Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Xaflad Balaadhan Oo Maanta looqabtay Arday Ka Qalijabisay Dugsiga Sare Ee Al-aqsa Ee Magalada Borama

           (Updated:-Wed.7.May.2008)

Boorama(Bnn)Waxaa maanta iskuulka sare ee Al-Aqsa lagu qabtay xaflada balaadhan oo ay soo abaabuleen ardayda fasalada afaraad ee sanad dusgiyeedkan 2007/2008 ka baxay dugsiga sare, waxaana isku soo duba riday xafdaladan aradayda faslada afaraad A,B &C taas oo ay ka muuqatay abaabul aad u qurux badan waxaana ka soo qayb galay maamulka, macalimiinta iskuulka, waalidiin, ardayda, maamulka sare ee jimciyada Awdal Al khayriya, wasaarada waxbarshada gobolka Awdal iyo marti sharaf kale oo fara badan,

Waxaana halkaas laga soo jeediyey amaan iyo bogaadin loo jeedinayey ardayda maamulka iyo macalimiinta iskuulkaba ugu horayn waxaa ka hadlay madashaas maxamed Cumar Warsame oo ku hadlayey arday sanadkan dhamaysanaysa magacooda waaxaanu ka waramay taariikhada iskuulka ka dib wax qabadka fasladan oo uu ku sheegay in ay tartamo quraanka kariimka ah oo aan laga aqoon iskuulada ku soo kordhiyeen waxaa kale oo uu ku daray mashruuc dhir beeris ah oo deegaanka iskulka bilicdiisa lagu hagaajinayo in ay sameyeen.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay SH Xasan Deheeye oo ah maamulka (ACS) aadna waxa uu ugu duceeyey sheekhu ardayda qalin jabinaysa una mahad naqay, waxaa kale oo halkaasi ka hadlay SH. Cali Adam Nuur oo ah cumilamada magaalada Boorama oo xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dadaal badan alagu bixiyo kordhinta ama sare u qaadida aqoonta.
waxaa kale oo halkaas ka hadlay maamulaha dusiga sare ee ALAQsa Adam Cumar Ceelaabe oo si gaar ah aradaydan ugu mahad naqay sheegayna in ay ahaayeen arday dadaal badan oo in badan garab taagnayd maamulka iyo macalimiinta dugsiga. Waxaa isana si doo kale ka hadlay agaasimaha waxa barashad (ACS) Axmed C/laahi Talan oo horayna iskuulkan maamule ugu ahaa waxaanu sheegay waxqabadka balaadhan ee tayada aqoonta uu iskulkan AlAqsa ku soo kordhiyey waxarashada gobolkan oo uu sheegay in ay sagaal dafco oo iskuulkan ka soo baxay ay ahaayeen kuwa ugu tayada wanaagsan ee S/land ka soo baxaya kaalinta horena kaga jira taasina waa in la sii laban laabaa oo dadaalkeeda iyo sumcada iskulka sidii sare loogu hayn lahaa lagu dalaalaa ayuu yidhi

Ugu danbayntii waxa ay ardaydu abaalmarino kal duwan siiyeen maaulka iyo macalimiinta iskuulka






HASSAN CIISE
Boramanews.com

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye