Boramanews@gmail.com

          

           Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

 Qudbadii Madaxweyne Rayaale, Xuska 17 guurada Gooni isu-taageeda Somaliland

           (Updated:-Sun.18.May.2008)

Hargeysa(Bnn)- Munaasibadado balaadhan oo lagu maamuusayay 17 guurada ka soo wareegtay maalintii gooni-isutaaga Somaliland lagu dhawaaqay ee 18-kii May 1991-kii, ayaa maanta laga xusay guud ahaanba dalka Somaliland.Isla markaana maalintan 18-ka May oo sanad kasta si weyn looga xuso Somaliland ayaa sannadkan laga wada xusay gobolo aan hore looga xusi jirin, sida Gobolka Sooll.

Munaasibadan oo maalmihii u dambeeyay si weyn abaabulkeedu uga socday dalka Somaliland ayaa saaka lagu qabtay fagaarayaasha kala duwan ee dalka iyada oo ay isugu soo baxeen dadweyne tiro badan iyo Masuuliyiinta kala duwan ee Mucaaridka iyo Muxaafidka Somaliland, kuwaas oo yimi guud ahaanba fagaarayaasha kala duwan ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka. Hase ahaatee Magaalada Hargeysa, waxa saaka isugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xorriyada ee Dadweyne aad iyoi aad u tiro badan, oo shucuurtoodu aad u saraysay xuska maalintan awgii, isla marrkaana waxa kala qayb-galay dadweynaha Munaasibadan, Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ku Xigeenkiisa, Guddoomiyayaasha Golayaasha Baarlamanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada) Masuuliyiin ka kala socotay Axsaabta Mucaaridka iyo Masuuliyiinta kale ee Xukuumada, iyo sidoo kale Madax-dhaqameedyo kala duwan.

Waxa aad loo adkeeyay Amaanka Fagaarihii la isugu soo baxay ee Beerta Xorriyada, oo ay ku hareeraysnaayeen Ciidadamada qalabka sida ee Somaliland, gaar ahaan illaada Madaxtooyada.

Hase yeeshee, Xafladan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay, una socotay ayaa guud ahaanba ku bilaabantay jawi aad u degan, iyada oo sidoo kale ku dhamaatay kaa mid la mid ah. Waxa fagaarahaa dadweynaha kala hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo halkaa ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysa, oo uu kaga hadlay arrimo door ah, oo ay ka midyihiin khilaafaadyada siyaasadeed ee ka dhexeeya iyaga iyio Mucaaridka dalka Somaliland iyo dhinacyo kale oo badan.

“Somaliland ha noolaato, Somaliland ha guulaysato, somaliland ha horumarto iyo Illaahay ha inoo aqbalo waxa aan ka filayno Caalamka.” Ayaa ka mid ahaa hadaladii Madaxweyne Daahir Rayaale.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi Madaxweynuhu, “Maanta waa maalin wayn, oo waxaynu u dabaaldegaynaa oo aynu xusaynaa sannad-guuraddii 17-aad ee aynu la soo noqonay gooni-isutaageena, waana maalin taariikhi ah oo taariikh weyn u leh ummada Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, waxaanan aaminsanahay ninkii 1991-kii dhashay inuu qaan-gaadhay..”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay, in xuskani kaga duwan yahay xusaskii hore ee 18-nada May, in dalka oo dhan maanta laga wada xusay, “Maanta waxa ay kaga duwan tahay sannaddihii hore ee aynu xusji jiray. Waxa ay kaga duwan tahay dhamaan Somaliland Goboladeeda oo dhan ayaa laga xusayaa munaasibadan, guulaha ay ciidamadu gaadheen ee suuragaliyay inaynu xuduudaheenii iyo Goboladii inaga maqnaa ayaa ah ta keentay in meelo aan laga xusi jirin xuskan maanta laga xuso.” Sidaa ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.

Isla markaana waxa uu hambalyo u diray guud ahaanba shacabweynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibad, isaga oo u rajeeyay inay sanadka sannadkiisa ku gaadhaan guul iyo barwaaqo, “Waxaan halkan salaan iyo hambalyo uga gudbinayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland ee daafaha dunida iyo dalkaba ku sugan, mid xanuunsanaya, mid caafimaad qaba iyo mid danihiisa kale raacayaba.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Waxaanu ku dooday inay dawladiisu dedaal badan ka gashay sidii loo sugi lahaa Xuduudaha dalka iyo maamul fidinta, taasina ay tahay ta suuragelisay in maanta manaasibada 18-ka May laga wada xuso, guud ahaanba dalka Somaliland leedahay.

“Waxa astaan inoo ah midnimada Qaranka, wada-jirka dal ahaaneed iyo dad ahaaneed oo aynu ka wada shaqayno, taas ayaanaynu ku gaadhaynaa himiladeena dhaw iyo ta fog labadaba, taas ayaana ah ta aynu ku xusayno sannad-guurada 17-aad.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Daahir Rayaale.

Waxaanu shacabka somalilandd ugu mahad-naqay sugida nabadgalyada, oo uu sheegay inay aad ugu dedaalaan, foojignaan baddana ka muujiyaan, isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi “Nabaddgalyadu waa arrinta ugu mihiimsan, shacabka reer Somaliland waxaan aad uga mahad-naqayaa sida qiimaha leh ee ay markastiba nabadgalyada dalkooda ugu jeejigan yihiin ee ay ugu soo jeedaan. Bini aadamka Illaahay abuurtay waxyaabaha kale oo dhan way ku kala duwan yihiin, oo caafimaadka lama wada-wadaago, xoolaha lama wada wadaago, darajada lama wada-wadaago, ee waxa kaliya ee ummadu ay wada-wadaagtaa waa nabada, tiirkaa nabaduna waaka aas-aaska u ah horumarka ummad kastsa iyo qaran kasta oo jiraa uu ku talaabsan karro. Marrkaas ayaa laga fikiri karaa meesha loo soconayo.”

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay ka baryay inuu adkeeyo amniga iyo iimaanka Somaliland. Isla marrkaana waxa uu ka hadlay wada-hadaladii ka dhexeeyay isaga iyo Xisbiyada Mucaaridka ah, “Waxaan idiin sheegayaa Xukuumad ahaan iyo Xisbiyada Qaranka wada-hadal ayaa noo bilaabmay, si fiican ayuu noogu bilaabmay, waxaananu rajaynaynaa balan dambe oo noo qabsoomay insha Allaahu inaanu wanaag ku dhamaysano wixii noo dhiman.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Waxaanu sheegay in dhibaatada ugu daran ee dalka ka jirtaa ay biyo la’aan tahay “Waxaan idiin sheegayaa dhibaatada inoogu daran ee dalkeena ka jirtaa waa biyo la’aanta. Safarkaygii ugu dambeeyay ee aan Imaaraadka ku tagay wixii aan kala soo kulmay Riigii ugu horeeyay oo ceelashii ugu horeeyay Koonfurta Hargeysa ka qodi doona hadii illaahay yidhaahdo, maadaama ay xagaa ka biyo la’adahay magaaladu, maantana wuu joogaa oo shalay ayuu ka soo degay Berbera. Waxaanu wax weyn ka tari doonaa baahida biyo la’aaneed ee wadanka ka jirta.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynahaha Somaliland.

Mar uu Madaxweyne Daahir Rayaale ka hadlayay cunta la’aanta caalamka ka jirta, waxa uu yidhi, “Waxa aduunyada maanta ka taagan dhibaatooyin xaga muceeshada ah, Aduunka Bariiska dadkii beeri jiray maanta way joojiyeen, aniga oo Illaahay ka baryaya dhibaatooyinkaa inuu inaga soo furto waxa inala gudboon inaynu beeraha qodono, dawladuna waxay ku talagashay dadka beeraha qodanaya inay ka caawiso xaga beer qodaalka sannadkan haddii illaahay yidhaahdo, aniga oo illaahay ka baryaaya inuu inoo keeno roob inagu filan oo dalka oo dhan gaadha.”

“Fariinta aan u diraayo shacbiga reer Somaliland meel kasto oo uu joogo, waxa weeyaan inaynu ka shaqayno is jacaylka gudeheena iyo walaaltinimada gudeheena, taas oo inaga dhigaysa dad wax noqda.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Waxaanu ku balan-qaaday in ay dawlada Somaliland nabadgalyo ugula noolaan lahayd dalalka jaarkeeda, inta xidhiidhku ka dhexeeyo, inta aan xidhiidhku ka dhaxayna ay ku dedaali doonaan sidii ay xidhiidh ula samayn lahaayeen.

Madaxweynuhu mar uu la hadlayay Siyaasiyiinta uu ka midka yahay isagu iyo Saxaafada waxa uu yidhi, “Waxaan ku boorinayaa bahda warbaahinta iyo qolyahayaga siyaasaduba inay dadka ka ilaaliyaan wax ala wixii xajiimaynaya wada-noolaanshaha iyo wada jirka shacbiga reer Somaliland, taas oo caqabad ku noqon karta geedisocodka horumarkeena.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Waxaanu sheegay ina aanu maanta fagaaraha khayariyada u iman inuu qudbad dheer ka jeediyo, oo uu dhawaan qudbadiisii ka jeediyay Golayaasha Baarlamanka (Guurida iyo Wakiilada), waxaanu u rajeeyay Somaliland inay sannadkan sannadkiisa ku gaaddho iyada oo la aqoonsan yahay.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu gaashaanka ku dhuftay warar sheegayay in Ciidamo nabad illaalin ah la keenayo Somaliland, isla markaana waxa uu tilmaamay in aanay wararkaasi waxba ka jirin, saamayna ku yeelan doonin Somaliland Ciidamada loo keenayo Koonfurta Somaliland.

“Waxaan maqlaayay UN-ta oo leh Soomaaliya Ciidamo ha la keeno, fariintan halkan uga dirayaana waxa ay tahay UN-ta iyo beesha Caalamku waa inaaanay iska indho tiring xaqiiqada dhabta ah ee taala, oo laba dal oo la kala yidhaahdo Soomaaliya iyo Somaliland ayaa jira, oo midna yahay dal jira oo dimuquraadi ah oo shaqaynaya, midna dal baaba’ay, anaga oo rajaynayna in Illaahay dhibaatada ka saaro maadaama ay jaarkeena yahay, beesha caalamkana waxay ummadani xaq u leedahay ayaanu waydiisanaynaa inaanu ka helo.”

“Ciidamada la keenayaana nama saamayn doonaan,waxaanan idiin sheegayaa in ay Xukuumaddeenu ka hawlgali doonto, oo aanay saamayn inagu yeelanayn ee ay arrimahaasi koonfurta khuseeyaan.” Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.”

Sidoo kale waxa iyaguna munaasibaddaa 18-ka May ee 17-guurada ka soo wareegtay la soo noqoshadii Madaxbanaanideeda, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Maayarka Caasimada Hargeysa, oo guud ahaanba hambalyo iyo bogaadin u diray shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, isla markaana waxa ay u rajeeyeen oo ay illaahay ka baryeen in uu Somaliland sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo iyo Ictiraaf buuxa oo ay beesha caalamka ka hesho.

Source Hadhwanagnews

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2008 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye