Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Badhasaabkii Degmada Mudug ee maamulka Puntland oo maalintii labaad ku jira gacanta ciidamada Itoobiyanka

           (Updated:-(Sat.1.March..2008)
 

Gaalkacayo(Bnn)Waxaa maalintii labaad ku jira gacanta ciidamada Itoobiya badhasaabka gobolka Mudug ee maamulka goboleedka Puntland C/rashiid Cali Dhuubane ka dib markii habeen hore ciidamadaasi ay ka kaxeysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo gaystay gudaha dalka Itoobiya sida wararka halkaasi ka imanaya ay sheegayaan.

si rasmi ah looma oga sababaha keenay in ciidamada Itoobiya ay kala baxaan magaalada Gaalkacyo badhasaabka gobolka Mudug ee maamulka Puntland hase ahaatee warar soo baxaya oo laga helayo ilo wareed ku sugan Puntland ayaa sheegaya inuu la xiriiro iyadoo loo heysto gaari ay lahaayeen ciidamada Itoobiya oo laga waayey garaash uu ku xareysnaa oo ku yaala magaalada gaalkacyo, taasoo keentay iney la baxaan badhasaabka ka dib markii uu meel ku sheegi waayey gaarigaasi.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa wada deddaalo ay ku doonayaan in lagu sii daayo badhasaabka gobolka Mudug, iyagoo ku howlan xiriiro kala duwan oo ay la sameynayaan saraakiisha ciidamada Itoobiya, lamana aga illaa hadda halka uu marayo dedaalkaasi iyo haddii ay wax ka soo baxayaan, waana falkii ugu qalafsanaa ee ciidamada Itoobiya ay kula dhaqaaqaan mas’uul ka tirsan Puntland, iyadoo labada dhinacna uu ka dhexeeyo xiriir aad u wanaagsan, waxaana dad badan ay ay isweydiinayaan sida mas’uul dhan oo badhasaabka ka ah gobol loogu kaxeysan karo gaari la waayey oo kaliya.


Adboulkarim Qamaan Cali (FiiriQamaan)

(BNN)Boramanewsnetwork)

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye