|
|
|
|
|
|
|
Laba nin oo Safar Baaskiil
ah ku maraya Dunida oo
Magaalada Hargeysa yimid
|
|
|
|
(Updated:-(Fri.29.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|

Hargeysa(Bnn)Mr.
Daisuke Nakanishi oo u dhashay wadanka Japan
iyo Mr. John Martin Graham oo u dhashay
wadanka Kanada oo ah laba nin oo muddo
sannado ah dunida Baaskeel ku marayay ayaa
shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa ee
Somaliland.
Mr. Daisuke oo safarkiisa baaskeelka ah ee
uu dunida ku marayo bilaabay sannadkii
1998-kii iyo Mr. John oo isna socdaalkiisa
bilaabay sannadkii 2006, ayaa waxa ay
safarkoodan hadda kaga soo ambo baxeen
magaalada Addis Ababa ee caasimadda
Itoobiya, iyaga oo shalayna ka soo gudbay
xuduudka Wajaale ee Somaliland iyo Itoobiya,
“Anigu safarkayga waxaan bilaabay sannadkii
1998-kii, waxaanan ka bilaabay magaalada
Osaka ee wadanka Japan. Tobankaas sanno
waxaan soo maray 105 wadan oo ay ku jirto
Somaliland oo aan hadda soo gaadhay.” Sidaas
waxa yidhi Mr. Daisuke Nakanishi oo shalay u
waramay Wargeyska Geeska Afrika ee Magaalada
Hargeysa ka soo baxa. Waxaanu intaas
raaciyay inay Somaliland uga sii gudbi
doonaan wadanka Djibouti.
Mr. Daisuke oo la weydiiyay ujeedada ka
dambaysa safarkiisan Baaskeelka ee uu dunida
ku marayo, waxa uu yidhi, “Waxaan doonayaa
inaan samaysto hal milyan oo saaxiib oo
nabadda jecel.”
Ninkan reer Japan oo qorshihiisu yahay inuu
maro 130 Wadan oo ka mid ah dunida, waxa la
weydiiyay su’aal ah aragtidiisa Somaliland
iyo shacbigeeda oo ah markii u horaysay ee
uu yimaado waxaanu yidhi, “Dadka Somaliland
waxay u muuqdaan dad naxariis badan oo
saaxiibtinimada jecel, aadna waan ugu
faraxsanahay inaan u imaado.”
Mar la weydiiyay su’aal ahayd mudada uu ku
qaatay isaga iyo saaxiibkii safarka Addis
Ababa ilaa Hargeysa waxa uu yidhi, “Maanta
[Shalay] ayaanu ka soo gudubnay xuduudka,
waxaanay nagu qaadatay inaanu 90km Hargeysa
ku soo gaadhno, Addis Ababa ilaa Hargeysa
qiyaastii 11 maalmood ayay nagu qaadatay.”
Mr. Daisuke oo la weydiiyay inta jeer ee uu
taayirka baaskeelkiisu ka banjaray mudadaas
tobanka sanno ah ee uu safarka ku jiray,
waxa uu yidhi, “Waxa uu taayirku iga
banjaray ilaa 300 oo jeer.”
Mr. John Martin Graham oo u dhashay wadanka
Kanada oo isagu bishii September ee 2006,
wadanka Koonfurta Kuuriya ka bilaabay
safarkiisa ayaa la weydiiyay ujeedada
safarkiisan uu Baaskeelka ku marayo dunida,
waxa uu yidhi, “Aniga ujeedadaydu maaha
inaan samaysto hal milyan oo saaxiib,
waxaanan ku faraxsanahay inaan samaysto hal
saaxiib, laakiin ujeedada u weyni waxa weeye
inaan khibrad ka helo dhaqanada iyo wadamada
kala duwan ee aan safarka ku marayo si aan u
horumariyo aqoontayda iyo waayo
aragnimadayda.” Waxaanu aragtidiisa ku
wajahan Somaliland kaga jawaabay, “Maanta
waa maalintii koowaad, xadka ayaanu ka soo
gudubnay jidkuna wuxuu ahaa dhul qurux
badan, dadkuna waa dad saaxiibtinimo badan.”
Waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Waxa uu
taayirku iga banjaray qiyaastii inta u
dhaxaysa 75—100 jeer.”
Source hiiraan
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|