Boramanews@gmail.com

          

           Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Boorama Iyo Munaasabada 18 May

           (Updated:-Sun.18.May.2008)


Borama-(BNN)-
Munaasibada Xuska 18 May 2008 ayaa waxa ay odaydhaqameedyadii ka soo qayb gashay isku waydaarsadeen hadalo guubaabo u badan kuwaasi oo ay ugu talo galsanaayeen inay dadka ku dardaaraan adkaynta nabadgalyada.halka ay Marwooyin ku hadlayay magaca haweenku tilmaameen inay Raggu wax badan oo xaq ah oo ay haweenku lahaayeen ay duudsiiyeen isla markaana ay iska indho tireen inay haweenku ka qayb qaataan talada dalka.


Suldaan Ibraahim Dacar Yuusuf oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay sida loogu baahan yahay in nabadgalyada ay Somaliland dunida u iibgayso la dhowro waxana uu tilmaamay in ay muqadas tahay oo looga baahan yahay 4 tii qof ee reer Somaliland ah ee meel ku kulantaba inay ka wada haldaan sidii nabadan aan New York oolin loo baxnaanin lahaa waxana uu amaanayay go’aankii ay dhawaan xukuumada iyo mucaaridku ku gaadheen in wada hadalo wax walba lagu dhameeyo.

Suldaan Baade o oa ka tirsan Salaadiinta G/Awdal ayaa isagun ku dardaaray Alla ka cabsiga iyo in la adkeeyo cabsida eebe waxana uu sheegay inay maalintani u tahay maalin wayn ummada reer Somaliland.waxa isaga oo suldaanku ka hadlaya arrimaha Siyaasada uu yidhi”Cidda aan dooranayno aan u eegno Cilmiga,Caqliga iyo dhowsanaanta sidaa aawadeed waxa waajib ah in aanaan cidna ku qiimayn Qabiil ee aan eegno yaa wax ummadan u qabanaya.”


Suldaan Cabdi Jaamac Dhawal oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay madashan fadhiyaan odoyaal Guurti ah oo taariikhdii dhalashada dalkan ka soo qaatay door muhiim ah,suldaanku waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la adkeeyo nabadgalyada maanta la hayo iyo midnimada Somaliland.waxa Suldaanku isaga oo arrimaha siyaasada ka hadlaya uu yidhi “Dalkeena waxa ku loolamaya dad wada dhashay oo isleh oo kursi kala jiidanay anaguna waxa la nalaga rabaa inaanu u garqaadno oo aanu garsoore ka noqoto isla markaana soo saarno cidda mudan in ay dalkan hogaamiso.”


X.Maxamed Axmed oo isaguna ka tirsan odayaasha golaha Guurtida ayaa ka gaban inuu tilmaamo inay guurtidu muhiim u tahay jiritaanka dalkan isla markaana ay odayaashu yihiin Gole sharci ah go’aanka ay gaadhaana uu yahay mid sharci ah,waxa uu tilmaamay inay 18 May ay timida markale ka dib markii 1960KII aanu ilduufan adkaysashadii Xorriyada,waxana isaga oo sii hadlaya uu yidhi “Waxa aan hubaa in khilaafkii dhexdeena yaal uu wada hadalkaasi ku dhamaaday sabobtoo ah reer Somaliland waxa ay ku caan baxeen inay khilaafaadkooda iyagu xalistaan.”.


Xaawa Rooble Cidheere oo ku hadlay Magaca Haween Waynaha Awdal ayaa waxa ay tilmaantay in haweenku ay kaalin muhiim ah ka soo qaataan halgankii dalka waxana ay intaasi daba dhigtay in Dastuurka dalku uu yahay mid ka garbo duubka u xidhay Haweenka oo isla markaana Xaqoodii aasaasiga ahaa aanu ku qornayn waxana aanay tidhi “Maxaa kaanay in Dastuurkii dalkeena laga waayo xaqii ay Marwadu lahayd.”.

Marwo Xaawa iyada oo hadalka sii wadata ayaa waxa ay tilmaantay in dalka maadaana oo ay Raggii ka dhago adaygeen inay talada Haweenka ka qayb galiyeen ay iyagu ku heshiiyaan oo aanay ku kala tagin waxa aanay tilmaantay in loo baahan yahay in wax walba foojignaan iyo fiirsasho loo sameeyo.
Marwo Xaawa iyada oo si dadban ula hadlaysa Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa waxa ay tidhi “Dhaqankeena Somaliyeed way ka madhnayd in marwada la aflagaadeeyo,Aflagaadadaasina waa mid inta badan ka soo yeedha Mucaaridka waxaanan leenahay halaga waantoobo oo Marwada Somaliyeed waxii uu dhaqan ahaa haloo xeeriyo.”.

Si kastaba ha ahaatee Oday dhaqameedyadii munaasibadan ka hadlay ayaan wax jawaab ah ka bixin inay damaanad qaadayaan wax ka qabashada cabashooyinkaasi ay Haweenku soo jeedinayaan waxana ay gabi ahaantooda Carabka ku adkeeyeen Arrimaha Siyaasadda iyo sugida Nabadgalyada


Xisbiyada siyaasada ayaa iguna goobtaa ka hadlay oo
-Xafladaas oo aadka u balaadhanayd oo lagu xusayo munaasabada sanadguuradii 18aad ee maalintii xoriyada dib u heshay Somaliland ayaa lagu qabtay fagaaraha khayriyada ee magaalada Boorama, munaashanadan ayaa waxa ka soo qayb galay Gudeemiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Gudoomiyaha gobolka Awdal, Musharaxa Madaxwayne Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Ismaaciil Muumin, Gudomiyaha Golaha Degaanka, Salaadiin,odayaal ka tirsan golaha Guurtida,Haween,Arday iyo dadwayne aad u tiro badan .


Munaasibadan ayaa ciidamada qalabka sida iyo kuwa Booliska iyo Asluubtu ay soo bandhigeen gaardi socod ah oo ay ka soo bilaabeen Xarunta dowlada hoose ee magaalada Borama isla markaana ku soo gaadhen goobtii Khayrida Magaalada Borama halkaasi oo ay salaam sharaf ku siiyeen madaxdii madasha fadhiday.Ciidamadan Salaanta bixinayay ayaa waxa ay ahaayeen kuwa kaliya ee dadwaynaha badi goobta yimid usoo daawasho tageen isla markaana u riyaaqeen isla helidooda gaardida iyo dhawaqa kala duduwan ee afka ka leeyihiin wallow ay u muuqdeen inaanay baryahan dambe helin tabobaro ku wajahan dhinaca gaardida.


Kooxo dhalinyaro ah oo iyaguna soo bandhigay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka kuwaasi oo muujiyay inuu gobolkani leeyahay taariikh soo jireen ah oo dhinaca fanka ah isla markaana ku muujiyay sida ay u taageersan yihiin jiritaanka xukuumada Somalilan,dhanka kalena munaasibadan oo ku soo beegantay waqti ay dugsiyada waxbarashada ee dalku fasax yihiin isla markaana ardayda ayaa waxa ay ka qaadatay door muhiim ah waxana ay soo bandhigtay sida ay u yihiin ardaydu cudud laxaad leh oo ka tirsan da’ayarta soo koreysa ee dalka.


Gudoomiyaha Waxbarashada G/Awdal Prof Daahir Maxamuud Xadi ayaa tilmaamay inay maalintani ahmiyad gaar ah u leedahay ardayda iyo bahda waxbarashada waxana uu sheegay inay wasaaradu horumar ku talaabsatay sidaa aawadeed uu horumarkaasi ku yimiday helitaankii dal madax banaan oo ay dadkiisu maamulaan,kaasi oo la helay 18 May 1991.
Ku simaha duqa magaalada Borama Muumin Gadiid Cumar ayaa u mahad naqay gabi ahaanba dadwaynihii madasha iskugu yimid iyo madaxdii ka soo qayb gashay munaasibadan waxana tilmaamay in ay aad ugu faraxsan yihiin inay munaasibadan kala soo qayb galaan masuuliyiin ka tirsan Axsaabta mucaaridka iyo Golaha guurtida waxana uu dadka reer Awdal ugu baaqay in ay nabada dhowraan.


Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige ayaa isaguna si wayn ugu mahadnaqay Eng.Faysal Cali Waraabe waxaana uuna tilmaamay inay munaasibadani tahay maalin ciid ah sidoo kalena uu hambalyo u diray Gabi ahaanba shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaanba.


Sidoo kale Xoghayaha dowlada Hoose C/risaaq Cali Cismaan ayaa tilmaamay inay munaasibadan qabanqaadabadeeda kala qayb qaateen wasaarada Waxbarashada shariikadaha isgaadhsiinta,Shariikadaha Laydhka iyo shaqaalaha dowlada Hoose kuwaasi oo uu mahadnaq usoo jeediyay.


Munaasibadan oo ay dadwayne faro badani ka soo qayb galeen ayaa waxa ay dadku u muuqdeen kuwo sugaya khudbada Eng.Faysal Cali Waraabe oo ay waxbadan magaciisa ka maqlaan Idaacadaha waxana aanay manta munaasibadani ku soo began tahay wakhti uu heerkulku aad u sareeyey.Waxaanu Faysal aad ugu hadlay waxyaabaha taagan hada ee ka jira dalka waxaanu yidhi reer Booramow hadii uu Riyaale na dulmayo naga qabta oo hangu eegina waxaan madasha ka muuqatay in Faysal Cali waraabe taageero xoogan ku lee yahay gobolka Awdal, halka lagaga oriyey masuuliyiintii ka soctay Xisbiga Kulmiye

Borama News Network (Bnn)
Hassan Issa ..Borama

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2008 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye