Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

"Bilad Bay Istaahilan Madaxweynaha iyo Wasiirka A.Dibadu"Golaha Guurtida.

           (Updated:-(Wed.27.Feb..2008)
 

Hargeysa (Bnn)- Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay soo jeediyey in bilad sharaf la gudoonsiiyo madaxweyne rayaale iyo wasiirka khaarajiga C/laahi Ducaale,

Fadhiga shalay oo uu gudoominayey gudoomiye kuxigeenka kowaad ee Golaha Guurtida Md. Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure ayaa Golahu kaga doodayey siyaasada arimaha dibada.

Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa intooda badan mahad naq usoo jeediyey Madaxweynaha iyo Wasaarada Arimaha Dibada iyagoo ku amaanay hawsha ictiraaf raadinta oo ay sheegayn in si quman oo waadix ah loo wado.

Goluhu wuxu isku raacay in siyaasada arimaha dibada iyo ictiraaf raadintuba ay hada marayso halkii ugu fiicnayd iyagoo sheegay in bulshada caalamku ay hada usoo jeedsatay Somaliland waxna la qaban doonto.

Md Maxamed Xuseen Huruuse, Md Xuseen Madar Xoosh, Md Axmed Quule, Md Caydiid Cabdi Maxamed, Md Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug iyo Md Ibraahim Ciise ayaa dhamaantood taageeray in wasiirka arimaha dibada iyo madaxweynahaba la siiyo bilad sharafta ay ku mutaystayn bay yidhaahdeen siday uga shaqeeyen siyaasada arimaha dibada iyo Ictiraaf raadinta.

Waa markii ugu horeysay ee Golaha Guurtidu soo jeediyo in Bilad la gudoonsiiyo Xukuumada iyagoo ku amaanay wax qabad buuxa oo ka qabtayn ictiraaf raadinta.
Dhinaca kale sida ay faafiyeen wargeysyada kazoo baxa Hargeysa, waxa la sadaalinaya in masuul sare oo ka tirsan Dowlada Imaraadka carabta uu safar ku imaado Somaliland taas oo xidhiidh la leh Safarkii uu dhawaan Madaxweyne Rayale ku tagay dalkasi Imaraadka.

Borama News Network
Hargeysa Office
 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye