 |
|
|
Sheekh Shariif Sh Axmed waa Guddoomiyaha
Isbaheysiga Dib u Xoreynta |
Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya
Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo wareysi siiyay Laanta
Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu shaaca ka
qaaday in aysan wada hadal ah la yeelaneynin
Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shiikha ayaa sababta aysan ula hadleynin Dowladda
Federaalka Soomaaliya waxaa uu ku sheegay iyadoo
aysan dalka dowlad ka jirin sida uu u yiri, isla
markaana ay dalka Soomaaliya Ciidamo Itoobiyaan ah
ku sugan yihiin.
“Annagu ma aaminsanin in ay Dowlad ka jirto
Soomaaliya, waxa kaliya oo aan ognahayna waa in
ragga Dowladnimada sheeganaya ay yihiin
daba-dhilifyo u adeega Itoobiya oo dembiyo dagaal
galay, kuwaasi oo ay tahay in Maxkamad la
hor-geeyo”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Mar la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd waxa ka
halaabaya haddii ay la fariistaan Dowladda
Federaalka Soomaaliya, waxaa uu sheegay in ay taasi
noqoneyso in ay aqoonsadeen Dowladda Federaalka,
ayna sharciyeeyeen joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee
dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay la fariisteen dad
dembiy dagaal galay.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa mar sii horeysay oo
uu ka qeybqaadanayay Barnaamijka Falanqeynta Jimcaha
ee BBC-da ka baxa waxaa uu rajo wanaagsan ka
muujiyay in uu dhici karo kulan dhexmara dhinacyda
isku haya Soomaaliya, isagoo weliba ka dhawaajiyay
in ay lagama maarmaan tahay in xal diblumaasiyadeed
loo helo dhibaatada Soomaaliya ka taagan.
Hadalka Shiikh Shariif ayaa wuxuu ku soo beegmayaa
iyadoo maanta la filayo in uu dalka Jabuuti ka furmo
kulan ay isku soo hor-fariisinayaan Guddi min 7
Xubnood ah oo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo wada
hadalkaasina uu yahay mid ay dhexdhexaadineyso
Qaramada Midoobay oo dhawaanahan dadaal weyn ugu
jirtay sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda
Soomaaliya.