Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 
Sideed Ka Mid ah Shaqaalaha Golayaasha Baarlamaanka Oo Tababar Xirfadeed Ugu Kicitimay Dalka IToobiya 
           (Updated:-Wed.7.May.2008)
Hargeysa(BNN).Sideed ka mid ah hawl-wadeenada labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland (Wakiilada iyo Guurtida) ayaa aqoon korodhsi ku wajahan shaqada Baarlamaanka ku tagay dalka Itoobiya.

Shaqalahaasi oo isugu jiray lix ka socday golaha wakiilada iyo 2 ka socday golaha  guurtida Somaliland , waxana ay galabta ka dhoofeen dhabada diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.
Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada, C/Risaaq Maxamed Ayaale, oo madaarka ugu waramay warbaahinta ayaa waxa uu yidhi “Anagoo ka kooban shaqaalaha golayaasha Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtida] gaar ahaan hawl-wadeenada hadal qoraalka ee labada gole, waxaanu dalka Itoobiya ugu baxaynaa aqoon korodhsi ku wajahan shaqada baarlamaanka, anagoo ka soo faa’iidaysan doona Baarlamaanka dalkaasi, aqoon isweydaarsigaasi waxa noo qaban qaabiyay Haa’yada IPRT, oo uu gudoomiye u yahay Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo aanu aad iyo aad mahad- naq ugu soo jeedinayno.

“Waxaanu maqnaan doonaa todoba cisho, si aanu u soo barano habka baarlamanaada caalmiga ahi ay u shaqeeyaan, anagoo rajaynayna inaanu si fiican uga soo faa’iidi doona waxbarashada aanu u baxayno,”ayuu intaasi raaciyay Ku Xigeenka Xoghayaha golaha wakiiladu.

C/Risaaq maxamed Ayaale, waxa uu amaan balaadhan u soo jeediyay gudoomiyaha Haa’yada IPRT, Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo uu sheegay inuu wax badan oo hore baarlamaanka Somaliland u qabtay.

Maamulaha Haa’yada IPRT, Dr, Axmed Xuseen Ciise, oo isaguna halkaasi ka hadalay ayaa waxa uu yidhi “Sida aad wada ogsoon tihiinba waxaynu nahay dal cusub oo dhismaya, Baarlamaanku labada gole ee Wakiilada iyo Guurtiduna waa salkii dawladnimada, markaa waa in shaqaalaha ka shaqeeyaa ay noqdaan shaqaale tababaran oo aqoon leh, oo yaqaana habka baarlamaanadu u shaqeeyaan, maadaama ay Somaliland intaasi oo dhami inoogu suurto geli karin inaynu ku wada barano, waxa muhiim ah in mararka qaarkood ay dibada u baxaan oo ay soo arkaan sida baaralmaanada kale ee inaga horeeyay ay u shaqeeyaan.”

Dr. Axmed Xuseen, oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Markaa runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay anaga IPRT, sharafna way noo tahay inay suurto gal noo noqoto haba yaaraato  waxa aanu qabanaye inaanuhawshan ka qeyb qaadano, oo sideed qof oo shaqaalaha baarlamaanka ka mid ahi, oo qeybta hadal qoraalka ahi ay fursad u helaan oo ay aqoon korodhsi u tagaan baarlamaanada qaaradan qaarkood.”

Dr. Axmed Xuseen Ciise, waxa uu sheegay inuu rajaynayo in Somaliland dhawaan isku filaato oo aanay waxbarasho u doonan dalalka kale ee adduunka.

“Waxaanu rajaynayaa dhalinyaradan maanta baxaysa ee Addis ababa tagaysa ee aqoon korodhsiga u tagaysa baarlamaanka Itoobiya iyo ka midowga Afrika , in socdaalkoodani noqdo mid shaqadooda faa’iido badan u leh,”ayuu intaasi raaciyay Dr. Axmed Xuseen.

Waaheen

 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye