Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Dowladda iyo mucaaradka Kenya oo ku heshiiyay awood qeybsi.

           (Updated:-(Fri.29.Feb..2008)
 

Nairobi(Bnn)Dowlada iyo mucaaradka dalka kenya ayaa waxa ay gaareen heshiis awood qaybsi ah oo muhim ah kaasi oo uu fududaynayay gudoomiyaha midowga afrika ahna madaxweynaha dalka Tanzania Jakaya Kikwete sida laga soo xigtay dhaxdhaxaadiyaha muranka siyaasadeed Kofi Anan ahna xoghayihii hore ee guud ee qaramada midobay .

heshiiskani ayaa waxa la gaaray ka dib kulan qaatay 5 saacadood oo u dhaxeeyay madaxwayne kibaki iyo hogaamiyaha xisbiga mucaaradka raila odinga .

kulankani heshiiska lagu gaaray ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay kofi Anan, gudoomiyaha ururka midowga afrika ahna madaxweynaha dalka Tanzania jakaya kikwete iyo madaxwaynhii hore ee dalkaasi Tanzaniya Benjamin Mkapa .

Waxyaabaha ay kuw ada heshiiyeen dowladda iyo mucaaradka ayaa waxaa ka mid ah in wasiirrada si siman looqeybsado iyo in raysal wasaare awood buuxda leh la smaeeyo taasoo in dhowaalaba la isku mari la,aa.

xoghoyihii hore ee guud ee QR Kofi Anan ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in ay ahayd maanta tahay maalin miro dhal leh isla markaana xusuus mudan.

si kastaba ha ahaatee warkan ayaa waxaa kuwada farxay dhamaan dadka kenyanka ah, beesha afrika iyo beesha caalmaka oo ka dhursugeysay waxyaabaha ka soo baxa wada hadalka.

waxa ay sheegtay miss fadumoruush oo halkaasi nooga soo waramaysa oo islamarkaana na leh sida tan ah..

sidoo kale heshiiska ayw ada saxiixdeen dowladda iyo mucaaradka ayaa wuxuu isku soo beegmayaa xilli uu dalka labo maalmolold ku sugnaa madaxweynaha Tanzania ahna gudoomiyaha ururka midowga afrika oo isagu bulshada Kenyanka ah maalintii uu yimid ugu bishaareeyay in xal waara si deg deg ah loo gaari doono.

faadumo Macallin Abuukar(faadumoruush)
(BNN)Boramanewsnetwork

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye