|
|
|
|
|
|
|
Borama:
Maamulaha Telesom oo deeq
lacageed gudoonsiiyay askari
gurigiisa gubtay, una
hambalyeeyay dadka gacanta ka
geysanaya dhismaha Madarasada
Imaamu Shaabidi.
+SAWIRO |
|
|
|
(Updated:-Sun.11.May.2008) |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Xaflad maanta ka dhacday xarunta
Shirkada Telesom ee magaalada Borama ayaa deeq
lacageed lagu guddoonsiiyay askari gurigiisa dhawaan
ku gubtay magaalada Borama.
 
Maamulaha Shirkada Telesom ee gobalka Awdal
Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa sheegay inay saaka
barqanimadii ay xafiiskiisa kusoo booqday Taliyaha
qeybta bariga isla markaana ugu waramay in askari
kamid ah saldhigaasi guri ku gubtay.
Cabdiqaadir waxa uu sheegay in askarigaan gurigiisa
oo dhami gubtay isla markaana Masaajidyada magaalada
oo dhan laga sheegay dadkana ku mashquulsan yihiin
sidii ay ugu kaalmeyn lahaayeen askarigaan u taagan
difaaca shacabka ee khasaaraha soo gaaray.
"Askarta waa saaxiibka dadweynaha, sidaasi darteed
waxaan ugu baaqayaa bulshada reer Borama kuwa gudaha
ku dhawan iyo Jaaliyadahaba inay askarigaan
dhibaatada xoogani ku dhacday gurigiisana gubtay ay
gacanta usoo fidiyaan" ayuu yiri Cabdiqaadir Aadan
Nuur.
Maamulaha waxuu sheegay in shirkada isha ay ku heyn
doonto askarigaan xaaladiisa, isla markaana dadaal
ay u gali doonaan sidii askarigaan dib u dhisan
lahaa gurigiisa oo gabi ahaanba gubtay.
Waxaa xafladaasi ka hadlay Taliyaha qeybta bariga ee
Borama waxuuna u mahadceliyay Maamulaha Telesom ee
Borama oo sheegay inay ka filayeen deeqda noocaan oo
kale ah.
Waxa uu sheegay inay saaka markii ay soo aadayeen
Telesom Borama filayeen inay deeq ka heli doonaan
maamulka shirkada oo mar walba u taagan taakuleynta
shacabka Awdal ee dhibaateysan gaar ahaan shacabka
danyarta ah.

"Cabdiqaadir Alle ayaan ajir ugu baryeynaa, waana
nin aad u wanaagsan xasuusna ku lahaan doona gobalka
oo dhan, waana nin mar walba ku dadaala gacan
qabashada danyarta" ayuu yiri Taliyaha qeybta bariga
ee magaalada Borama.
Dhinaca kale, Maamulaha Telesom ee gobalka Awdal
Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa u mahadceliyay
dadweynaha lacagta ugu deeqay dhismaha madarasada
Imaamu Shaabidi ee Taxfiidka Qur’aanka Kariim.

Waxa uu sheegay in nin Carab ah oo ku dhaqan dalka
Switzerland laguna magacaabo Cabdinaasir inuu soo
diray lacag gaareysa $300 Dollar, kaaso hore usoo
diray lacag gaareysay $500 Dollar.
Maamulaha waxa ugu baaqay dadweynaha gaar ahaan
Jaaliyadaha dibadaha ku dhaqan inay gacan ka
geystaan dhismahada Madarasada Imaamu Shaabidi oo uu
sheegay inay Aakhiro iyo Adduunka wax u tari doonto
kaalmo ay ka geystaan goob Diin Islaamka lagu
baranayo.
Si kastaba ha ahaatee, Maamulaha Shirkada Telesom ee
G/Awdal C/qaadir Aadan Nuur ayaa inta badan u
danqata arrimaha gobalka, isagoo lagu xasuusto inuu
arrimo badani soo fakiray gaar ahaan dhismahada
Wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo iminka loo
sameeyay Urur ARNA la yiraahdo oo dhismaha wadadaasi
ka qeyb galaya.
C/qaadir ayaa inta badan waqtigiisa ku dhumiya
latashiyo uu la sameeyo Ganacsatada gudaha Borama ku
dhaqan iyo Jaaliyada dibadaha isagoo ka dhaadhiciya
sidii ay gacmaha is qabsan lahaayeen isla markaana
gobalkooda u horumarsan lahaayeen.
C/qaadir ayaa inta badan jecleyn in lagu ammaano wax
qabadkiisa ku aadan gobalka, isagoo jeebkiisa ka
dabara inta badan howlaha loogu soo baahdo ee
horumarka gobalka ku aadan.
Maamulaha Telesom ee G/Awdal Cabdiqaadir Aadan Nuur
ayaa lagu xasuustaa sidii uu magaalada Borama ugu
soo dhaweeyay dadweynaha Soomaaliyeed ee kasoo qaxay
magaalada Muqdisho kadib markii ay halkaasi dagaalo
culus ku dhex mareen Dowlada KMG ah Somalia iyo
Mucaaradka.
Isku soo duuboo, Gobalka Awdal ayaa waayadii ugu
dambeeyay ka socdeen howlo horumarneed taasoo ay
wadeen Ganacsatada gudaha gobalka ku dhaqan iyo
Jaaliyada dibadaha ku dhaqan oo go’aansaday inay
gobalkooda horumarsadaan.
AbdiAziz Mohamed Elmi
|
|
|
|
|
|
|
|
|