|
|
|
|
|
|
|
URURKA AMOUD FOUNDATION OO
DEEQ RAASHIN AH GAADHSIISAY
MEELIHII AY DHIBAATADU KA
DHACDAY. |
|
|
|
(Updated:-(Tue.26.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Boorama(Bnn)Ururka samafalka ee
magaciisa loo yaqaano Amoud Foundation ayaa
wakiilkiisa gobolka Awdal Md.C/Wahaab
Maxamuud Cige waxa uu maanta shir jaraa'id
oo uu ku qabtay Hutei Rays ee magaalada
Boorama faahfaahin kaga bixiyey raashin
deeqa ah oo ay hay'adiisu gaadhsiiyey dadkii
dhawaan ay duufaantii roobabka wadatay ay ku
waxyeelaysay deegaano ka mid ah degmooyinka
Saylac, Lughaya iyo Baki.
C/wahaab waxa uu ugu horayn ka hadlay in uu
maalmihii ina soo dhaafay oo dhan ku maqanaa
deegaanadaas, waxaanu sheegay in uu tagay
markii ugu horaysay 20/02/08 una halkaas ku
sugnaa ilaa 24 bishan febraury oo uu yidhi
marka hore waxaan sahan ama u kuur galid ku
samaynayey in aan ogaado waxyeeladu inta ay
le'eg tahay runtiina dhibaatada meesha ka
dhacday waa mid wayn oo u baahan kaalmo
balaadhan oo inta yar ee ilaa hada la geeyey
waxba kama tarayso ayuu yidhi Cabdi wahaab,
waxaa kale oo uu intaas ku daray waxyaabaha
la yaabka lahaa ee aan arkay waxaa ka mid
ahaa ayuu yidhi in ay jireen dad ay ka
dhamaadeen dhamaanba wixii ay xoolo haysteen
oo aan maanta haba yaraatee waxba ka hayn,
kuwa ay wax ugu hadheena ma ah kuwo wax laga
manaafacaadsan karo oo qofka wax ugu filan,
waxaa kale oo uu sheegay in goobaha
dhibaatadu ka dhacday la tira koobay dadkana
laga codsaday in ay isugu soo ururaan 29
goobood ama tuulo si ay u fududaato wax
qaybintu, waxaana gargaarkan nidaamiya oo
hay'adaha meelaha ay gaynayaan u tilmaama
gudiga AKNA oo hawshaas u xilsaaran, waxa uu
cabdiwahaab intaas raaciyey 24kii bisha in
ay iyagu (AF) ahaan ay u qaybiyeeb dadka
degan laba tuulo oo deegaankaas ka mid ah
lana kala yidhaahdo Dhamasha 85km ka xigta
dhinaca bari Garbodadar iyo tuulo kale oo
loo yaqqano Teeda hadase ku caan ah
Toora-Boora 15km dhinaca galbeed ka xigta
taa hore raashinka aan gaynayna waxa uu ahaa
300 oo kiish oo Bariis ah iyo 300 oo caag oo
saliid ah,
Waxaa sheegay in ay si fiican dadkii ugu
qaybiyeen oo aanu wax buuq ah ama rabash ah
aanay ka dhicin meesha, waxaa kale oo cabdi
carabka ku dhuftay in ay jiraan barnaamij
loogu talo galay dadka xooluhu ka dhamaadeen
in xoolo loo gado inkasta oo uu yidhi kaasi
wali waa la daraasaynyaa wax aan diyaar
ahayna in aan sheego ma fiicna dabcan
loomana iibin karo dadkii xooluhu ka
dhamaadeen xoolahoodii kuwo la mid ah.
waxaa kale oo uu sheegay in ay dawladu
dhamaanba dhulkaas wada gaadhsiisay raashin
oo ay 29 gooboodba u qaybisay mar hore has
ayeeshee wali baahidu waa jirtaa waxaana loo
baahan yahay in wax wayn dadkaas loo taro
Wariyayaasha Hassan issa Iyo Caafi
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|