Boramanews@gmail.com

          

           Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Kulan looga Hadlayo Amaanka Caasimada Hargeysa oo lagu qabtay xarunta dowlada Hoose.

           (Updated:-Sun.11.May.2008)

Hargeysa (Bnn)- Kulan balaadhan oo ay kasoo qayb galayn Wasiirka arimaha gudaha Md Cirro, gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Md Cali Asad, Maayarka Caasimada Hargeysa Md Jiciir, Gudoomiyayaasha shanta degmo ee hargeisa iyo taliyayaasha saldhigyada magaalada ayaa maanta lagu qabtay xarunta dowlada hoose ee hargeisa.

kulankan oo ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa amaanka caasimada hargeisa loogana hortagi lahaa waxkasta oo khalkhal galinaya amaanka ayaa waxa furay wasiirka arimaha gudaha Md C/laahi Cirro.

Wasiirka oo la hadlayey xubnaha kasoo qayb galay shirka ayaa ku adkeeyey in masuuliyad dheeraad ah la iska saaro sidii loo sugi lahaa nabada iyo amniga magalaada hargeysa, iyadoo buu sheegay ay soo dhawdahay munaasibadii gooni isu taaga JSL oo lagu qabanayo hargeysa sidaa darteedna digtooni dheeraad ah la muujiyo.

Wasiirku wuxu u sheegay xubnaha kasoo qayb galay shirkan in shirkadni aanu noqon doonin kii ugu dameeyey balse uu yahay bilaw, noqona doono mid joogta ah oo lagaga tashado amaanka caasimada.

kulankan ayaa sidoo kale u muuqday mid lagu turxaan bixinayo khilaaf soo kala dhex galay golaha deegaanka hargeysa iyo wasaarada arimaha gudaha oo ku saabsana mudaharaad rabshado watay dadna ku dhinteen oo ka dhacay magalaada hargeisa kaas oo masuuliyadeeda ay isku tuur tuureen Golaha deegaanka Hargeysa iyo Wasaarada Arimaha gudaha oo midba midka kale ku eedaysay inuu masuul ka yahay.

Todobaadyadii ugu dambeeyey wadooyinka waaweyn ee magaalada hargeisa waxa habeenki xiliyada dambe gaaf wareega ciidanka booliska iyo kuwa military-ga oo si weyn u suga amaanka caasimada, iyagoo xitaa istaajiya gadiidka gaarka loo leeyahay ee habeenki xiliyada dambe maraya wadooyinka magaalada.

Borama News Network
Hargeysa Office

 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye