Dhacdadan ayaa ka dhacday
CROWLAND COMMUNITY SCHOOL taariikhdu markay
aheyd 21.02.2008, anagoo joogna garoonka,
kuna guda jirna tartan weyn oo maalinle ah
oo aan u qabanay caruurta Soomaaliyeed ee
dagan magaalada London, ayaa la gaarey
xiligii salaada duhur, waxaana go'aansanay
inaan ku tukano garoonka dhaxdiida salaada
waqtigaas oo aan ku jirnay Break Time-ka.

Waxay xirteen salaada duhur dhamaan dadkii
ka shaqeynayayey munasabadaas hadii ay ahaan
lahaayeen gudigii qaban qaabada iyo
waalidiintii caruurta iyagoo dhan, markii ay
salaada bilaabeen ayaa waxaa timid diyaarad
Helikobter oo kuwa qumaatiga u kaca ah
iyagoo ku soo dhawaatey garoonka, kadibna
kor istaagtey dadkii salaada tukanayeey
iyadoo dhawaqeeda aad u dheer yahay.

Aniga oo ka soo socda geeska kale oo raba
inaan salaada ka qayb galo ayaan dareemay in
dhawaqa Helikopterka uu aad noogu dhaw yahay
hadana dhawaqa u kor taagan yahay meesha ay
ka socoto salaada, kor ayaan eegay waxaana
dareemay in Helikopterkaan ay daawaneyso
dadka tukanaayo ama ay Film ka duubaneyso,
Helikopterka ayaa afka ku wadatey Bir dheer
oo aan u gartey inay dhulka dhan si caadi ah
uga duubaneyso dhaq dhaqaaqa ka jira.
Waxaan go'aansadey inaan arinkaasi sawiro ka
qaado, nasiib wanaag waxaan jeebka ku sitey
camerada lagu sawirayey kooxaha, intaan
istaagay ayaan sawirey dadkii Soomaaliyeed
ee salaada gudanaayey kadibna waxaan sawir
ka qaaday Helikopterkii, markii aan sameeyay
ilaa 4 sawir ayay waxay bilaawdey inay kor
sii aado una dhaqaaqdo dhan kale.
Salaadii ayaana xirtey wayna soo laabatey
iyadoo meel fog wareegaysa una dhaw halkii
aan caruurta Soomaaliyeed ciyaaraha ugu
wadnay.

Markii salaada ay ka soo baxeen ayay waxay
bilaabeen inay ka sheekeyaan aragtidoodii
intii ay salaada tukanayeen iyo waxay
dareemeen, mid ka mid dadkii meesha joogay
ayaa yiri waxaan soo xasuustey sida ay
diyaaradaha dagaalka Mareykanka u layaan
dadka masaakiinta ah ee ku nool Iraq iyo
Afghanistan,waxaana ku sigtey inaa cagaha
wax ka dayo oo aan nafteyda badbaadsado.
Waxay kale oo i sheegeen inay soo xasuusteen
duqayntii ciidamada Mareykanka ee Marineska
( Rangers) markii ay duqaynayeen suuqa
bakaaraha sanadku markii uu ahaa 1993.
Anagoo ka yaaban ayaan dhacdadaas ka sii
wadanay howshii aan u nimid garoonka oo
aheyd inaa caruurta Soomaaliyeed ku
dhiirigalino dheelida kubbada cagta.
Ugu dambayntii qisadaas meesha ayaan kaga
soo tagnay, waxay aheyd inaan Police
magaalada ku wargalino si aan wax uga ogaano
ula jeedada ay ka laheyd arinkaas
helikopterka.laakinse ma aysan dhicin.