Hargeysa (Bnn)-
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin
, waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka
socda Safaarada Dawlada Ingiriisku ku leedahay
magaalo madaxda Itoobiya ee Addis Ababa.
Kulankaasi dhexmaray labada dhan ayaa markii uu
dhamaaday waxa warsaaxfdeed looqaybiyay saxaafda oo
uu uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooydaSomaliland,
waxa uu soo gaadhay shabkda wararka ee qarannews
waxa aanu u dhignaa sidan hoos ku xusan
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin
, waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka
socda Safaarada Dawlada Ingiriisku ku leedahay
Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.
Wefdigaasi oo ay ka mid ahaayeen ku xigeenka
Safiirka Dawlada Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya
Mr John Marshall iyo ku xigeenka labaad ee Xoghayaha
Safaarada Ingiriiska Colin Leeman, waxa ay booqasho
gaaban ku yimaadeen Dalka Somaliland, iyada oo
ujeedada booqashadooduna la xidhiidho sidii loo sii
xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo
Dawlada Ingiriiska.
Mr Marshall waxa uu Madaxweynaha u sheegay in isaga
iyo wefdigiisu ay aad ugu diirsadeen soo dhawaynta
fiican ee ay kala kulmeen Xukuumada Somaliland ,
Asxaabta Qaranka , Hay’adaha Dawliga ah iyo shacbi
weynaha Somalilandba.
Mr Marshall waxa kale oo uu tibaaxay in dawlada
Ingiriisku ay diyaar u tahay in ay sii ambo qaado
wada shaqaynta iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya
Somaliland iyo Dawlada Ingiriiska, isla markaana
dawlada Ingiriisku ay aad ugu amaanayso Somaliland
waxyaabihii ay qabsatay oo ay ka mid yihiin
doorashooyinkii dalka u qabsoomay , kuwaasi oo u
dhacay si nabad gelyo ah oo xalaal ah oo astaan iyo
ku dayasho u noqon karta dalal badan oo Afrika ah.
Mr Marshall oo hadalkiisii sii wata waxa kale oo uu
tibaaxay in ay dawladiisu dhiiri gelinayso taageero
buuxdana ay siinayso geedi socodka dimuqraadiyada ee
Somaliland , gaar ahaana doorashooyinka dalka ku soo
food leh in ay dalka ka qabsoomaan, una dhacaan si
xor ah oo xalaal ah.
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo
isna hadal kooban u jeediyay wefdiga waxa uu ka
waramay xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya
Somaliland iyo Ingiriiska .
Madaxweynuhu waxa uu wefdiga u sheegay in dawladiisu
ay diyaar u tahay in ay dalka ka qabsoomaan
doorashooyin xor ah iyo xalaala, iyada oo mar walba
la tix gelinayo lana dhawrayo dastuurka iyo
qawaaniinta xeerka u yaala Somaliland.
Mudane Rayaale waxa kale oo uu soo qaaday hayaankii
dheeraa ee shacbiga Somaliland ay u soo galeen
dhismaha qaranimadooda iyo hir gelinta hanaanka
dimuqraadiyada , sidaa awgeedna Madaxweynuhu waxa uu
si xoog leh u cadeeyay in xukuumadiisa ay ka go’an
tahay in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor ah
oo xalaal ah , iyada oo mar walba la dhawrayo in
lagu dhaqmo dastuurka iyo qodobada ku qeexan
qawaaniinta iyo shuruucda dalka.
Kulankaasi wefdiga Safaraada Ingiriisku la yeesheen
Madaxweynaha waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirul
Dawlaha Arrimaha Dibada Mudane Siciid Maxamed Nuur ,
Wakiilka Somaliland u fadhiya Magaalada Addis ababa
Maxamed Xasan Nuur’’.
Qarannews