Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Xaflad Loogu Wan-Qalayay Degmada Magaalo Cad Ee Ka Tirsan G/Awdal Ayaa Maanta Lagu Qabtay Xarunta Degmadaasi.

           (Updated:-thu.08.May.2008)
Magaalo Cad-(BNN)-Magaalo cad waxay ka mid ahayd Magaalooyinka hoos yimaada degmada Borama maantase waa degmo madax banaan oo la mid ah degmada Borama isla markaasina hoos timaada G/Awdal.

Hadaba xaflad balaadhan oo loo qabtay in lagu soo dhaweeyo degmada Magaalo Cad ayaa waxaa ka soo qayb galay 6 wasiir iyo hal wasiir ku xigeen oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xildhibaano ka tirsan Golayaasha Wakiilada Qaranka iyo xubno ka tirsan Xisbiyada Muraacidka qaarkood,waxaana munaasibadaasi loo qabtay degmada Magaalo Cad lagu soo ban dhigay Ciyaaraha iyo dhaqanka oo iskugu jiray Saylici,Wilwilaha,Buraan bur,Gabayo iyo waxaan hore loogu arag xafladihii iyo degmooyinkii dhawaan la magacaabay oo ahaa in ay goobta keeneen reer Magaalo Cad Fardo lagu ciyaarsiinayay goobtii meeshii fagaaraha ahayd ee xaflada lagu qabanayay kuwaasi oo aad ka dareemaysay inay dhoolo tus lagu qiimaynayo degmada loo magacaabay ay ku muujinayeen.

Waxaana halkaasi ka hadlay Maxamed Nuur Suldaan oo ka mid ah dadka degaanka waxuuna sheegay in magaalo Cad la dhisay sanadkii 1964 muddadaasina ay soo martay marxalado kala duwan waxuuna cadeeyey in dadwaynaha reer Magaalo Cad aanay haysanin oo aanay cabin biyo Nadiif ah uuna codsi u soo jeediyay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha inay lagaga dadaalo xaga biyaha,balse waxuu sheegay inay taageersan yihiin Muddo kordhinta ay Golaha guurtidu u sameeyeen Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay C/laahi Cali Xuseen oo ka mid duqayda dadka degaanka waxuuna sheegay in degmada iyo degmooyinka kale ee la magacaabayba ay yihiin kuwo ay ku hambalyaynayaan madaxwaynaha Somaliland ee magacaabay,waxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in dadka degan oo dhan oo iskaashanaya ay deeqdan la siiyay ay si deg deg ah degmo ahaan wax ugu qabtaan.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar,Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal,Suldaan Yuusuf Xasan waxaanay dhamaan sheegeen in looga baahan yahay dadka degmadani in haddii ay xukuumadu ka soo baxday in howlaha kale ee degmada lagu hormarinayana ay si dhakhso ah looga howl galo iyagoo sheegay in wax soo saarka ay ka howl galaan dadka degmada loo magacaabay ee degaanku iyagoo balan qaaday inay kaalintooda hogaamiye dhaqameednimada ay ka howl gali doonaan.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Nuur Rayaale iyo Xil.Axmed Yaasiin Sh.Cali Ayaanle waxaanay ka hadleen in dowladu xilkeedii gudatay laakiin bulshada looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan,laakiinse waxay cadeeyeen in degmada magaalo Cad ay rukun u yihiin Saddexda Beelood ee kala ah Jibraacin,reer Nuur iyo Aadan Yoonis sidaasi awgeed iskaashi ay la sameeyaan degmooyinka xidhiidhka ay la leeyihiin ee Awbarre iyo Wajaale dhinac Dhaqaale iyo dhinac siyaasadeedba waxaanay xusuusiyeen bulshada in Wasladii Dahabka ahayd ay Dowladu u dhiibtay taasina aan looga baahnayn mahadcelin balse la doonayo inay degmadu isku filnaasho dhinac walba yeelato.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Axmed Cabdi Siciid oo ka tirsan Golaha Wakiilada waxuuna sheegay inaanay ahayd deeq la siiyay degmadu oo balse ay tahay inay waajibkeedii ay gudatay dowladu waanan uga mahad celinaynaa xilkeedaa dowladnimo ee ay Fulisay.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Xasan Xuseen oo ah Afhayeenka Xisbiga Ucid waxuuna gudoonsiiyay Maamulka degmada 4 dirays iyo 4 kubadood oo loogu talo galay Kooxaha degmada Magaalo cad oo ay ugu talo inay kaga qayb qaataan tartanka Ciyaaraha degmooyinka ee dalka Somaliland ee dhwaan la qaban doono waxaanay Xukuumada ugu hambalyeeyeen degmadaasi ay siiyeen dadka magaalo cad.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Waxbarashada G/Awdal Proff Daahir Maxamuud Xadi waxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay xukuumada Daahir Rayaale Kaahin inay dadaal balaadhan samaynayso taasi oo uu sabob uga dhigay Degmooyinka ay Maamulkeeda balaadhinayso waxuuna cadeeyey in isagoo Magaca Wasaarada Waxbarashada Ku hadlaya ay balan qaadayan inay fulinayaan oo ay ka hirgalinayaan degmadani waxbarashada dadban balana qaadayaan in dugsigii sare sida ugu dhakhsaha badan looga dhiso halkaasi.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay ku simaha Duqa degmada Borama Muumin Gadiid Cumar waxuuna uga mahad celiyay maamulka dowladeed ee ka qayb qaadanaya Munaasibadan u dabaal dega magacaabista degmada Magaalo cad waxuuna tilmaamay in maanta magaalo cad oo ka tirsanaan jirtay degmada Borama ay maanta farxad noo tahay inay degmo nala mid ah noqoto Magaalo Cad waxaanan kula dardaarmayaa maamulka cusub ee degmada inay xooga saaraan sida ugu dhakhsaha badan ee degmo ahaan loo hirgalin lahaa.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirka Hidaha iyo Dalxiiska C/risaaq Waaberi waxaanuu sheegay xafladii dadwaynaha reer Salal aan kala qayb galay nin hadii gabadh la siiyo inaan loogu darin waxa uu guriga ku galayo taasi oo uu dadwaynaha u jeediyay in inta kale ee degmada ka dhiman inaad fulisaan idinku halkana waxya hodan ku tahay Xaga beeraha sidaasi awgeed waxaa la idiinka doonayaa inaad wax soo saarka Arabikhida,hadhuudhka iyo digirtaba aad beertaan si aad ugu iibgeysan dhulalka kale aan dhulkoodu ciida fiican hodanka ku ahayn,waxuuna intaasi raaciyay in sagaal god oo aasaar (Dhul taariikheed) ah ay ku yaalaan buurta Jufada,sidaasi daraadeed aad dhowrtaan daryeelka degaankiisa.

Waxaa isgaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Borama Axmed Aadan Cilmi waxuuna sheegay inaan hadayna dowladu degmadan magaabin aanad mucaarid ahaan aanad keni lahayn qalabkani Sportiga ah isagoo hadalkani ugu jawaabayay Mucaaridka oo aan markii hore Ictiraafin ama aan ka jawaabin gobolada iyo degmooyinka la magacaabay balse ku maanta ku hambalyeeyey xukuumada isla markaasina keenay deeq qalab Sports ah.

Waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Macdanta Biyaha waxuuna balan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan biyo loogu heli doono Magaalo cad.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka dib u dajibta Abshir Axmed waxuuna dadwaynaha degmada Magaalo cad uga mahadceliyay sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyey degmada.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cirro waxuuna ugu baaqay dadwaynaha degmadan Magaalo cad inay bixiyaan Cashuurta taasi ayay ku hanan karaan in degmadoodu horumar samayso isagoo xaga nabadgalyadaka hadlayayna waxuu yidhi nabadgalyadooda aad ayay u wanaagsan tahay had iyo jeerna wax dhibaato ah kama dhacaan.

Lughaya.com 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye