Boramanews@gmail.com

          

           Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

“magacaabista daahir rayaale ee gobalada iyo dagmooyinku maxay ku kordhin kartaa taagiirsta xisbigiisa kana ridi kartaa“ By maxamed ahmed kaahin

           (Updated:-Sun.18.May.2008)

Mudaharaad balaadhan ayaa maanta ka dhacay degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeisa
Mudaharaadka oo ay ka qayb galeen dad aad u farabadan tan uun maaha ee dhacdooyin faro-badan
oo kale ayaa ka dhacay dhamaan gobolada somaliland tan iyo intii uu madaxwayne rayaale magacabay
gobolo iyo dagmooyin cusub  iyadoo uu mudaharaad kii ugu waynaa oo sadex wiig ka hor ka dahcay magalada caasimada somaliland ee hargaysa  uu sababay inay dad ku naf waayaan.
 
hadaba magacaabista dagmooyinka iyo gobolada ee madaxwayne rayaale maxay ku kordhin kartaa taageerida xisbigiisa?
 
waxan odhan karnaa  tan iyo intii la magacaabay gobolada cusub  iyo dagmooyinka dhamaanba waxaa ka dhacay soomaliland faraxado iyo damaashaad iyo soo dhawayn lagu soo dhawaynaayo magacaabista rayaale iyo xaflado ay sameeyeen dadkii loo magacaabay gobalada ama dagmooyinka.
 
iyadoo aad moodo in ay tuulo walba  oo dagmo laga dhigay  ay gaadhay farxad iyo rayn-rayn halkaasina ay ka soo baxeen dad badan oo ku farxay magacabista madexwaynaha somaliland  aadna ugu faraxsan in ay heer gaadhi doonto dagmadoodu oo markii hore ahayd uun tuulo
 
sidoo kale waxaa iyadana la arkay  magaalooyin badan oo loo magacaabay magalo-madax gobol  halkaasina waxa laga  dareemayay mudooyinkii danbe in dalku  ku talaabsaday horuumar iyo is badal wayn oo horleh
oo ay u horseeday  xukmada daahir rayaale kaahin. 
 
sidoo kale waxaa jiira dad wayne farabadan oo iyaguna aad u cabanaaya lakiin aan soo gudbin dareenkooda ku wajahan in ay doonayaan in gobol loo magacaabo ama dagmo oo wali aamusan.
 
sidoo kale waxaa jira mudaharaado dhib iyo khasaaraba gaystay oo ka dhacay dalka mudooyinkii danbe
Dadka mudaharaadaya ayaa ka cabanayaa Xaq daro ay sheegayn inuu ku sameeyey madaxweyne Rayaale oo ay sheegayn in dadki kale u magacaabay Gobolo balse iyaga aan waxb gobol ah loo magacaabin isla markana ya doonayan in gobol loo magacaabo ama dagmo. ama se ay ku dayanaayaan magalo ay isku fac ahaayeen
markii hore oo hada laga dhigay caasimad gobol oo iyaguna raba in loo magacaabo.
 
si kastaba ha ahaatee magacaabista rayaale ee dagmooyinka iyo goboladu waxba ka ridi mayso taageerida xisbigiisa  taa waxaa daliil u ah .....
 
hal wiig ka hor Madaxweynuhu waxa uu gobol cusub u magacaabay (Hawd) oo ay   caasimadiisu noqoto ama magaalo madax ay u noqoto degmadda Bali-gubadle oo ah magaalo fac wayn oo taariikheed ku leh dalka, sidoo kale ayaa warsaxafadeedka madaxtooyadda lagu cadeeyay in magaacibta gobolkan uu madaxweynuhu go’aansaday iskii markii uu tixgaliyay codsiga uga yimiday Hogaan dhaqameedyadda iyo wax garadka dadka ku dhaqan degaanka Gobolkan Hawd, markii uu dhagaystay soo jeedinta codsigooda
 
halkaasi waxaa inooga cad oo uu ina barayaa madaxwayne rayaale in dad marka ay doonayaan
in wax loo fuliyo ama ay dan leeyihiin  waa in ay yidhaahdaan (please) (fadlan) iyagoo  soo gudbinaaya
dareenkooda iyo doonistooda gobol ama dagmo iyagoo muujinaaya sharaf iyo doonis tooda oo ay
waliba adeegsadaan hogaan dhaqmeedyaddooda iyo wax garadkoda iyo dadka ku dhaqan deeganka
doonaya in wax loo magacaabo oo si wadajira ugu gudbiya madaxwaynaha.
 
hadii ay taasi dhacdo waxaan aaminsanahay in uusan dheceen wax mudaharaada iyo wax dhiba toona
oo ama loo ogalaan lahaa  ama lagu qancin lahaa.
 
lakiin ciyaal yar-yar oo (jaad) waayay hadii ay qasaan dalka  oo ay idhaahdaan mudaharaad ayaan samaynaynaa iyagoo sobob uga dhigaaya in loo magacaabi waayay gobol waxan odhan lahaa waxba ka ridi mayso xukmada rayaale iyo shacbigiisa  marka laga reebo dhib ay soo gaadhsiinayan dad waynaha kale ee aan waxba galabsan iyo qalalaase yar, oo ay ka faa idaysanaayaan mucaaridku
 
si kastaba yaanay noqon ee waxan daahir rayale iyo xukmadiisa ugu mahad celinayaa magacaabista gobolada iyo dagmooyinka oo ay magacabeen intii karaankooda ahayd ee ay magacabi karaayeen iyagoo la tashaday dhaman wax garadka iyo aqooniyahaanada dalka intii ay karaayeena way magacaabeen.intii ka cabanaysa waxii ay xukmadu magacaabi waydayna  waxaan usoo jeedinayaa inay dar ilaahay ku samraan oo ay ka door bidaan nabada iyo wada shaqaynta dalkooda maadaama aanan wakhtigan xaadirkaaa la magacaabi karin wax ka badan 13 gobol Gobolkan cusub ee Hawd ayaa noqonaya gobolkii todobaad ee Madaxweynuhu magacaabo mudo laba bilood gudahood ah magacaabo kaas oo tiradda guud ee goboladda Somaliland-na ka dhigaya ama ku noqonaya kii 13aad ..
 
 
by
 
maxamed ahmed kaahin (sweden)
 
aftoox_boon@hotmail.co.uk

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2008 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye