Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Ciidamada Ethiopia oo soo Furtay Gaadhi Laga lahaa Hargeisa oo duleedka Buuhoodle lagu afduubay
 

           (Updated:-thu.08.May.2008)
Laascaanod(Bnn)- Ciidamada Melitaryga Ethiopia ayaa xoog kusoo furtay gaadhi lagala hargeisa oo kooxo maleeshiyo ahi ku afduubayn duleedka magaaalda Buuhoodle ee Gobolka Sanaag

Gaadhigaas oo ay lahaayeen dad shacab ah oo ganacsato ah ayaa budhcad u gashay wadada,waxayna si naxariis daro ah u kaxaysteen gaadhigii iyo dadkii saarnaa,iyagoo markii hore la soo galay Buuhoodle.

Kadib markay odayaasha reer Buuhoodle ka dalbadeen nimnkaas dablayda ah inay sii daayaan dadka rayidka ah iyo gaadhigoodaba,una hanjabeen in xoog lagaga sii dayan doono,ayay ula baxsadeen dhinaca bariga Hawdka,iyagoo gaadhay tuulada Dhumay oo ka tirsan degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland ee ku sugan degmada Kalabaydh ayaa waxay xidhiidh la sameeyeen ciidamada Itoobiya,taasookeentay in ciidamda Itoobiya hareereeyaan tuulada Dhumay,halkaas oo ay markaas ku sugnaayeen dablaydii,gaadhigii iyo dadkii la haysteyba,iyadoo gacanta lagu dhigay gaadhigii iyo dadkii afduubka loo haystey

Gaadhigii iyo dadkii oo bedqaba ayaa lagu wareejiyey ciidamda Somaliland ee degmada Kalabaydh,waxaana dadkii iyo gaadhigii hada gacanta loo geliyey Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku sugan tuulada Saaxdheer,iyadoo loo soo gudbin doono dhinaca Laascaanood,kadibna ay guryahoodii si xor ah Hargeysa ku tegi doonaan.

Borama News Network
Hargeisa Office
 
                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye