Boramanews@gmail.com

          

           Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Xubno kulmiye ka tirsan oo Eedayn u jeediyey Hogaanka sare ee Xisbiga

           (Updated:-Sun.11.May.2008)

Hargeysa (Bnn)-Xubnaha isadal doonka ee dhawaan ku biiray xisiga mucaaradka ah ee kulmiye ayaa eedayn kulul u jeediyey hogaanka sare ee xisiga.

Shir jaraaid oo ay xunahaasi ku qabteen hotel Emperial ee magalaada hargeisa waxay kusoo bandhigeen qodobo ay ku sheegayn inay markhaati u yihiin sida maamulka sare ee xisbigu uga leexday dhabihi dumuqraadiyada.

xubnaha oo uu u hadlay Prof. Azaari ayaa si kulul ugu eedayey hogaanka kulmiye inay maroorsadayn taladii xisbiga isla markana ay ka dhago adeegayn talo kasta oo losoo jeediyo.

Prof Azaari, oo dadweynaha usoo bandhigayey hab maamulka xisbiga kulmiyey wuxu sheegay in lagu hungoomay kulmiye oo ay askhaash gaar ihi maroorsadeen taladii xisbiga si ay uga faaiidaystaan uu yidhi danahooda gaarka ah, wuxuna ugu baaqay dhamaan guddida dhexe ee dhawaantan lagu doortay shirweynihi labaad ee xisbiga inay iska casilaan xilalka ay ka hayaan xisbiga si buu yidhi doorasho xalal ah ay ugu soo baxan.

wuxu sheegay in shirweynihi labaad ee xisbiga la majaro habaabiyey oo buu yidhi si khaldan loo maamulay, isagoo intaa ku daray in guddida dhexe ee xisbiga lagu soo doortay nidaam baal marsan dastuurka iyo shuruucda kale ee xisbiga u taala.

wuxu ku eedayey gudoomiyaha xisbiga kulmiye Axmed Siilaanyo inuu talada kaligii isku kobay oo sidi kaligii talisnimo ah u maamulay xisbiga isagoo wada tashigii iyo isku tanaasulkii iyo shuruucdii xisbigaba ka talaabsaday.

wuxu intaa ku daray Prof Azaari in haddii uu sidaa kusii socdo hogaanka sare ee xisiga kulmiye ay taasi keeni doonto in ay dad badan oo miisan leh ay ka baxaan xisbiga, xisbiguna lumindoono dad badan oo taageerayaashiisa ah.

waa waja gabaxii ugu weynaa ee soo foodsaara hogaanka sare ee kulmiye ee dhawantan la doortay, kaas oo kaga yimaada xubno miisan leh oo ku jira xisbiga,

xubnaha isbadal doonka ee ku biiray dhawan xisbiga ayaan wax muuqda laga siin guddida dhexe ee xisbiga, iyadoo labo xubnood oo kaliya lasiiyey, waxayna taasi keentay inay siweyn uga cadhoodan hab maamulka xisbiga.

Borama News Network
Hargeysa Office

 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye