Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Madaxwayne Rayaale oo Qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Somaliland/Soomaaliya

           (Updated:-(Fri.29.Feb..2008)
 

Hargaysa (Bnn) Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu xalay kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliland/Soomaaliya Mudane Ahmed Ould-Abdalla oo booqasho gaaban ku soo gaadhay Jamhuuriyada Somaliland shalay khamiistii.

Madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga gaarka ah ee QM waxa ay ka wada hadleen Arrimo dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin dhinacyada Nabad gelyada , Xasiloonida iyo Geedi socodka nidaamka dimuqraadiyada ee Somaliland ay ku tallaabsatay tan iyo intii Qaranimadeeda kala soo noqotay wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Booqashada Ergayga gaarka ah ee QM Mudane Ahmed Ould-Abdalla oo ahayd tii ugu horeysay tan iyo intii uu xilka la wareegay waxa ujeedada ugu muhiimsan ee ka dambaysaa ay ahayd socdaal socdaal isberasho ah oo ujeedadiisu ahayd in indhihiisa ku arko waxyaabaha ay Somaliland qabsatay , isla markaana uu kulamo kala duwan la yeesho Madaxda xukuumada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin

Madaxweynuhu waxa uu kala hadlay Ergayga gaarka ah ee QM arrimo badan oo ay ka mid tahay qaddiyada Somaliland iyo fariimo la xidhiidha waxyaabaha ay qabsatay Somaliland si uu ugu gudbiyo ergaygu Xoghayaha Qaramada Midoobay .

Mudane Ahmed Ould-Abdalla waxa uu isaguna ku dheeraaday aadna ugu amaanay Somaliland Waxyaabaha u qabsoomay oo ay ugu weyn yihiin xoojinta dimuqraadiyada , Nabad gelyada , Xasiloonida iyo shuruucda dawladnimada Somaliland ku dhaqmaysay tan iyo mudadii ay qaranimadeeda la soo noqotay, waxana uu sheegay in QM ay aad u dhiiri gelinayso sii xoojinta waxyaabaha u qabsoomay Somaliland , taas oo uu ballan qaaday in uu u gudbin doono Qaramada Midoobay gaar ahaan Xoghayaha guud ee QM iyo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay , iyada oo aanay haboonayn in la iska indho tiro waxyaabaha ay Somaliland qabsatay ee dhinaca horumarinta.

Ergayga gaarka ahi waxa kale oo uu ballanqaaday in socdaalkiisani aanu noqon doonin kii ugu dambeeyay , hase yeeshee uu damacsan yahay Mustaqbalka soo socda socdaalo kala duwan in uu ku yimaado Somaliland , kulamo intan ka sii badana uu la yeesho Madaxda Jamhuuriyada Somaliland.

Mar uu soo qaaday Ergaygu socdaalkii ay dhawaanta ku timid Somaliland Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada ee Maraykanka Jendayi Frazer waxa uu ku tilmaamay socdaalkaasi mid dhaxal gal ah oo wax weyn ka bedelay aragtidii Beesha Caalamku ka qabeen Somaliland, waxana uu ku soo gabo gabeeyay inuu rajaynayo Somaliland ay ku sii socon doonto tubta Nabada iyo dimuqraadiyada , iyada oo doorashooyinka soo socdaana si Nabad ah oo xor ah u dhici doonaan

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye