|
|
|
|
|
|
|
Askar ka mid ah DF iyo kuwa
Itoobiya ah oo saaka galay
qeybo ka mid ah degmooyinka
Dayniile iyo Waaberi,
dadweyne aad u fara badana
ku soo qabqabtay |
|
|
|
(Updated:-(Tue.26.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Mogadishu(Bnn)Ciidamo aad u fara badan
oo Itoobiyaan ah oo ay wehliyaan kuwo
Soomaali ah oo ka tirsan dowladda federaalka
ayaa aroornimadii saaka ku kalahay xaafadaha
Barwaaqo, tiida, Tire biyaano Km-4 iyo meelo
kale oo dhamaantood ka kala tirsan
degmooyinka Dayniile iyo Waaberi ee
magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka
bilaabeen howlgalo baaritaan ah oo
ballaaaran oo saameyn xoog leh dadweynaha ku
dhaqan halkaasi.
Ciidamada Itoobiya ee galay qeybo ka mid ah
deegaanka Dayniile ee magaalada Muqdisho
ayaa lagu soo waramayaa in ay qabqabteen
isla markaana xabsiyadda u taxaabeen tiro
dhalinyaro ah oo ku sugneyd xaafadahaasi,
kana mid ahaa dadka deegaanka, kuwaasoo hase
ahaatee aan tiradooda la shaacin, waxayna
ciidamada galayeen guryaha qaar iyo meelo
kale oo ay ku tuhmayeen iney ku jiraan
kooxaha iyaga weerarka ku soo qaada.
Sidoo kale, ciidamada Itoobiya ayaa saaka
lagu arkay qeybo ka mid ah degmada Waaberi
gaar ahaan inta u dhexeysa isgoyska Km-4
illaa Tire biyaano oo ka wada tirsan
xaafadda 1-da Maajo ee degmada Waaberi,
iyagoo si gaar ah u beegsanayey dhisme
halkaasi ku yaala oo maalintii doraad meel u
dhow ay kula qaraxday ciidamadaasi miino loo
geliyey inkastoo aysan iyaga wax qasaare ah
ka soo gaarin oo ay ku dhinteen labo ruux oo
rayid ah, halka afar kale ay ku dhawacmeen,
waxayna ciidamadani ay ka joojiyeen saaka
nawaaxiga goobaha ay ku sugan yihiin
socodkii dadka iyo gaadiika.
Guddoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada
beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ku
eedeeyey saaka in cidamada Itoobiya galeen
qeyb oo ka mid ah degmada dayniie oo iska
nabdoonaa, ayna weerareen xeryo uu sheegay
iney ku noolaayeen dad soo barakacay oo
dhibaatooyin kala duwan ay u geysteen,
wuxuuna xusay Xaad in dadkaasi la boobay
hantidooda, lagana qaatay wax alla iyo wixii
ay heysteen, isagoo inntaa ku daray in sidoo
kale ay galeen ciidamada masaajidyo ay ku
soo qabqabteen dad ku cibaadeysaneyey,
isagoo baaq u jeediyey aduunweynaha kana
codsaday iney la soo gaaraan shacabka
Soomaaliyeed ee xasuuqa iyo gumaadka lagu
hayo.
Abdoukarim Qamaan ALi "Fiiri"
(BNN) Boramanewsnetwork
Boramanews.com
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|