- Sen. Barack Obama
oo ku lebisan dharka hiddaha u ah
Soomaalida isagoo ag taagnaa Sheikh
Mahmed Hassan, mar uu booqday Wajir,
Gobolka Woqooyi Bari Kenya oo u dhaw
xadka Soomaaliya. Sawirka waxaa la
qaaday Aug. 27, 2006. Dharkaas waxaa
Obama siiyey odayaasha dhaqanka ee reer
Wajeer. Obama aabahiis waxa uu ka soo
jeedaa Kenya. Waxana uu Barack Obama
booqday Kenya sannadkii 2006 markaas oo
si heer sare ah loogu soo dhoweeyey...
Musharaxa
madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama, oo ah
nin madow, aabihiisna uu ka soo jeedo Kenya,
aaya xiin ku dhaafay musharaxiintii kula
tartamayey isreeb-reebka doorashada ee
musharraxa Xisbiga Dimoqraadiga u matali
doona doorashada weyn ee November 2008.
Guulaha doorashada ee
Obama waxaa ugu dambeeyey 10 gobol oo xiriir
ah oo uu kaga guulaystey Hillary Clinton.
Waxaana hadda arrintu isugu soo biyo
shubatey haddii uu Obama ku guulaysto
doorashada la qaban doono March 4, 2008 ee
ka dhici doonta Gobolada Ohio iyo Texas
[labadaba ama mid ka mid ah labadaas gobol]
markaas habaaska ayuu ku reebi doona
Clinton.

Isha sawirka:
www.barackobama.com
Guulaha xiriirka ah ee
Obama, oo dad badan oo Maraykan ah ku noqday
filanwaa, ayaa dhaliyay in taageerayaaasha u
ololeeya Clinton ay bilaabaan dacaayado ka
dhan ah Obama, waa sida in badan oo ay
saxaafada caalamku ay warka u dhigeene'e.
Waxaana dacaayadahaas ugu dambeeyey sawirka
hoose:

Sen. Barack Obama,
dhanka midig oo kulebisan dhar Soomaali
oo agtaagay oday Soomaaliyeed, Sheikh Mahmed
Hassan,
markii uu booqashada ku tegey Wajir,
northeastern Kenya,
Aug. 27, 2006. Sawirka: AP
Obama oo ku sawir
dharka hiddaha Soomaalida....
Dacaayaadda laga faafinayo
Obama ayaa waxaa ugu dambeeyey sawir
internetka lagu faafiyey [Feb 28, 2008] oo
ah Sen. Barack Obama oo ku lebisan yahay
dharka hiddaha iyo dhaqanka u ah Soomaalida
[Macawis, qayd garbaha ugu xiran iyo
Cimaamad ama madax duub oo dhammaantood
midabkoodu caddaan yahay iyo ul ah matoobi
la xardhay oo uu gacanta ku haysto].
Arrintaas waxaa ka dhashay
muran weyn, kaddib markii lagu eedeeyey
sawirkaas in ay faaiyeen shaqaalaha Hillary
Clinton, oo tartanka madaxweynanimada
Maraykanka kula jirta Obama, sidaas waxaa
qortay in badan oo ka mid ah warbaahinta
Woqooyiag Ameerika.

Sen. Barack
Obama, dhanka midig oo kulebisan
dhar Soomaali oo agtaagay oday
Soomaaliyeed Sheikh Mahmed Hassan,
markii uu booqashada ku tegey Wajir,
northeastern Kenya, Aug. 27, 2006.
Sawirka: AP |
Agaasime ka
mid ah ololaha madaxweynanimada Obama ayaa
isla markiiba ololaha Clinton waxa uu ku
eedeeyey in ay dadka cabsi gelin ku
abuurayaan.
Nin ka mid ah
dadkii Obama u raacay safarkii kenya laba
sano ka hor oo magaciisa la yiraahdo Gen.
Scott Gration, ahna sarkaal ka tirsanaan
jirey ciidamada cirka Maraykanka, oo hadda
ah lataliye Obama waxa uu yiri xilligaas
Obama waxa uu baraneyey qaabka ay u
agaasiman yihiin qabaa'ilku.
"Obama waxaa
la siiyey dharkan, maadaama uu ahaa marti,
oo weliba ahaa marti sharaf qiimo badan, waa
uu qaatay, markaas ayey ku dhiiri geliyeen
in uu gashado oo isku fiiriyo" ayuu yiri
Gen. Scott Gration oo intaas ku daray "taasi
waa arrin aan dhammaanteen samayno." waa
Sida uu weriyey TV-ga Canada ee
CTV.
Jack Cafferty
oo ka mid ah weriayaasha CNN
oo arrinta dharka Soomaalida ee uu xiran
yahay Obama ayaa muujiyey in aan waxba ku
jabnayn in uu xirtay dhar hiddo u ah dad ama
qabaa'il Afrikaan ah.
Qaar kamid ah
dadka ka faallooda wararka ee TV-ga FoxNews
ayaa sheegay in faafinta sawirkaas loola
jeedey in lagu faquuqo Obama oo loo muujiyo
in uu yahay Afrikaan, taas oo keeni karta,
ayey yiraahdeen, in Clinton ay ku lumiso
qaar kamid ah codbixiyayaasha loo yaqaan
'Duper Delegates' oo ah masuuliyiinta
xisbiga Dimoqraadiga oo doorashada kala
saara haddii ay barbar ka dhac noqoto.
Mid ka mid
dadka ka faallooda siyaasadda Maraykanka oo
ka hadlayey TV-ga MSNBC ayaa yiri: maxaa ku
jaban haddii la xirto dhar uu kuu xiray
caaqil Soomaaliyeed. Wax ku jaban ma
jiraan.. markasta ayaa la sameeyaa.. ayuu
hadalka ku daray.
Soomaalida
oo isla qabweynaan jirtey....
Dharkan
lagu dacaayadaynayo Obama waa dharka ay
xiran jireen Soomaalida ilaa ka-fac ka-fac
(jiilal), sida go' cad oo qayd ah iyo
cimaamad madax lagu duubto, oo ay weli
xirtaan Soomaalida hiddo ahaan, kuna
xarragoodaan iyagoo adduunka weligoodba
isula qab weynaan jirey. Waxaana cajaa'ib
noqotay sida haddda dadka Maraykanka loogu
xuuxinayo dharkaas hiddaha u ahaa
Soomaalida.
Gobolka Ohio
waxay ka mid yahay gobolada uu ka dhici
doona tartanka loo malaynayo kala baxa ee
Obama iyo Clinton. Gobolkaas waxa uu ka mid
yahay gobolada ay ku nool yihiin Soomaali
aad u tiro badan (Somali-Americans), kuwaas
oo inta sharciga dhalashada maraykanka
qaadtay ay codayn karaan. Waxaa su'aashu
tahay ma la arki doonaa Soomaali ku lebisan
dhar la mid ah kan uu ku lebisan yahay Obama
oo safka ugu jira codbixinta ee Gobolak
Ohio, Texas, iyo gobolada kale ee doorashadu
ka dhacayso? Mase lagu arki doonaa
tabeelayaal ay ku astaysan yihiin "Somali-Americans
for Obama"?

Barack Obama ayaa waxaa uu sanadkii 2006
ayaa booqashu ku tegey Wadanka Kenya isagoo
tagay Gobolka Waqooyi Bari gaar ahaana
magalada Wajir halkaasi oo uu dadka reer
Guuraaga u tagay isagoo u balan qaaday in uu
ceelal iyo daawooyin lagu daaweeyo xoolaha
uu siin doono gobolkaasi waa gobolka ay
dagaan Soomaalida Dalka Kenya degan.
Sidoo kale Magaalada Nairobi,gaar ahaana
Obosiibadda (Slums)Kabira oo ay dagan yihiin
in ka babadan (1 million) oo qof oo kenyan
ah ayaa uu kula hala hadlay goobtaasi.

Barack Obama ayaa waxaaa uu tagay deegaanka
Nyongoma Kogelo halkaasi oo uu kula kulmay
Aayayadiis dhashay Abihiis,Sarah Hussein
Obama oo 87 sano jir ah,iyadoo deegaankasi
ay si wayn ugu soo dhaweeyeen beesha uu ka
soo jeedo asal ahaan ee Kenyanka ah waxaana
uu markii danbe dagay Qabriga uu ku aasan
yahay Aabihiis Xuseen Obama, isagoo sheegtay
in wakhti kasta oo ay ku qaadato dhalaanka
ay mar tagaan asalkooda meesha ay ka soo
jeedaan.
SOURCE SOMALITALK