Garas Hiiraan (BNN):
Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka ka tegay Degmada
Buulo Burte ayaa maanta duhurnimadii lagu weeraray
Deegaanka Garas-yaani ee bartamaha Gobolka Hiiraan.
Ciidamadan oo watay ilaa 30 gaari oo kuwa dagaalka
ah ayaa waxaa dhexda u galay Xoogag ka soo horjeeda
joogitaankooda Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo aan ilaa
iyo haatan sheegin magaca ay ku howlgelayaan.
Dagaalka oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa
kala duwan ayaan la ogeyn khasaaraha uu geystay,
sabab la xiriirta iyadoo halka lagu dagaalamayo uu
yahay dhul buuraley ah oo aaney dad badan ku sugneyn,
walow ay dhici karto in ay ku nool yihiin Dad
Xoolo-dhaqato ah.
Dadka ku dhaqan Degmada Buulo-Burte oo ay in muddo
ah Ciidamadan Itoobiyaanka ah dul-deganaayeen ayaa
saaka neef weyn ka soo fuqday kadib markii ay
Ciidamada ka tageen, waxaana durba bilowday dad
guryahooda ku soo noqonaya, kuwaasi oo horay uga
cararay Ciidamada Itoobiyaanka.
Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu
jira oo ku sugan Deegaanka Kala-beyr ee Gobolka
Hiiraan ayaa waxaa saaka aroortii lagu weeraray
Madaafiic hoobiyayaal ah, iyadoo madaafiicdaasna
aysan geysan wax khasaare ah waa sida uu ku waramay
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed)
oo ku sugan Deegaanka Kala-beyr.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan
Yuusuf Axmed Daba-geed oo haatan ku sugan Deegaanka
Kala-beyr ayaa mar sii horeysay oo uu hadlay waxaa
uu sheegay in uu dib ugu soo noqonayo Magaalada
Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, inkastoo uusan
shaacin waqti rasmi ah oo uu dib ugu soo noqonayo
Beledweyne.
Source HON