Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Xisbiga Kulmiye iyo Taageerayaashisa oo Mudarahaad ka hor dhigay Xarunta Xisbiga

           (Updated:-Wed.7.May.2008)

Hargeysa(Bnn):- Isu soo baxa balaadhan ayay Maanta Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye iyo taageerayaashiisu ka sameeyee barxada weyn ee Xarunta guud ee Xisbigu ku leeyahay Magaalada Hargeysa horteeda, isla markaana waxa dadweynaha halkaasi kula hadlay Masuuliyiinta kala duwan ee Kulmiye.

Banaan-baxan oo ka dhan ahaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, ayaa ilaa xalay abaabulkiisu socday, waxa barxada weyn ee Xarunta Xisbiga hortiisa isugu soo baxay dadweyne tiro badan oo lagu qiyaasay tiro kun ku dhaw.

Hase ahaatee, isu soo baxan ayaa ahaa mid si nabadgalyo ah u dhacay, oo aan wax rabshado ah wadan, iyada oo Ciidamada kala duwan ee dawladuna ku hareeraysnaa goobtaasi la isugu soo baxay.

Ugu horeyn waxa fagaarahaasi kala hadlay dadweynaha isu soo baxay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo sheegay inay iyagu cid walba ka jecelyihiin nabadgalyada dalka oo jirta, isla markaana aanu Xisbiga Kulmiye ahayn kii maanta looga shakiyi lahaa mid nabadgalyada waxyeelaynaya. Waxaanu u mahad-naqay guud ahaanba dadkii taageerayaasha ahaa ee isu soo baxay.

“Waxaan idiin sheegayaa Kulmiye maanta maaha Xisbigii looga biqi lahaa inuu nabadgalyada dalka bur-buriyo, kulmiye shacbiga Somaliland intiisa badan ayaa taageerta, waxaanu u damqanayaa guud ahaan nabada iyo danaha ummadiiisa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed-siilaanyo

Waxaanu ku dooday Guddoomiyuhu inay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay isu soo bax ku muujiyaan dareenkooda, “Iyada aynu nabadgalyada ilaalinayno, wada jirka ilaalinayna, danta shacbigeena ilaalinayna, xaqa dastuurkeenu ina siiyay ilaalinayna, oo aan cidna waxba yeelaynin waa inaynu dareenkeena cabiraa walaalayaal. Marka muddadu Madaxweynaha ka dhamaatana hadaan xaaladan wax iska bedalin waa inoo balan inaynu dareenkeena si nabadgalyo ah ugu cabiro isu soo baxan oo kale, waana inoo balan inaynu sii wadno.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha Xibiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuus (Siilaanyo), isaga oo ka hadlaya halka xaalada dalku marayso waxa uu yidhi, “Xaalada halkay marayso waynu ognahay oo waynu ka wada dharagsanahay, iyada oo nabadgalyada Somaliland shacbiga meel kasta oo uu joogo xil ka saaran yahay ilaalinteeda oo uu xilkeeda qaadatay, oo mar kasta oo nabadgalyada bur-bur ku dhaco cida bur-burisaa ay xukuumadda jirta ahayd, cida ilaalinaysaana ay ahayd shacbiga Somaliland, cida cadawga iyo argagixisada qabanaysana shicibka ayay ahayd. Halka cida sharciga iyo nabadgalyada ku tumanaysaana ay tahay Xukuumadda maanta jirta ee Madaxweyne Rayaale.”

Isla markaana waxa uu xusay Axmed-siilaanyo in Xisbigooda culays iyo cadaadis badan ay xukuumaddu saartay, oo dad badan oo ka mid ah Masuuliyiinta iyo taageerayaasha Kulmiye loo xidh-xidho bilaa sabab, isaga oo dhaliilay muddo kordhintii Guurtida, oo uu ku tilmaamay mid sharci-daro ah.

“Waxaanu leenahay Madaxweyne Rayaale muddadii lagu doortay markay kaa dhamaato, adigu ma lihide ha iska sii rambiqin meesha, waxaanu leenahay ha isa soo hor fadhiistaan Axsaabta Qaranka oo ha la is waydiiyo oo ha la yidhaahdo walaal maxaynu yeelaa. Dib u dhaca doorashooyinka waxa masuuliyadooda iska lahaa Madaxweynaha Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-siilaanyo, waxaanu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi,

“Waxaanu leenahay hore samir ayaanu dalka iyo dadkaba ugu yeelanay imikana waanu u yeelanaynaa, iyada oo marar badan dib u dhacday doorashadii oo uu waajibaadkiisii ka soo bixi waayay hogaankii qaranku, waxaanu leenahay marka ugu horeysa ee la qaban karro ee Guddada ku shaqada lihi garato in la qabto diyaar ayaanu u nahay.”

Waxaanu sheegay Guddoomiyuhu in ay jiraan mishaakilaad badan oo ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku hayso dadka maatida ah ee shacabka ah oo ay dil iyo xadhig sabab la’aan ah kula kacdo,, gaar ahaan taageerayaasha Kulmiye, taasina ay tahay dulmi aan la qaadan Karin.

Isaga oo si gaar ah ula hadlayay Guddoomiyaha Kulmiye Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale, waxa uu yidhi, “Madaxweynaha Baarlamaanka ka dhex yidhi waa la siqiiri doonaa, ee rag kale yidhaahdeen Xabsigii Mandheera waanu haynaa, Madaafiicdiina waanu haysanaa, Madaafiicda waa nalala dhici jiray oo kamaanu biqi jirin, Xabsiga Mandheera laga biqi maayo oo waa loo diyaar ragbaana hore u galay, Madaafiic baanad sheegaysaaye horaad Daahir Rayaalaw Diyaarado ula dhacday Shacbiga Reer Hargeysa. Markaa maanta ha nagu bajinin, kuwaad ku bajin lahaydna ma nihin.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye, oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Xisbiga Kulmiye ugu jira, ayaa sheegay, isla markaana dadweynaha u soo jeediyay inay iyagu Xisbi ahaan yihiin Xisbiga u taagan nabadgalyada, sidaa darteedna taagaarayaasha looga baahan yahay inay ku sii dedaalaan adkaynta nabadgalyada, iyaga oo la shaqaynaya Ciidamada amniga.

Xildhiibaanku waxa uu ku dheeraaday qiimaha ay nabadgalyadu leedahay, iyo tilmaamaha ay diinta Islaamku ka bixay.

Xildhibaan Cali Aw Yuusuf Axmed, oo isaguna ka mid ah Mudanayaasha Aqalka Wakiillada, isla markaana laga soo dhex doortay Xisbiga Kulmiya, ayaa sidoo kale sheegay in uu Madaxweynaha talada hada hayaa si nabadgalyo ah maamulka dalka ku qabtay, isla markaana looga baahan yahay inuu si nabadgalyo ah uga dego marka xilku ka dhamaado,

“Xisbiga Kulmiye Madaxweynuhu 80 cod ayuu kaga helay, waananu haniyaynay. Markaa waxaanu leenahay Madaxweynuhu taariikhdii SNM oo kale ha sameeyo, oo si nabadgalyo ah ayuu ku yimi ee si nabadgalyo ah hakaga tago, oo doorasho ayuu ku yimi ee doorasho xaq ah oo xalaal ah ha sameeyo oo hagaga tago, haduu sidaa yeelo taariikhda Somaliland meel ayuu ka galayaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cali Yuusuf.

Waxaanu xaq-daro ku tilmaamay Md. Cali Yuusuf, muddo kordhintii Guurtidu dhawaan u samaysay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, “Waxaynu ogayn in dhawaan Golaha Guurtidu ay Madaxweynaha sannad u kordhiyeen, sannadkaasi anagu uma aragno sanad xaq ah inuu yahay, waayo dastuur ayaa inoo yaala, oo Dastuurkeenu waxa uu leeyahay Madaxweynaha muddadu markay ka dhamaato waa in doorasho la qabto, hadii aanay dhicin arrimo nabadgalya daro awgeed ah.”

Waxaanu ku dooday Xildhibaanku, in ay Somaliland aduunka ka iibin jirtay laba shay, isla markaana ay labadiiba guurtidu beenisay, isaga oo arrimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi, “Aduunka waxaynu ka iibinaa laba shay, kuwaas ah wadankeenu inuu nabad yahay iyo inaynu dimuquraadi nahay, labadaasbana waxa beeniyay Guurtida, oo iyada oo aynu nabad nahay ayay yidhaahdeen sannad ayaanu u kordhinay, dimuquraadiyadii socotay intay ka talaabsadeen ayay sannad kordhiyeen.”

Sidoo kale Mudane Cali Yuusuf, waxa uu sheegay in dastuurka Qaranku dhigayo Golaha Guurtida marka muddadu ka dhamaato in la soo doorto, hase ahaatee ay taasi ka talaabsadeen ka dib markii ay muddo afar sannadood ah isu ansixiyeen. Sidaa daraadeedna kolhadii aanay sharci ku fadhiyen iyagu waxay kordhiyeena aanu ahayn wax sharciga waafaqsan, balse uu yahay xaaraan.

Guddoomiyihii hore ee Guddidii doorashooyinka Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye, ayaa isna fagaarahaasi kala hadlay dadkii isugu soo baxay , waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi,

“Waxaan idiin sheegaya imtixaanka aduunka oo dhami wuu soo maraa waxaan lagaga guulaystaa dulqaadka ay dadku sameeyaan, oo shacbiga dulqaata ee dhabar-adayg sameeyaa mishkilad kasta wuu ka gudbi karaa, maanta waxa la inooga baahan yahay dhabar-adayg.” Sidaa ayuu yidhi Cadami.

Isaga oo faah-faahin ka bixinaya ujeedada isu soo baxan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta iyo taageerayaasha Kulmiye waxa uu yidhi, “Ujeedada Xafladan maadaama aan hore loo sheegin, waa kulankii ugu horeeyay shir Xisbiga iyo Madaxdiisu isugu timaado, kii u dambeeyayse maaha ee wuu bilaabmay, waanu sii soconayaa, halka Hargeysa ugu dambeeysa waaynu ka soo lugaynaynaa marka Basaska la inoo diido, oo wadamada qaar dadku iyaga oo lugaynaya ayay dhinteen oo aanay nimcadii xorriyada gaadhin, iyada oo uu haystay Isticmaar adag oo keenan iska ooraydhka ah ee aynu inagu samaysanay, deebadeedna inagu yara kululaaday mid ka xoog roon ayay u babacdhigeen. Dabadeedna dadkii way soo gaadheen, intii soo gaadhi waydayna Carruurtoodii ayaa soo gaadhay.”

Guddoomiyihii hore ee Guddida doorashooyinku, mar uu ka hadlayay qaabka qaldan ee ay dadku wax u isticmaalaan waxa uu yidhi uu yidhi, “Waqtigii Xamar la joogay ee xaaladu ay kululayd, ee la kacaamaysnaa ee ay ciidamadu wax walba soo qab-qabanayeen, waxa aan raacay qolo wafti ahayd oo meel ayaa la soo furay guri ah uu lahaa maamulihii degada Marka oo Talyaani ahaa, guraga waxa la yidhi waa cusub yahay, aniga laftayda waa la I caameeyay oo waan u qaatay inuu cusub yahay, sannadkii dambe ayaa la yidhi ina keen, waanu tagnay mise gurigii ayaaba la rinjiyeeyay mar labaad, isla markaana gurigaa rinjigu ku socdo ayaan sheeko ka bixiyay oo waxaan idhi ‘Ma laga baqaa gurigaasi inuu hadlo maalin maalmaha ka mid ah, oo uu yidhaahdo waar wax kasta igu qaba oo, rinjiga faraha badan iga daaya.”

Isaga oo h adalkiisa sii watan waxa uu Cadami intaasi ku daray oo uu yidhi, “Marrkaa waxaan maanta leeyahay sidaa si le’eg ma laga baqaa nabadgalyada wanaagsan ee aynu ku jiro in aynu maalin ka hadlino, oo ay tidhaahdo qoldan masaakiinta ah maahaa cida nabadgalyada xumaynaysaa waa qolada awooda leh (xukuumadda), haday hadli waydo inaga ayaa ka hadli doonaa.”

“Ummad garnaqsatay ayaynu nahay, oo aynu dhaqan u leenahay wada-hadal,, wada fadhiisan iyo is daw marin la dawmariyo qofka wax tirsanaya dhaqankeeniina ma bedalayno, hawl yarina laguma bedali karo oo dhaqankaynu ilaashanaynaa, waana lagama maarmaan in miiska la isugu yimaado oo laga wada hadlo khilaafaadka jira, cadaaladuna waxay ku jirtaa oo kaliya in la wada-hadlo.” Ayuu ku sii ladhay hadalkiisa Axmed Xaaji Cali Cadami.

Isla markaana isaga oo si gaar ah ula hadlaya Madaxweyne Rayaale iyo sidii uu ula dhaqmay markii xilkii Komishannimo ka dhamaaday waxa u yidhi,

“Madaxweynuhu Komishankii hore markii muddadu ka dhamaatay isaga ayaa ugu horeeyay oo yidhi waqtigiini waa dhamaaday, kaftan badana wuu ku daray, anaguna waxaanu leenahay saacadu way is garaacaysaa, taar ayaanu kuu soo diriynaa, oo aan wax kuugu sheegaynaa, oo waxaanu leenahay intay goori goor tahay taariikhdii iyo abaalkii ummadu gashay yaan looga dhigin diidmo la diido iyo eryad dhaca.” Ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee Guddida doorashooyinka, Axmed Xaaji Cali Cadami.

Hadhwanaagnews

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye