwaasi oo
la sheegay inay sababtay in uu khilaaf
huursani uu ka dhex dhaco Maamulka
Jaamacada, shaqaalaha, hormuudyada
kuliyadaha kaladuwan, macaliimiinta wax ka
dhigta balse khalaafkasi huursan aya markii
ugu horaysay todobaadkani soo xoogaystay.
Waxa Jaamacada Hargeysa aan ka jirin ururkii
Aradayada Jaamacada oo ahaa urur awood leh
oo wax ka qabta hawlaha Aradayada, isla
markaana ku yimid sharci nidaamsan oo ay
ardaydu ku samaysten cod xalaala oo doorasho
toos ah, halka warar ilo lagu kalsoon yahay
aanu ka helaynaa tibaaxayaan in uu jiray
urur ay samaysteen macalimiinta Jaamacada
wax ka dhigaa kaasi oo uu kasoo horjeestay
Maamulka Jaamacada Hargeisa.
Dhinaca kalena Wariyayaal ka tirsan
Wargayska Waaheen ayaa idhahooda ku soo
arkay masuuliyiin ka tirsan Maamulka dalka
gaar ahaan Golaha Sharci Dajinta ee
Wakiilada oo doonaya inay galaan khilaafka
ka jira Jaamacada isla markaasina u
dhameyaan si haboon kuwaasi oo ka gabsaday
inay wax tafasiil ah warfidiyeenada ka
socday Waaheen uga waramaan gundhiga
Khilaafkani, balse kulan la filayo in uu
dhexmari doono manta Maamulka Jaamacada iyo
gudida sare e Jaamacada ayaa la shegayaa in
laga dhur sugayo waxa kasoo baxa kaasi oo
laga bixinayo dareen wanagsan oo ay ku
bogsan karaan dhinacyada ishayaa hadii uu ku
dhamaado hanaan is Afgarad ah.
Maaha markii ugu horaysay ee uu Maamulka
Jaamacada Hargeisa uu so dhex galo khilaaf
balse waxa aan ka maqnayn xusuuta dadka inta
badan khilaafkii xooganaa ee dhexmaray
masuuliyiintii gudida sare Jaamacada ahayd
iyo Mamulka fulinta ee Jaamacada Hargeisa.
Mohamed Sh. Yahye
mohamed.yahye@gmail.com
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|