Boramanews@gmail.com

          

           Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Faysal Cali Waraabe Oo Cadeeyay Mawqifkiisa Marka La Gaadho 15 May Oo Ku Eeg Shantii Sanno

           (Updated:-Sun.11.May.2008)

Hargeysa (Bnn)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku dhawaaqay in marka la gaadho 15-ka bisha May uu dhamaaday wakhtigii xukuumadda Hargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku dhawaaqay in marka la gaadho 15-ka bisha May uu dhamaaday wakhtigii xukuumadda madaxweyne Daahir Rayaale, wixii muddadaasi ka danbeeyana aanu jirin sharci u fasaxaya in ay shaqadeeda iska sii wadato, waxase uu xusay inaanay wax dhibaato ahi dhici doonin.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ka sheegay mar uu shalay ka hadlayay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 23 arday oo ka qalin-jabiyay dugso wax barasho oo lagu magacaabo Shifo. “Waxa inaga maqan dedaalkii dawladda, waanan ka xumahay in shantii sanno kaga dhamaatay, iyada oo meel qudha oo ay wax ka qabteen aanay jirin. Taasi waa nasiib darro waana khasaare ku yimid.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Mar uu ka hadlayay marka la gaadho 15 May oo ah maalinta ay ku eegtahay shantii sanno ee Madaxweyne Rayaale xilka loo doortay, waxa uu yidhi, “Walaal waxaan idiin sheegayaa 15-ka bishan May, haddii ALLE yidhaahdo waxa ku dhammaanaya muddadii dawladda, waxay ahay 16-ka May, marka ay bishu gaadho in madaxweyne cusub la doorto oo dib loo dhaariyo, lama gaadhin taas, xoogaa dib ayaynu u dhacnay.”

Md. Faysal, waxa uu sheegay in shantaas sanno ahayd shantii sanno ee Somaliland ugu nabadgelyo badnayd, “Shantaas sanno ee aynu maanta joognaana, shantii sanno ee Somaliland ugu nabadda badnayd ayay ahayd, wax qalaanqal ahi may jirin, wax rabshado ahina may jirin, wax ay inagaga dhamaatayna garan mayno, waxay inagaga dhamaatay bilaa-micne, xitaa waxaynu kari-kari-waynay in dalka aynu doorashooyin gaadhsiinno.”

Faysal, waxa uu shacbiga Somaliland u balan qaaday inaanay wax dhibaato ahi dhici doonin, 15 May, waxaanu yidhi “Horta mid ayaan idiin sheegayaaye wax dhibaato ah oo dhacaysaa ma jirto, waa la doodayaa uun. Waxaana lagu doodayaa uun, waar sidee ayaynu u sharciyaynaa dawladda wakhtigii wuu ka dhamaanayaaye, sidee ayaynu u meherinaa mar dambe way ka dhantahaye, oo dawladda wakhtigii wuu ka dhamaanayaaye, laakiin lays dilimaayo’e waa la xalaalaynayaa.”

Md. Faysal Cali Waraabe, waxa uu cadeeyay mawqifkiisa siyaasadeed ee ku waajahan marka la gaadho 15 May, oo ay Madaxweyne Rayaale kaga dhantahay, waxaanu yidhi, “Markaa waxaan idiin sheegayaa, anaggu waxaanu taaganahay mucaarad ahaan, waar sharci inoo banaani maanta ma jiro oo dawladdaasi iskaga sii wadato shaqadeeda, waxaanu jecelnahay Insha ALLAAHU tacaalaa in aanu taa ka dhamayno oo aanu taa idiinku bushaarayno, wax dhibaato ahina dhicimayso.”

Ugu dambayn Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayay hanjabaad dhawaan ka soo yeedhay xoghayaha guud ee UDUB, waxa uu yidhi “Madaafiicda uu sheegayo xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, inaga ayaa leh oo isla dhicimayno, waxaan jecelahay in aan markale u sheego oo ugu mahad naqo dadka halkan isugu yimdi, walaalayaal waxaanu jecelnahay dawlad gacanta idinku qabata oo inta aad qabateen inteeda idiinku darta in ILLAAHAY idin siiyo. Waxaan idiin sheegayaa oo aan markale idiinku bushaaraynayaa wax rabshad ah oo dalkeena ka dhacaysaa ma jirto, waynu wada tashanaynaa, bisinka ayaynu qabsanaynaa oo wax khayr qaba ayaa soo bixi doona insha ALLAAHU tacaalaa.”

Source: Wargeyska Geeska Afrika

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye