Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka Qayb Galay Munaasibada Degmada Magaalo Cad

           (Updated:-Fri.09.May.2008)

Boorama(Bnn)Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha Gudaha md C/laahi Cali Ismaaciil[C/lahi Ciro] ayaa shalay ka qayb galay munaasabad balaadhan oo loogu wanqalayay degmada cusub ee Magaalo cad oo ka mid ah 16 kii degmo ee dhawaan la magacaabay.

Munaasabadan ayaa shalay ka dhacday xaruntan degmadan cusub ee Magaalo cad oo hore uga tirsanaan jirtay degmada Boorama ee G/awdal, waxaana ka soo qayb galay boqolaal qof oo ka kala yimid deegaanada Boorama, Gabiley, Hargaysa iyo deegaanka ismaamulka Somalida Itoobiya, xubnahaas oo ay ka mid ahaayeen wasiiro, xildhibaano golayaasha baarlamaanka ah, maamulka Awdal, salaadiin,cuqaal iyo duqayda iyo bulshada deegaanka Magaalo cad ee u xafladaynayay degmadooda cusub, waxaana halkaas lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, gabayo iyo fardo shaaximan oo madasha ku maray socod qoob ka ciyaar ah.
Maxamed Nuur Suldaan oo ku hadlayay gudida qabanqaabada xaflada ayaa ku furay warbixin ku saabsan taariikhda degmada Cusub ee Magaalo cad oo uu sheegay inay hodan ku tahay waxsoosaarka beeraha iyo djhaqashada xoolaha oo u lafdhabar ah isla markaana ay ku taalo goob leh istaraatijiyad ganacsi oo xuduud wadaag la ah dalka Itoobiya. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay baahi dhinaca biyaha nadiifta ah iyo dhinaca siyaasada oo uu sheegay inay balanqaadayaan nabad ku wada noolaanshaha iyo adkaynta nabadgalyada iyaga oo soo dhaweynaya mudo kordhintii golaha guurtida ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa


Wasiirka arimaha gudaha C/laahi Cirro ayaa isna madashaa ka sheegay inay xukuumada somaliland ka go,an tahay in maamulka hoos loo daadajiyo lana gaadhsiiyo goob kasta iyo meelkasta oo ku haboon waxaanu yidhi isaga oo la hadlayay bulshada degmadan cusub ee Magaalocad"waxaan idinkula dardaarmayaa inaad cashuurta si wanaagsan u bixisaan, hadii aad awal u hagran jirteen cashuurta Boorama idinka tagaysa maanta idinkaa maamulanaya la,aanteedna horumarka aad doonaysaan ma gaadhi kartaan waayo degmonimada waa lagala noqonayaa meel kasta oo aan dhaqaale ahaan isku filnayn, mida kale nabadgalyada waad ku wanaagsanaydeene imikana sii xoojiya kana faaiidaysta dhulbeereedka balaadhan ee aad haysataan maanta waad oftihiin oo caalamkii waxa uu ka qaylinayaa cunto yaraan wadankastaana wixii uu soo saari jiray wuu guntaday, xukuumaduna qorsheheeda way ku darsatay miisaaniyadana lacag baa loogu daray lagu dhiiri galinayo waxsoo saarka si looga gaashaanto cunto yaraanta caalamka saamaysay"
|
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle, xildhibaan Axmed Aw Cabdi Siciid iyo xildhibaan Nuur Rayaale Khayre oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa xukuumada u soo jeediyay inay u soo raaciyaan degmonimada wixii kale ee ah imkaaniyaadka ka dhiman sida biyaha iyo miisaaniyadaa waxsoo saarka loo qoondeeyay qayb ahaan wixii ay xaq u yeelato, iyaga oo aan fariintaa oo kaliya kaga hadhi doonin balse xukuumada ku dabagali doona, waxa kale oo ay ka dhawaajiyeen in iyaga oo ku hadlaya bulshada degmada Magaalo cad ay balan qaadayaan inay buuxin doonaan dhamaan shuruudaha loogu aqoonsanayo degmonimo buuxda.

Badhasaabka G/awdal ayaa isna ugu hambalyeeyay bulshada deegaankan degmada cusub ee loo magacaabay oo looga baahan yahay sidii ay u hanan lahaayeen iyaga oo ka dheeraanaya waxkasta oo dib u dhigi kara oo ka reebi kara tartanka degmooyinka cusub ee la magacaabay u gali doonaan xaqiijinta himiladooda, waxa kale oo uu kala dardaarmay inay xidhiidh wanaagsan iyo isdhexgal dhinaca ganacsiga ah la sameeyaan dalka Itoobiya oo hada xidhiidh wanaagsani.

Afhayeenka xisbiga Ucid Xasan Xuseen ayaa isaguna halkaa kaga dhawaaqay in magaalocad ay mucaarid iyo muxaafidba degmadoodii tahay cidkastaana u madax banaan tahay inay taladeeda ku darsato isaga dhinaca kalena ku hambalyeeyay xukuumada magacaabida degmooyinka iyo gobolada maamulka hoos loogu daadajinayo oo ka mid ahayd qorsheyaashii xisbiga Ucid una arkaan in laga bililiqaystay. Waxa kale oo uu halkaa ku gudoonsiiyay kooxdii qabanqaabada munaasabadan afar kooxood dirayskoodii iyo kubadohoodii oo uu sheegay in xisbigu ugu deeqay ciyaartoyga degmada cusub ee Magaalocad si ay uga faaiidaystaan tartamo iyo diyaargarowga tartanka koobka degmooyinka Jsl ee dhawaan qabsoomi doona.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay wasiirka macdanta iyo biyaha Qaasin Sh Yuusuf, wasiirka Beeraha Aden Axmed Cilmi[dhoolayare],wasiirka xidhiidhka golayaasha Cabdi Xasan Buuni,wasiirka dib u dejinta Abshir Axmed Xasan, wasiirka dalxiiska C/risaaq Waabari, suldaan Ibraahin Jaamac Samatar,Suldaan C/raxmaan Dhawal, Caqil C/laahi Cali Xuseen,Caaqil Daahir Xasan Xaddi, Caqil Ismaaciil Muumin, Xaaji Maxamed Jibriil iyo xubno kale.

Dhinaca kale Maxamed Sh Xuseen Abraar oo ka mid ahaa gudida qaban qaabada ayaa munaasabadaa ka dib waxa uu uga mahadnaqay ka soo qaybgalkii munaasabadan ee waftigii xukuumada iyo bulshadii kale ee meelwalba isaga timid isaga oo xusay in sidii ay filayeen si ka wanaagsan ay u dhacday munaasabada wanqalka degmada Magaalocad isla markaana uu rajaynayo in dadka reer Magaalocad ay isku tashan doonaan isla markaana ay xaqiijin doonaan waxkasta oo looga baahan yahay si ay u helaan aqoonsi buuxa oo degmanimo.

Cabdirahmaan Mahamed Habane
Boramanews.com Borama

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye