Jabuuti(BNn):-Wasiirka
Arrimaha Dibada ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yusuf
ayaa sheegay in qaban qaabada wadahadalada
Soomaalida ee dalkaasi ka dhacaya uu marayo heer
gabo gabo ah.
Wasiirka ayaa sheegay in lagu wado
in ay halkaasi ku kulmaan wafuud ka kala socota
Mucaaridka Soomaaliya iyo Xukuumada DFKMG oo ku
sugan dalkaasi.
Shirka Jabuuti waxaa soo qaban
qaabiyey Qaramada Midoobay waxayna qeyb ka tahay
isku daygii ugu danbeeyey oo lagu doonayo in xal
loogu helo khilaafka siyaasaded iyo dagaalada ka
socda dalka Sookmaaliya.
Inkastoo dowlada Jabuuti wadamada
Carabta iyo waliba Qaramada Midoobay ay rajo
wanaagsan ka muujiyeen kulanka Jabuuti waxaase soo
baxay hadalo kasoo yeeray Kooxda Isbaheysiga Dib u
xoreynta Soomaaliya oo sheegay inaysan la kulmi
doonin Wafdiga xukuumada balse ay la kulmi doonaan
oo kaliya wafuuda caalamiga ah.
Arrintan ayaa laga yaabaa in ay
caqabad ku noqoto in wax heshiis ah lagu gaaro
magaalada Jabuuti halkaasi oo ay hada gaareen wafuud
ka kala socda Dowlada Somaliya iyo kooxaha kasoo
horjeeda