Hargaysa (Bnn) Deeq
bixiyayaasha caalamiga ah ee Somaliland ka tageera
arimaha Doorashooyinka ayaa warsaxafadeed ay soo
saareen ku sheegay inay hakiyeen kharashaadkii ay
ugu talo galeen hirgalinta barnaamijka Diiwaan
galinta codbixiyaysha doorashoyinka Dalka.
Qoraalka warsaxaafadeedkaasi waxay deeq bixiyayasha
caalamiga ah ee Somaliland Saaxiibka la ahi ku
xuseen in ay bixin karayaan kharashkii doorashada
lagu qaban lahaa iyo inay dib u fasaxayaan lacagta
ay hakiyeen ee diiwaan galinta marka ay dhinacyada
is hayaa ay ka helaan qoraal rasmiya ee qeexaya waxa
lagu heshiiyay taasi oo ka dhigan in ay u baahan
yihiin inay is afgartaan dhinacyada is hayaa.
waxa kale oo ay deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee
tageera Somaliland xuseen in loo baahan yahay
Komishan dhex dhexaad ah oo loo dhan yahay isla
markaana cadaalad dadka ugu garsoora.
qoraalkooda ay soo saareen gudida farsamo ee deeq
bixiyayaasha Caalamiga ah oo fadhigoodu yahay
magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa u qornaa sidan:-
“Gudida farsamo ee deeq-bixiyayaasha ee taageera
habka Dimuqraadiyada Somaliland oo kala ah, Norwey,
Britain, Sweden, Denmark, United States Of America
iyo Commision-ka midowga Yurub, waxay Komishanka
doorashooyinka, Xisbiyada Siyaasada, dawlada iyo
bulshada Somaliland la socod siinayaan qodobadan:
1. Deeq-bixiyayaashu waxay ka niyadjabeen dib u
dhigista doorashooyinka, iyada oo aanay jirin wakhti
la isku raacay oo loo mudeeyey in la qabto
doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, Madaxtooyada
iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha.
2. Komishanka doorashooyinka oo
aanay xubnihiisu dhameystirnayn, isla markaana
dheeli tirnayn.3. Marka la eego Siyaasada, Farsamada
iyo Sharciga deeq-bixiyayaasha uma suurtagalayso
inay sidaas ku maalgeliyaan hawsha diiwaangelinta
codbixiyayaasha.
4. Deeq bixiyayaashu si kastaba ha
ahaatee waxay diyaar u yihiin inay sii wadaan
taageeradooda la xidhiidha hab nabadeedka iyo
dimuqraadiyada Somaliland, laakin taasi waa haddii
la helo –
- Haddii ay dhameystirmaan xubnaha
komishanka doorashooyinku isla markaana ay noqdaan
qaar hawlkarnimo iyo dhexdhexaadnimo ku guta
hawshooda
– Haddii la helo heshiis lagu
mudeeynayo doorashooyinka oo qoraal aanu kaga helno
gudoomiyaha komishanka iyo hogaamiyayaasha sadexda
Xisbiga Siyaasadeed.”
Hadaba warkaasi ka soo baxay guddida farsamo ee ee
wadamada deeqbixiyayasha ayaa muujinaya in xaalada
doorasho ku qabsoomaysaa tahay mid adag oo u baahan
in laga baaran dego sidii loo dhamayn lahaa in wax
go’an lagu heshiiyo, hadii kale ay iman doonto
xaalad ka adag ta maanata la isku hayo oo ay
Somaliland kali ku noqon doonto doorasho aanay
tageyn wadamada deeqda bixiyaa.
Borama News Network
Hargyesa Office