Boramanews@gmail.com

          

           Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Xuskii 18may iyo South Africa .. Cape-town

           (Updated:-Sun.18.May.2008)

Waxa habeenkii xalay lagu qabtay magaalada cape town ee dalka koofurta Africa xuska sanad guuradii 17 aad  ee ka soo wareegay dib ula soo noqoshadii qaranimada Somaliland .

Xafladan   oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay isla markaana  ay dadwayne tiro badani ka soo qayb galeen , dadwaynahaas oo ka kala yimid guud ahaan dalka koonfurta Africa gaara ahaana magaalada cape town iyo nawaaxigeeda , hadaba waxa xafladan  soo qaban qaabiyey  dhamaan   jaaliyada reer Somaliland ee  ku dhaqan dalkan koonfurta Africa{south Africa } gaar ahaana magaalada cape town .

 

Xuska xaflada oo ku bilaamatay jawi aad u wanaagsan kaasi oo farxad galiyey dadwaynihii ka soo qayb galay sobabta oo ah marka la eego cimilada wadankan gaar ahaan gobalkan western cape oo inta badan lagu yaqaan gobal aad u rooban bilaha may ilaa iyo ogosto ama bisha shanaad ee sanadka ilaa iyo bisha sideedaad ee sanadka qofkaba  sida uu u yaqaan .

Abaaro 11:00 pm fiidnimo  wakhtiga dalkan koofurta  Africa  ayaa  waxa sidii loogu talo galay bilaamay  xaflada 17 MAY , halkaan oo ay ka soo qayb galeen  , culumo awdiin , dhaliyaro , faaniinta kooxda riyaaq, iyo bulshada ra'yidka ah.

Xafladan oo lagu soo bandhigay  heeso cusub iyo kuwo horaba iyada oo ay garab socdeen majaajilo iyo maaweelo isla markaana aad u raali galiyey dadwaynihii ka soo qayb galay .

 Fanaaniinta kooxda riyaaq oo ahaa hormoodka qaybta fanka iyo suugaanta , si wayna uga qayb qaatay qaybta uu fankeenu caanka ku ahaa sida heesaha wadaniga ah , majaajilooyinka iyo maaweelaada intaba.

 

Fanaaniinta kooxda riyaaq oo kala ah.

 

1.     Abwaan cabdi samad xaaji ducaale qambi{ gudoomiyada kooxda riyaaq}

2.     Cabdi salaan big show

3.     Fadxiya ahmed muxumed

4.     Cabdi qaadir dahiye macow.

5.     Mukhtaar xuseen habane 

6.     Xuseen abuukor sheikh { ceejiye}

7.     Faadumo maxamed xiiray

8.     Aamina xasan jaamac

9.     Hodan maxamed faandhe

10. Islaw abuukar islaw

11. Mukhtaar abdilaahi diirye { fiyoore}

 

 

Waxaa sidoo kale ma mid ahaa dadwaynihii ka soo qayb galay xafladan , isla markaana ahaa qab-qaabiyayaashii xafladan KAYSE MURSAL MUXUMED { AWLIYO },

Hadaba mar aan waysi gaaban la yeeshay awliyo waxa uu ii sheegay in ay xalfadani tahay midi ugu horaysay ee noocan ah laguna qabto markii ugu horeeyey magaaladan cape town, sidoo kale mar aan waydiiyey cida ka qayb qaadatay ama bixisay kharash ka lagu hawlgalay waxa uu ii sheegay mudane KAYSE in ay bixiyeen dhamaan jaaliyada reer somaaliland ee degan gobalkan western cape gar ahaana ayuu yidhi magaaladan cape town ,

Sidoo kal mar iyaga wax laga waydiiyey mudane KAYSE  qaabka ay u dhacdhay xaladu waxa uu sheegay , in ay u dhacday si wanaagsan iyada oo ku dhamaatay farxad iyo dhamaashaad.

Ugu danbayntii mar aan wax ka waydiiyey mudane KAYSE su'aasha ah

Maxaad u rajaynaysaa shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan , waxa uu yidhi

Waxa aan u rajaynayaa nabad , barwaayo  , iyo ilaalinta mustaqbalka dalkeena iyo dadkeenaba taasi oo ayuu yidhi KAYSE muhiimada ugu horaysa ee lagu gaadhi karo guusha iyo horumar waara.

 

Waxa isna ka soo qayb galay sheikh xuseen  muxumed { shimbir} oo ka mid ahaa culumadii ka hadashay madasha xafladu ka dhacday isaga oo sheegay in ay tahay muhiimada iyo la ilaaliyo mustaqbal dalka iyo dadkaba lagu ilaa liyo shareecada diinta islaamka .

Sidoo kale dhamaan dadwanihi ka soo qayb galay xafladaas waxa ay hambalyo iyo rayn rayn u dirayaan dhamaan shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan  gaar ahaana

Madaxwaynaha mudane DAAHIR RAYAALE KAAHIN

Iyo MARWADIISA  HUDA BARKHADA AADAN

Labada golo GOLAHA GUURTIDA IYO GOLAHA BAARLAMAANKA

 

Axsaabta siyaagia ah XISBIGA KULMIYE , UCUD, IYO UDUBA.

 

 

 

 

HAMBALYO SOMALILAND 17 May 18, 2008

WARIYE  maxamed ali husien { zidani}

 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2008 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye