Hargeysa (Bnn)- Kulan afar
geesood ah, oo lagu wado in lagu dhexdhexaadinayo,
laguna faaqidayo khilaafaadka ka dhashay
muddo-kordhintii golaha guurtida iyo sida laga
yeelayo marka la gaadho dhamaadka waqtigii xilka loo
doortay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee 15 May,
ayaa la rajaynayaa in maanta laysku soo
hor-fadhiisiyo saddexda xisbi-qaran iyo xukuumadda,
sida ay tibaaxeen warar xog-ogaal ah oo aanu ka
helay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.
Sida ay illahaasi tibaaxeen,
kulankan afar geesoodka ah, waxa loo ballansan yahay
inay isugu yimaadaan 17 xubnood oo kala ah; Afar
xubnood oo xisbiga Kulmiye ka socda, afar ka socda
xisbiga Ucid, afar ka socda xisbiga Udub, afar ka
mid ah xubnaha wasiirrada ay xukuumadu u xilsaartay
hawlaha dhexdhexaadinta iyo Guddoomiyaha Gollaha
Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),
oo isu xilsaaray hawsha dhexdhexaadinta
khilaafaadyada siyaasadeed ee xilligan taagan. Isla
markaana, warku wuxuu intaa ku daray in guddoomiyaha
wakiillada ay dhexdhexaadinta kala qaybqaadanayaan
Akadeemiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland. Warku
wuxuu intaa ku daray, in kulankan la qorsheeyay in
dhinacyada siyaasadda iskaga soo horjeeda uu mid
kastaaba dooddiisa ku soo bandhigo, isla markaana
lagu lafo-guro arrimaha ilaa hadda laysku mari
la'yahay.
Tibaaxuhu waxay iftiiminayaan in
werwer badan oo laga qabay go'aan qaadashada
Xisbul-xaakimka Udub awgeed lagu adkaystay in
dhinaca xukuumada ay kulankan u metelaan afar ka mid
ah kooxda wasiirrada ah ee Madaxweyne Rayaale u
igmaday inay dhexdhexaadinta u metelaan dawladda. "Waxa
lagu adkeeyay in cidda go'aanku ka go'aa ay tahay
Madaxweynaha'e meesha ay yimaadaan wasiirradiisu,
balse aan lagu soo lug-goyn Udub." Ayuu tibaaxay mid
ka mid ah ilo-wareedyada aanu soo xiganay. Sidoo
kalena, xisbiga Udub kulankaa waxa la go'aamiyay
inuu xisbi ahaantiisa halkaa ku tago. Inkasta oo
dhexdhexaadinta la wado xoogga la saarayo sidii
loogu guulaysan lahaa natiijo laga gaadho
khilaafaadka haatan taagan, ayaa hadana sida ay
wararku tibaaxeen xukuumadda iyo Xisbiga Ucid waxay
u muuqdaan kuwo aanay afkaarahoodu kala fogayn marka
la eego dareemada ku wajahan geedi-socodka
dhexdhexaadinta, halka Xisbiga mucaaradka ah ee
Kulmiye, uu weli ku adag yahay mawqifkii ay hore
axsaabta mucaaradku sida wada-jirka ah u qaateen, ee
ay ku sheegeen inaanay aqoonsan doonin Madaxweyne
Rayaale wixii ka dambeeya 15 May oo waqtigii xilka
loo doortay kaga dhan yahay. Sidoo kalena, kulankan
maanta lagu wado in laysku soo hor-fadhiisiyo
dhinacyo siyaasadda ku kala fog, maxay noqon karaan
natiijooyinka ka soo bixi karaa, isla markaana rajo
intee le'eg ayaa laga qabi karaa in dhamaan
dhinacyada siyaasadu ku wada qancaan. Sababta oo ah,
waxay wararka qaarkood tibaaxeen in mucaaradka gaar
ahaan Xisbiga Kulmiye uu aad uga walaacsan yahay
sida Madaxweyne Rayaale ugu dhaqmi karayo
natiijooyinka halkaa ka soo baxa. Sidoo kalena,
warar xukuumadda wasiirrada dhexdhexaadinta uga
qaybqaadanaya ku dhaw-dhaw oo aanu helay ayaa
sheegay inay iyaguna dhinacooda ka rajo xunyihiin
sida ay heshiis ugala qaadan karaan khilaafaadyada
taagan Xisbiga Kulmiye.
Ka sokow, kulankan maanta, waxa
jira warar kale oo sheegaya inay kulan caawa isku
soo hor-fadhiistaan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin
iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo). Hase yeeshee, guud ahaanba ma
jiraan warar rasmiya oo arrintan la xidhiidha oo
dhinacnaba uu soo saaray.
Qarannews