Boramanews@gmail.com

          

           Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Booqashada Wafdiga Gobolada Sool Iyo Sanaag Bari Ee Boorma Iyo Dareenada La Xidhiidha Booqashdooda

           (Updated:-Sun.11.May.2008)

“Ma Jiraan Arrimo Siyasadeed Oo Booqashadni Xambaarsantahay “Xubin Ka Tirsan Gudiga Jaamacadda Cammud

“Shacbiga Reer Soomaaliland Meel Kastay Booqan Karaan Ama Lagu Casumi Karaa “Badhsaabka Gobolka


Borama-(Bnn)-Magaalada Boorama ayaa weli waxa ku sugan wafdi ka kooban siyaasiyiin kasoo jeeda degaanada Sool iyo sanaag Bari oo u horkacayo siyaasiga caanka ee reer Sool Axmed Cabdi Xaasade kuna weheliyeen xubno kasoo jeeda degaanada Sanaag Bari ee Soomaaliland.

Booqaashadan oo la filayey maalintii khamiistii oo dib uga dhacday ilaa habeenkii ayaa sida la sheegeyo dareenno kala duwan ka dhex abuurtay qaybaha dadweynaha Boorama balse sida uu ii sheegay xubin ka tirsan Guddiga Jaamacadda Cammuud lana yidhaa Xaaji Axmed Miisaan ayaa la sheegeyaa inay booqashada wafdigani la xidhiidho iskaashi la xidhidha dhinaca waayo aragnimada maamul iyo horumarineed ee ka dhaxayn kara gobolada dalka isagoo xaajigu arrintaasi ka warramayana waxa uu yidhi”wafdigani waa siyaasiyiin reer Soomaaliland waxyna noogu yimaaddeen markii ay naga codsadeen inaan ka caawinno waayo aragnimada reer Boorama ku dhisteen ,jaamacadaha jidadka iyo horumarinta maamulka Biyaha,waxan maanta geynay jaamacadda cammuud,shirkadda Biyaha ee shaba iyo meelo kale oo ay is leeyihiin waxbay dadkooda ku nool gobolada ay ka yimaaddeen ugu faa’iideyn karaan.waxay nooga warrameen baahiyahooda dhinaca qalabka wabarashada iyo maamulada horumarinta waxan saaka u dirray buugaag iyo agab kale oo waxbarasho oo jaamacadda cammuudi u dirtay goboladaasi annagoo ugu dhiibnay siyaasiyiintoodan mana jiraan arrimo siyaasadeed oo ay nagusoo hadal qaadeeni annaguna shaqoba kuma lihin siyaasad”.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Sheekh C/Laahi oo qaddar kaddib markii uu kasoo baxay shir xog waraysi ah oo ay wada yeesheen isaga masuuliyiintaa ka socotay gobolada Sool Iyo Sanaag bari iyo madax dhaqameedyo reer Boorama ah oo an kulankoodaa saxaafadda waxba looga sheegin wixii kasoo baxay ayaa yidhi ” waa shay iska caadi ah in dadka reer Soomaaliland aanay kala qoqobnayn qofka sool joogaana iman karo Boorama .Annagu ka dawlad ahaan uma yeedhin balse dhinaca ururada rayidka ah oo ay jaamacaddu ka mid tahay way isdhaafsan karaan booqashooyin mana aha in laga sameeyo wax aan jirin “.

Inkastoo aanay wafdiga reer barigu booqashadoodan Boorama waxba uga sheegin saxaafadda isla markaana aad moodeysay inay iska dhawrayeen dareenno badan oo sababay inaysan ka muuqan goobaha martiyadu kusoo degto,sida Rays Huteel laguna marigeliyey guryaha rayidka balse qaar ka mid ah dadweynaha ayaa booqashoodan u haysta inay tahay mid siyaasadeed oo ay labadaa gobol ee darifyadu ku doonayaan inay iska bahaystaan beelaha dhexe ee Soomaaliland maadaama wakhtigan xasaasiga ah ee dalka uu ka taagan yahay muran siyaasadeed reer Awdal goboldaasi uga baahan yihiin taageero siyaasadeed oo la mid ah tii looga bartay dawladdii 1960kii .Dhinaca kale qaar ka mid ah dadweynaha ayaa sheegay inaysan wafdigan iyo reer Sool toona ku saamaxayn wixii ay ku sameeyeen Madaxweyne Rayaale wakhtigii uu booqashada ku tegey goboladooda kuwaasoo xabbad kala hor yimid wafdigii booqashadii Rayaale ugu tegay afar ama saddexano ka horsida darteedna ay wafdigani Boorama u yimaaddeen sidii ay reer Boorama uga raalligelin lahaayeen wixii wagaa dhacay bog cusubna loo furo xidhiidhkooda horumarineed.

Source Lughaya News

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye