|
Muqadisho(BNN)Afhayeenka
dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow abuu
Mansuur ayaa wareysi ay idaacadaha Muqdisho kula
yeesheen qadka Taleefanka kaga warbixiyay arrimo
dhowr ah oo uu ka mid yahay dagaalo ay ururkooda
dhowr goobood ku qaadeen, wuxuuna sheegay inay
dagaaladaasi ay guulo ka soo hoyiyeen.
“ Umadda Soomaaliyeed waxaan leenahay ardayda
macalin Aadan aargoosiga waa wadayaan, mana aha kuwo
niyad jabay markii uu shahiiday Macalinkooda” ayuu
yiri Afhayeenka dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Sheekh
Mukhtaar Roobow oo sheegay oo dadka shacabka uga
digay inay ka fogaadaan in maraan wax uu ugu yeeray
goobaha Cadowga.
Afhayeenku waxa uu sheegay inay inay Burcdu ka xun
yihiin wax uu ugu yeeray cadowga iyo daba
dhilifyadiisa, waxaana ku qaadaynaa dagaal, inagoo
ku qaadaynaa shareecada Islaamka waxa ay ka qabto
qofkii xira wadada dadka Muslimka ah marayay.
“ Mareykanka sidiisa oo kale Geerida uguma cabsano,
hadii nala dilo waxaan heleynaa shahaado, in nala
dilana cabsi naguma heyso, howlihii ururka Al-Shabaab-na
hada ayay kor u kaceen, waxaana la arkayaa in
Macalinka Wiilal ka tagyay iyo inuu gabdho ka tagay”
ayuu yiri Afhayeenka dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Sheekh
Mukhtaar Roobow oo shaaca ka qaaday inay shalay
ciidamadooda ay dileen taliyihii ka talin jiray
Diinsoor kaas oo isaga iyo ilaaladiisa ay Miino kula
qaraxday afaafka hore ee magaalada Baydhabo.
Afhayeenku waxa uu sheegay inay Mareykanka
Gebigiisba iyo kuwa la shaqeeya waa in ladilaa,
“mareykanka Xattaa Lo’deena ayuu dilay, maxaan ka
dhaafaynaa” ayuu yiri Afhayeenka dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab
Sheekh Mukhtaar Roobow oo sheegay in Amnesty warkii
ay soo saartay ay u arkaan inuu ahaa mid uu yiri nin
Mareykan ah oo qamri cabsan.
“ Shirka Jabuuti waxaan u aragnaa mid shirqool ah,
kamana qeybgalayno” ayuu yiri Afhayeenka dhaq
dhaqaaqa Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow oo
sheegay in Al-shabaab wadayaan dagaalka ay kula
jiraan wax uu ugu yeeray cadowga Ilaahey.
rSource “SMC”
|