Borama(Bnn)-
Wafti uu hogaaminayo Axmed Cabdi Xaabsade oo kasoo
jeeda beesha Dhulbahantee ee Gobolka Sool ayaa
kusugan magaalada Borama ee Gobolka Awdal
Waftiga ayaa soo dhaweyn balaadhan loogu sameeyey
hoolka Jaamacada Camuud halkaas oo ay kula kulmayn
waxgaradka kasoo jeeda Gobolka Awdal.
Waftigan oo ka kooban siyaasiyin iyo salaadin ayaan
la garanyn ujeedadooda dhabta ah ee ka dambeysa
safarkooda Borama, ayaa sheegay inay usocdaan arimo
ku saabsan horumarinta bulshada oo ay ka mid tahay
Jaamacada Camuud, dhinaca biyaha iyo ganacsiga si ay
iskooga kaashadaan labada gobol.
Dhawr jeer oo aan isku daynay inan wax ka weydiino
ujeedada safarkooda waxay ku gaabsadayn arimo bulsho
oo kaliya, balse ilo kale ayaa shegaya inay u
socdaan taageero ay u raadinayaan Axmed Cabdi
Xaabsade oo lagu wado inuu ka mid noqdo golaha
guurtida somaliland si marka dambe loogu badalo
Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Saleeban Maxamuud Aadan
oo isagu mudo dheer dibada ku maqnaa arimo caafimaad
awgeed.
ilaa hadaaya ma jiran warar madax banan oo
muujinayaa xogahaasi balse dhaqdhaqaaqa siyaasadeed
ee ka jira Hargeysa ayaa sheegaya in ay jiraan
siyaasado ku lidi ah gudoomiyaha guurtida Saleebaan
Gaal si booskiisa loogu badalo Xaabsade, tasina bay
leeyihin waa sababta Waftiga reer Laascaanod u
tageen Borama si ay taageero ugu helaan ololahooda
ku aadan gudoomiyenimada Guurtida.
dad badan oo siyaasada indho indheeya aayaa ugu dhag
taagaya Safarta Xaabsade iyo waftigiisu ku tagayn
Borama, iyadoo dadka Hargeisa ku nooli ay qaarba si
u sharaxayaan,
Waftiga ayaa intuu joogay la kulmay siyaasiyinta,
aqoonyahanada iyo waxgaradka Magaalada Boorama.
Borama News Network
Hargeysa Office