|
|
|
|
|
|
|
Qaar ka mid ah Cuqaasha reer
Awdal oo ka jawabay
eedayntii Gudoomiyaha
gobolka Awdal |
|
|
|
(Updated:-(Wed.27.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Borama(Bnn) qaar ka mid ah cuuqasha
gobolka awdal ayaa jawaab kulul ka bixiyey
eedayn uu gudoomiyaha gobolku u jeedayey
koomishanka qaranka doorashooyinka.
Cuqaasha gobolka oo dabo joogayn eedaynta
gudoomiyaha uu ku duray habka ay koomishanka
doorashooyinku u magacaabayn wakiilada heer
gobol iyo degmo ee diiwaangalinta
codbixiyayaasha, ayaa sheegay in aan loo
baahnayn in la kala fuquuqo bulshada reer
awdal.
Warmurtiyeed qoraal ah oo cuqashu soo
saarayn kuna saxeexnayeen Caaqil Abshir
Muxumed Ducaale, Caaqil Cismaan Barkhad
Xirsi iyo Caaqil Muuse Xuseen Faarah ayaa u
dhignaa sidan:
“Waxaanu gudoomiyaha xusuusinaynaa horta
inuu si fiican u derso una akhriyo xeerka
koomsihaankaasi doorashooyinkuleeyahay, kaas
oo ah garsoor iyo xaqsoor seddexda xisbi
qaran iyo wakiiladooda gobolada iyo
degmooyinka gobolka waxay isla gartaan
seddexdaa xisbi ee heer Qaran iyo heer degmo
ayaa koomishanku qaata talooyinka ay isla
gartaan dadka degen degmooyinka, maamulada
ka jira iyo xisbiyada laakin ma qaaatan wax
loo yeedhiyo, mana geyaan aflagaadada iyo
dhaleecaynta aad koomishanka u jeedisay,
waxaanad ogaata inaad dadkoo dhan badhasaab
u wada tahay.
Waxa klae oon ku xusuusinaynaa in dadka wada
dega degmooyinka uu ilaahay wada dhigay,
ayna yihiin dad walaalo ah iskaba dhaaf kuwa
dalka kuwada noole ee xitaa kuwa itoobiya ku
nool nin loo sheegan karaa ma jiro dalka iyo
deegaanka toona, xilka uu doonaba wuu ka
qaban karaa waxana wanaagsan in cid kasta oo
dadka isku diraysa laga qabto, talada
wanaagsan iyo maamula wanaagsanina sidaasu
ku iman karaa”
Borama News Network
Borama Office
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|