Boorama(Bnn)Maamulka degmada Baki, iyo
duqayda deegaankaas ayaa ku cambaareeyay
gudoomiyaha Awdal hadal ka soo yeedhay oo uu
eedayn ugu soo jeediyay xubnihii komishanka
qaranka ee dhawaan gobolka u yimid
magacaabida gudiyada gobolka iyo degmooyinka
ee diiwaan galinta iyo komishanka
doorashada.
Hadalkan ay daba joogeen maaamulka Baki iyo
odayadu ayaa ku soo baxay wargayska Haatuf
cadadkiisii Axadii todobaadkan, warkaas oo
sheegayay in gudoomiyaha Awdal komishanka
qaranka ku eedeeyay inay badaleen xubnihii
komishanka degmada ee ay maamulka iyo
xisbiyada gobolku isku raaceen laguna
badalay xubno aan la ogayn taas oo
doorsahada waxyeelo u keeni karta.
Hadaba Mayorka degmada Baki md Barre Jaamac
Yuusuf oo hadalkaa gudoomiyaha daba jooga
ayaa shir jaraaid oo ay xafiiskiisa degmada
si wada jir ugu qabteen isaga iyo duqayda
deegaanka ku cambaareeyay hadalkaa ka soo
yeedhay badhasaabka waxaanu hadalkiisii ku
yidhi mayorku"badhasaabka Awdal kamaanaan
filayn waxyaabaha uu ku hadlay waa looga
fiican yahay waayo dadka gobolka oo dhan
ayuu madax u yahay mana aha inuu cid gaar ah
isku koobo, wakhtigana maaha mid loo baahan
yahay in umada la kala kexeeyo doorashadana
la xumeeyo sidaa awgeed waxaan u soo
jeedinayaa inuu ka tanaasulo kana
raaligaliyo dadka reer Baki iyo komishanka
qaranka ee uu kula kacay eedaynta iyo
waxyaabaha aan laga filayn"
Mayor Barre isaga oo sifaynayay xubnaha
komishanka ee ay u gudbiyeen waftigii
komishanka qaranka ee soo booqday iyo sida
ay wax uga jiraan eedaynta komishanka loo
soo jeediyay waxaanu yidhi"waxaan aad uga
mahadnaqaynaa komishanka qaranka ee sida
quruxda badan nooga gudoomay gudidii
komishanka iyo diiwaangalinta ee ay dadka
deegaanku soo xusheen, iyaga oo komishanku
markay noo yimaadeen noo sheegay inay sidaan
warqad cad oo ay ku qori doonaan cida dadku
isku raacsan yahay, anaguna waxaan u
dhiibnay liiskii ay beesha Baki
waxgaradkeeda iyo wakiilada sadexda xisbi ee
degmadu u soo gudbiyeen maamulkooda degmada
oo ahaa mid la isku raacsan yahay anaguna
aan ku qanacnay, sidaa awgeed anagu ma ogin
mana ogolaan doono in cid kale wax noo
yeedhiso"
Xubno ka mid ah odayada iyo duqayda degmada
ayaa iyaguna sheegay inay aad uga soo
horjeedaan eedayntii badhasaabka ee
degmadooda. Maxamed Xasan Caamir oo
odayadaas ka mid ah waxa uu yidhi" si
cadaalad ah ayaanu anagu u qaybsanay hadaanu
nahay beelihii degmada, waxaanan raali ku
nahay xubnahaa komishanka ee degmadu raaliga
ka tahay beesha Bakina isku raacday, waanan
ka xunahay ee waftigii qaranka komishanka la
eedeeyo iyada oo la doonayo in nala dul
keeno dad aanaan garanayn mana ogolaan
doono"
Oday Cumar Cismaan ayaa isna hadalkiisa ku
yidhi" xubnahan la leeyahay wax baa lagu
badalay anaga oo ah duqaydii degmada ayaa
soo xulay iskuna raacnay iyada oo aanay
nooba iman waftigii komishanka ee qaranku,
kuwaasaanan raali ku nahay cid aan iyaga
ahayna degmada ma matali karto". Maxamuud
Jaamac Yuusuf oo isna duqayda ka mid ahaa
waxa uu yidhi" xubnahaa aanu anagu ka
tashanay ee aanu isku raacnay, maamulka
degmadanu raaliga ka noqday ayuun baa sharci
ah oo degmada komishan u noqon doona, waayo
anagu ma ogin maamul doorasho qabanaya ee
dadweynaha ayaa wax dooranaya
iyaga[maamulku] waxay ka mid yihiin kuwa loo
xaqsoorayo markaa ka yeeli mayno inay wax
noo yeedhiyaan"
Dhinaca kale wakiilada sadexda xisbi ee
degmada Baki ayaa iyaguna dhaleecayn u soo
jeediyay eedayntaa loo soo jeediyay
komishanka qaranka iyo dadka reer Baki,
Dayib Xasan Raage oo ah ku simaha
gudoomiayaha Baki ee xisbiga Udub ayaa isna
hadalkiisa ku yidhi" si cadaalad ah oo
midaysan ayaanu sadexda yada xisbi
wakiladooda degmadu iskugu raacnay xubnaha
gudida komishanka kuwaas oo dadka
deegaankuna ku wada raali yahay anagaana u
gudbinay maamulka degmada iyo komishanka
qarankaba, mana ogolin xumaan in laga
sheego, gudoomiyaha gobolkana waxaan ka
tacsiyadaynaynaa hadalkaa deelqaafka ah ee
ka soo yeedhay".
C/qani Cige oo isna ah gudoomiye ku xigeenka
xisbiga Ucid ee degmada Baki ayaa isna
dhiniciisa ka sheegay inay raali ku yihiin
xubnaha gudida komishanka ee ay dadka
deegaanka iyo wakiiladooda xisbiyada degmadu
isla ogolaadeen cid meel kale laga keenana
aanay ogolaan doonin.
Maxamed Siciid Yey oo isna ah gudoomiyaha
xisbiga kulmiye ee degmada Baki ayaa isna
waxa erayadiisa uu ku sheegay sidan"hadii
aanu nahay wakiilada Baki ee xisbiyada
waxaanu cadaynaynaa inaanu ku kalsoonahay
xubnahaa dadka degmada ee sida xalaasha ah
lagu soo xulay waxaanan leenahay raga
Boorama ka soo hadlaya horta Boorama xalaal
ka soo dhiga inta aydaan anaga na soo fara
galin, ta labaadna ogaada inaanaan ogolaan
doonin wax aad noo yeedhisaan".
Boramanews
Network
Cabdiraxmaan Maxamad Habane
Borama