Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

TACSI MARXUUM GARAAD ISMAACIIL DUCAALE

           (Updated:-(Wed.27.Feb..2008)
 

Annigoo ka wakiil ah Jaaliyadda Soomaliland ee Wales, waxaan tacsi u dirayaa xaasaska, tafiirta, walaal iyo waalid, ehel, xigto iyo xigaal iyo dhammaan Shacabiweynha Soomaliland, gaar ahaan reer Sool ee uu ka geeriyooday Garaad Ismaaciil Ducaale, Illaahay naxariistii jano ha siiyee.

Garaadka oo boqranaa muddo ku dhow kontanee sano, waxuu ka mid ahaa garaadada Soomaliland ugu faca weyn. Waxuu ahaa Garaad si qiime leh uga dhex muuqday nabadeyntii Soomaliland iyo dhismihii qaranka iyo dawladnimada ay ku bahoobeen beelaha Soomaliland.

Waxaan Illaahay uga baryayaa dambi dhaaf iyo inuu ka yeelo kuwa dhaxla janatul fardows. Waxaanan leeyahay dhammaan shacbiga Soomaliland gaar ahaan reer Sool samir iyo iimaan.

INNAA LILAA WA INAA ILEYHI RAAJACUUN.

Axmed Carwo
Guddoomiye
Jaaliyadda Soomaliland ee Wales.
Cardiff
U.K

samotalis@gmail.com

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye