Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Tacshiirad kala duwan oo xaley ka dhacdey gudaha magaalada Boosaaso

           (Updated:-Fri.09.May.2008)

Boosaaso(Bnn)rasaas kala duwan oo aan si buuxda loo ogeyn waxyaabaha keenay iyo cida ay dhexmarayso ayaa caawa laga maqlay qaybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Rasaastaasi oo si teel teel ah u dhacdey ayaan la ogeyn khasaaraha dhabta ee ay geysarey iyo ujeedada ka dambeysa, waxaase ay ku soo aadaysaa iyadoo habeenkii labaad hawlgalo baaxad weyn ay wadaan ciidamada Booliiska iyo kuwa Daraawiishta oo taageeraya.

Hawlgalan oo si buuxda xaley u bilowdey ayaa lagu doonayaa in lagu xaqiijiyo amaanka guud ee magaalada Boosaaso oo maalmihii ugu dambeeyey faraha ka sii baxayey.

Lama oga ilaa iyo hada khasaaraha dhabta ee ka dhashey rasaasta caawa la maqley iyo ujeedada ka dambeysa.

Isku day aan ku doonay inaan kula xiriirno masuuliyiin ka tirsan laamaha amaanka iyo maamulka si aan wax uga waydiino xaaladaha taagan ayey inoo suurtagali waydey inaan helo masuuliyiintaasi, iyadoo ay u muuqatey in masuuliyiintaasi ay ka gaabsanayaan arimahaasi inay xiligan ka hadlaan.


BNN International News Disk
 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye