Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Dagaal Xoogan Oo Saaka ka Qarxay Muqdisho

           (Updated:-(Sat.1.March..2008)
 

Mogadishu(Bnn)Dagaalo ay iskaga soo horjeedaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa DF oo dhinac iyo dagaalyanada ka soo horjeeda ayaa goor dhoweyd abaarihii 11:00 ka bilowday agagaarka Ex-xaruntii wasaaradii gaashaandhiga ee jidka warshadaha iyo isgoyska Al-baraka oo ka wada tirsan degmada Hodan ee magaaladan Muqdisho.

Sida warku sheegayo dagaalkan ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiicda garabka laga tuuro ee loo yaqaano baasuukeyaasha iyo hubka fudud ee darandooriga u dhaca kaasoo dhawaqiisa laga maqlayo Suuqa Bakaaraha iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo dadkii fara ku tiriska ahaa ee deegaanada lagu dagaalamayo ku noolaana ay ku xeroodeen guryahooda.

Ma jiro illaa hadda war faahfaahsan oo ku saabsan sababaha keenay dagaalkaasi iyo qasaaraha illaa hadda ka dhashay intaba, waxaana uu dagaalkani ku soo beegmay xili todobaadkii ugu dambeeyay ay xasilooneyd magaalada Muqdisho oo wax dagaalo ahna aysan ka dhicin marka laga reebo hoobiyeyaal mararka qaarkood lagu tuurayey saldhiyada ciidamada Itoobiya iyo dilal kala duwan oo ay geysanayaan ciidamada DF iyo kooxo aan la garaneynin, waxaanuna idiin balanqaadeyna inaan idin soo gudbin doono wixii warar ah ee dagaalkaasi kasoo kordha haddii uu EEBE Idmo.

oslo norway

Abdoulkarim Qamaan Cali (FiiriQamaan)

(BNN)Boramanewsnetwork

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye