Boorama(Bnn)Xaflad
balaaran ayaa shalay galinkii dambe ka dhacday
hotelka Rays ee magaalada Borama, taasoo qeybta
Nurse-ga Jaamacada Camuud lagu wareejinayay deeqo
lacageed oo ay soo direen qaar kamid ah gabdho
gobalka u dhashay oo ku dhaqan dalalka Brittan iyo
Talyaani.

Xafladaani ayaa waxaa kasoo qeyb galay Maamulka
Shirkada Isgaarsiinta Telesom ee G/Awdal, Jaamacada
Camuud qeybta Nurse-ga iyo Maamulka Xawaalada
Dahabshiil ee Borama.
Maamulaha Shirkada Telesom ee gobalka Awdal Mudane
C/qaadir Aadan Nuur oo deeqdaasi lacageed lagu soo
hagaajiyay ayaa ka hadlay xafladaasi, waxuuna
sheegay inuu maanta aad ugu faraxsan yahay inuu
deeqdaan si wanaagsani ugu wareejiyo dadkii loogu
tala galay.

C/qaadir waxa uu sheegay in bulshada Awdal ee
Caalamka ku dhaqani muddooyinkii ugu dambeeyay
fahmayeen waxtarka gobalka u leeyahay iyagoo ka qeyb
galay dhowr mashruuc oo waxtar u ah gobalka laguna
hormarinayay Caafimaadka, Waxbarashada iyo
Waddooyinka gobalka Awdal.
Waxa uu xusay in $926 Dollar ay soo direen gabdho
kamid ah Jaaliyada gobalka ee London gaar ahaan
Towtr Hamnets, halka $700 Dollar ay soo dirtay gabar
degan Talyaani iyadoo $100 uu ku deeqay wiil kamid
ah dadweynaha gudaha Borama ku dhaqan oo is
xilsaaray horumarka gobalkiisa dhinaca Waxbarashada.

C/qaadir Aadan Nuur ayaa deeqdaan lacageed gacanta
ugu shubay Drs. Faadumo Xaaji Abuubakar oo kamid ah
Dhaqaatiirta wax ka dhigta qeybta Nurse-ga ee
Jaamacada Camuud isla markaana hormuudka u ah
arrimaha Caafimaadka gobalka.
Waxa ay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay
deeqdaan lasoo gaarsiiyay, taasoo ay sheegtay inay
ku qaban doonto waxyaabo badan oo iminka ka dhiman
Nurse-ga.
Waxa ay sheegtay inay baahi weyn ka jirto qeybta
Nurse-ga gaar ahaan waxyaabaha ay ardayda ku
Practice-gareynayaan oo laga helin Borama, isla
markaana balan qaadyo dhawaan u sameysay Hay’ad
taasoo keeneysa qalab ardayda wax ku bartaan oo
$100.000 Dollar ku baxeysa.
Waxa ay sheegtay in qeybta hore ee Ardayda yihiin 40
Arday, qeybta labaadna 20 Arday kuwaasoo aad u jecel
inay wax ka kororsadaan Jaamacada Camuud oo noqotay
Jaamacada ugu horeysa Somalia ee qeybtaan dalka
keentay.
“Dalka Canada ayaan ugu soo tagay sidii aan
bulshadeyda gobalka Awdal waxii aan soo bartay ugu
faa’iideyn lahaa, Al-xamdulilaah iminka waxaa ii
muuqda inaan hadafkeyga gaaray waloow ay baahi
dhinaca qalabka waxbarashada ay jirto, hadii taasi
la helana aan filayo inay wax weyn kor u qaadi karto”
ayay tiri Drs. Faadumo Xaaji Abuubakar.
Sidoo kale, Xafladaasi waxaa ka hadlay Wakiilka
Shirkada Xawaalada Dahabshiil ee Borama Mudane
Ismaaciil Riiraash oo aad usoo dhaweeyay deeqdaan la
gaarsiiyay maamulka qeybta Nurse-ga ee Jaamacada
Camuud.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay Jaaliyadaha
Awdal ee Caalamka ku kala firarsan inay indhaha ku
hayaan gobalka isla markaana kaalin weyn ka qaataan
howlaha lagu hormarinaayo gobalka gaar ahaan
Waxbarashada.
“Waxbarashada waa wax waajib ku ah qof kasta inuu
wax barto, waayo Caalamka waxuu ku kala hormaray
Waxbarashada sidaasi darteed baan ugu faraxsanahay
deeqdaan qeybta Nurse-ga Camuud maanta lasoo
gaarsiiyay” ayuu yiri Riiraash.
Si kastaba ha ahaatee, Maamulaha Shirkada Telesom ee
G/Awdal C/qaadir Aadan Nuur ayaa inta badan u
danqata arrimaha gobalka, isagoo lagu xasuusto inuu
arrimo badani soo fakiray gaar ahaan dhismahada
Wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo iminka loo
sameeyay Urur ARNA la yiraahdo oo dhismaha wadadaasi
ka qeyb galaya.
C/qaadir ayaa inta badan waqtigiisa ku dhumiya
latashiyo uu la sameeyo Ganacsatada gudaha Borama ku
dhaqan iyo Jaaliyada dibadaha isagoo ka dhaadhiciya
sidii ay gacmaha is qabsan lahaayeen isla markaana
gobalkooda u horumarsan lahaayeen.
C/qaadir ayaa inta badan jecleyn in lagu ammaano wax
qabadkiisa ku aadan gobalka, isagoo jeebkiisa ka
dabara inta badan howlaha loogu soo baahdo ee
horumarka gobalka ku aadan.
Isku soo duuboo, Gobalka Awdal ayaa waayadii ugu
dambeeyay ka socdeen howlo horumarneed taasoo ay
wadeen Ganacsatada gudaha gobalka ku dhaqan iyo
Jaaliyada dibadaha ku dhaqan oo go’aansaday inay
gobalkooda horumarsadaan.
AbdiAziz Mohamed Elmi
Email: xaaji7777@hotmail.com