|
BNN Baydhabo Warar aynu ka
helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow
xafiiska Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoonka
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaa in
Dowladda Federaalka Soomaaliya ay magacawday
xubnihii ugu qeybgeli lahaa wada hadallada Jabuuti
ka furmaya 10-ka bishan ee lagu dhexdhexaadinayo
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka soo
horjeeda.
Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha ay
Dowladda u Magacaabatay wada hadalladaas ay ka mid
yihiin Wasiirka Dib u heshiisiin Maxamed Cabdi
Ashkir, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cali Xaamud,
Wasiirka Howlaha Guud Nuur Iidow Beyle, Xildhibaan
Maxamed Maxamuud Xeyd, Xildhibaan C/llaahi Shiikh
Ismaaciil, Xildhibaan C/raxmaan Jaamac, Xildhibaan
Cabdalla Boos Axmed, Xildhibaan Ibrahim Garabey, iyo
Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka
Ismaaciil Macallin Muuse, waxayna xubnaha wafdigan
saacadaha soo socda u duulayaan Dalka Jabuuti.
Dhinaca Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo
isna laga sugayo guddi 7 xubnood ah oo shirkaas uga
qeybgelaya ayaan ilaa iyo haatan laga heynin xubno
uu wada hadallada u soo magacawday, iyadoo ayba
jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in uu
Isbaheysiga codsaday in shirka dib loogu dhigo ilaa
21ka Bishan.
Dhanka kalena Warar aynu ka helnay ilo
diblumaasiyadeed ayaa waxay sheegayaan in Wakiilka
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan
Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah uu
aad ugu dadaalayo sidii uu shirkaas u qabsoomi lahaa
mudadii loogu talagalay oo ah 10-ka bishan.
Ugu dambeyntiina, Shirka ay isku soo
hor-fariisinayaan guddiyada ka kala socda Dowladda
Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya
ayaa wuxuu yahay mid farsamo oo ay guddiyada labada
dhinac ku jeex jeexayaan sidii ay isula meel dhigi
lahaayeen in la helo jawi lagu xaliyo mushkiladda
Soomaaliya, isla markaana ay ku wada hadlaan
mas’uuliyiinta labada dhinac, iyadoo sidoo kalena ay
ka wada hadlayaan qaabka ay Ciidamada Itoobiyaanka
uga bixi karaan Soomaaliya.
, Hiiraan Online
|