BNN(Djabouti)Waxaa
warqad qoraal ah oo ku saabsan Dalka Eritrea u diray
Q.M wasiirka arimaha dibada ee Dalka Djibouti
Maxamuud Cali Yuusuf taas oo uu kaga hadalayo
xaalada adag ee haatan ka taagan xuduuda u dhaxaysa
labada dal ayna dalka Eritrea uu wado dhaqdhaqaaq
xoogan oo ku saabsan military.
Dhaqdhaqaaqan ayaa wasiirka arimaha dibada ee Dalka
Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf uu ku tilmaamay inay
waday ilaa bishii February ee sanadkan aysana
garanayn ilaa hadda ula jeedka dhabta ah ee ka
danbeeyay dhaqdhaqaaqa military ee ay wado dalka
Eritrea kana wado xuduuda u dhaxaysa labada dal.
Qoraalkan uu hordhigay wasiirka arimaha Dibada ee
Dalka Djibouti Q.M ayaa waxa uu kaga codsanayaa in
si dagdag ah wax looga qabto arimaha ay wado dalka
Eritrea taas oo meel ka dhac ku ah ayuu yiri madax
banaanida Dalka Djibouti wadona ciidamo lasoo
dhoobay xuduuda labada dal ee dhinaca badda cas.
Arintan ayaa waxa uu wasiirku ku tilmaamay inay dabo
socoto khariirad ay soo saartay dalka Eritrea
sanadkii 1996 kaas oo ay ku sheegaynayso qaybo kamid
ah dalka Djibouti iyadoo ay hadda dhufaysyo adag ka
qodotay buuraha dhinaca badda cas ee lagu magacaabo
Rasdumera.
Hadaba arintan u dhaxaysa labada dal ee Djibouti iyo
Eritrea ayaa waxa uu yahay mid cirka isku sii
shareertay kadib markii xuduuda ay soo dhoobtay
dalka Eritrea ciidamo aad ufara badan kuwaas cabsi
wayn ku keenay dalka Djibouti iyadoo qoraal ku
saabsan arinkaasina ay hordhigtay Jaamacada Carabta
iyo Q.M taas oo keentay in wafdi ka socda Jaamacada
Carabta loo soo diri doono maalmaha soo socda labada
dal ayna baadhi doonaan xaalada ka jirta halkaasi.
Afnugaal News Desk