|
|
|
|
|
|
|
"Ansixinta Dastuurka
Federalka kadib Puntland waa
inay Yeelata Astaamaha Qaran
Madax Banaan" Dastuurka
Cusub ee Puntland |
|
|
|
(Updated:-(Sat.1.March..2008) |
|
|
|
|
|
Halkan
ka akhriso Dastuurka Oo dhamaystiran Click
Here |
Garoowe(Bnn)-
Guddida Dib u
eegista Dastuurka Cusub ee dowlad Goboleedka
Puntland ayaa kulankoodi ugu dambeyey ku
kala kacay ka dib markii odayaasha dhaqanka
oo looga baahna inay ansixiyaan ay sheegayn
inay u baahan yihin wakhti dheeraad ah oo ay
kusoo darsaan.
Ergooyinka Shirkada iskugu yimid ayaa la
doonayey inay dib u eegis ku sameeyan
Draft-ka Dastuurka cusub iyadoo isla marka
la doonayey inay kaabis iyo waxkabadal kadib
ay ansixiyaan.
Odayaasha Dhaqanka ayaa ku dooday inay u
baahan yihin wakhti dheeraada oo ay ku
darsaan Dastuurka Qabyada ah oo la doonayo
in lagu dhaqo Puntland kaas oo odayaashu ay
shaki wayn ka muujiyeen ujeedada xiligan
loogusoo beegay iyadoo ay wakhti yar ka
hadhsan tahay xiligii doorashada Puntland.
qaar ka mid ah odayasha ayaa sheegay inay ka
shakisan yihin in dastuurka cusub loola
jeedo in Puntland laga gooyo Somalia lagana
dhigo Dal madax banan sida Somaliland oo
kale.
Qodobada ay ka boodeen odayashu waxa kamid
ah Qodobka Seddexaad Farqadiisa Seddexaad oo
odhanaysa " Marka la dhamaystiro Dastuurka
Fedaraalka ee Afti Dadweyne lagu Ansixiyo
waa inay Puntland yeelata Astaamaha Qaran
Madaxbanan".
Qaar ka mid ah dadka indho indheeya
siyaasada Puntland ayaa ku doodaya in
qodobkaas loola jeedo in Puntland laga gooyo
Somalia, Madaama aan Gobol dal ka mid ahi
aanu yeelan karin Astaamaha Dal Madax banan.
Qaar ka mid ah Odayaaasha iyo siyaasiyinta
ayaa iyaguna ka biyo diiday qodob kale oo
isna ka hadlaya Xuduudaha Puntlanad ku jira
Dastuurka Cusub kaas oo isna odhanaya "
Puntland waxay ka kooban tahay Gobolada,
Bari, Nugaal, Sool, South of Togdheer
(Buuhoodle) Mudug (Harardheere ilaa Hobyo)
iyo Sanaag (Ceelafweyn ilaa WaqooyiGalbeed
Degmada Ceerigaabo)". Odayashu waxay ku
doodayan in Qodobka Khilaafsan yahay
Siyaasada Dowlada Federalka, iyagoo sheegay
in dowlad Goboleedyada la dhisi doono aanay
xaq iyo awood u lahayn inay xuduudahooga
iyagu astaystaan balse ay dowlada dhexe ee
Federalku samayn karto uun xuduudaha
Gobolada.
Qodobka kale ee isna shakiga ku abuuray
dadka ku lugta leh siyasada Puntland ayaa ka
hadlaya astaanta,Calanka iyo Heesta Qaranka.
iyadoo Dastuurka Cusub uu ka booday inuu si
cad u qeexo Astaanta Qaranka, Calanka iyo
Heesta Qaranka uu sheegay in Go'aan laga
gaadhi doono.
Iskusoo wada Duubo dad badan badan oo indho
indheeya Siyaasada Puntland ayaa sheegay
inay si wayn uga shakisan yihin in Maamulka
Cade Muuse uu qorshaynayo inuu ka goosto
Somalia inteeda kale,
Borama News Network
Hargeysa
Office
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|