BNN(Khartoum)Xukuumada
Suudaan ayaa xabsiga dhigtey hogaamiyihii
mucaaradka Sheekh Xasan Al-Turaabi iyo afar
xubnood oo kale oo ka mid ah xisbigiisa, taasi oo
ka dambeysay ka db markii la jabiyey ciidamadii
mucaaradka ee weerarka ku soo qaaday magaalada
Khartuum ee caasimada ah.
Awad Babikar oo ah Xoghayaha
gaarka ah ee Sheekh Xasan Al-Turaabi ayaa u
sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada
amaanka ay yimaadeen guriga Al-Turaabi, isla
markaana ay kaxeysteen.
Khalil
Ibrahim iyo laba xubnood oo kale oo ka mid ah
xoogaga mucaaradka ee Cadaaalda iyo Sinaanta ee
Jem ee reer Darfur oo ah kooxdii soo weerartey
magaaalda Khartuum ayaa ka mid ah dadka la xirey,
waxaana xubnahaasi ayka mid ahaayeen
taageerayaasha Al-Turaabi, laakin Turaabi waa uu
dafiray eedeymaha loo soo jeediyey
Wiil uu
dhaley Sheekh Xasan Al-Turaabi ayaa wuxuu sheegay
in ciidamadu ay xabsiga u taxaabeen isagoo ku
sugan gurigooda, waxaana uu sheegay in aabihii
markii la xirayey uu ka soo laabtey shir ay
lahaayeen xisbiga PCP kaasi oo ka dhacay Gobolka
Sennar.
Sadiiq Al-Turaabi
ayaa sheegay in ay doonayaan waa xukuumada
Sudaan’e in aabihii ay ku eedeeyaan wixii dhacay.
SBCInternational
News Disk