Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

SHIR WAYNIHII 3AAD EE URURKA SOLJA OO IS CAY IYO KALA TAG KU DANBEEYEY

           (Updated:-(Fri.29.Feb..2008)
 

Boorama(Bnn)Waxa maanta hutel Ambasador ee Hargaysa ka furmay shirweynihii sadexaad ee ururka saxafiyiinta somaliland ee SOLJA kaas oo ay furitaankiisii ka soo qayb galeen madaxda dawlada marti sharaf iyo suxufiyiin fara badan oo isaga yimid meelo kala duwan oo dalka ka mid ah, waxaanu shirku ku furmay si wanaagsan oo aad u xiiso badan isla markaan mauuyiliintaa halkaas ka hadashay ay ka dalbadeen suxufiyiintu in ay ilaaliyaan anshaxa suuban iyi cadaalada labadaba taas oo wasiirka warfaafinta Axmed X Daahir aad ugu booriyey suxufiyiinta.

hasa yeeshe furitaankii ka dib waxaa dhacay meeshii ama hoolkii shirku ka socday waxyaabo lama filaan ah oo ay ugu la yaab badnayd markii break time-kii laga soo laabtay in suxufiyiin fara badan la yidhaahdo laydinma marti qaadin oo ma haysataan kaararkii marti qaadka oo laydiinkuma talo galin in aad timaadan taasi oo keentay buuq qaylo iyo in meeshii laysku feedho oo la dalbado ciidan ilaaliya amniga meesha, runtii wax ay ahayd lama arag iyo looma qaataan waxa meesha ka dhacay in xubno ku jira gudiga fulinta ururka la yidhaahdo laydinma marti qaadin iyo ku jirtaan ka qayb galayaasha ururka, waxaa kale oo iayaduna la yaab ahayd in la yidhaahdo warbaahinta wesite yadau ka mid maaha dadka la marti qaaday oo meesha kuma jiraan.

Buuq iyo is dagaal dheer ka dib waxaa shirkaa isaga baxay kuna tilamaamay mid xaaraan ah suxufiyiin tiro badan oo markii danbena isla huteelka dhexdiisa shir jaraa'id ku qabtay sheegayna in lagu tuntay dastuurkii iyo xeer hoosaaekii ururku lahaa labadaba oo waxa meesha ka dhacayaa yahay cadaalad daro qawan nin tooxsi iyo qabyaalada wax ku salaysan oo dadkii xaqa u lahaa ee ururka aas-aasayna loo diiday in ay ka qayb galaan waxaanay ugu baaqeen hay'adaha maal galiyey shirkaas oo ay ka mid ahaayeen USAID,Dahabshiil,Telsom iyo Care in ay kala noqdaan kaalamada ay siiyaan ururkaa waxaa kale oo ay ku baaqeen in y samayn doonaan urur kale, waxaa kale oo ay hay'adaha dawlada ugu baaqeen in ay arinta soo fara galiyaan oo ayna taageerin dulmiga ka socda meeshaas

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye